Jump to content

User:Jameecada Shariif Nuurow

Ka Wikipedia

Shariif Nuurow Aamiin Barkhadle waa Caalim weyn oo ka mid ahaa Culimada ugu Caansan Asharaafta Somalia, wuxuu ku Dhashaey Jameecada Biyooley sanadkii 1899. Aabahiisa Shariif Aamiin Barkhadle wuxuu ahaa Hogaamiyaha Deegaankaas, wuxuuna ku Nadrey wiilkiisa ugu horeeyo inuu Diinta Islaamka kula dadaalaayo, Maadaama Awoowahiisa Shariif Barkhadle uu Caalim weyn ahaa, Kutubtii laga dhaxleyna cid Akhrisa la waayey, ayaa Shariif Aamiin Shariif Barkhadle ugu Nadrey inuu Cunugiisa ugu Horeeyo uu noqdo kii Akhrin lahaa Kutubtii Aboowahiisa. Shariif Nuurow Aamiin Quraanka wuxuu xifdiyey asigoo 11 sano jir ah, Kadibna wuu xireystey, Sheekhiisa ugu Horeeyey wuxuu ahaa Sheekh Cabdiraxmaan Buule oo kamid ahaa Culumadii Baardheere, kadib Sheekh Cabdiraxman wuxuu ku Wareejiyey Sheekh Ibraahim Ruhbaan uu isna caalim weyn ahaa oo Buurhaybe agagaarkeeda Deganaa. Sheekh Ibrahim Ruhman Markuu Dhintay Dad Shariif Nuurow Aamiin ugu Horeeyo waxay Aadeen Baardheere oo uu ku sugnaa Sheekhoodii Hore Sheekh Cabdiraxmaan Buule Halkaas ayeyna kasii wateen Barashada Diinta Islaamka.

Lasoco.