User:Keyow4real/Bacaadka

Ka Wikipedia
Khadar Keyow
File:Https://www.instagram.com/p/Bzs2E-2Ha 4/
Macluumaadka asalka
Magaca dhalashadaMohamed Qadar ibrahim Omar
Dhashay (1997-02-10) 10 Febraayo 1997 ( 27jir)[1]
Mogadishu -Benadir , Somalia
AsalMogadishu, Somalia
Nooca fankaBongo flava, afro-pop, afro beaat
shaqadaSinger, songwriter,actor, dancer, businessman
QalabkaVocals, piano, guitar, drums
Sanadaha Shaqada2010– present
CalaamadahaKeyow Team, Keyow Music Group,
Websitewww.instagram.com/mohamedqadar ibraahim omar/

mohamed Qadar ibrahim omar (born 10 Febraury 199), popularly known by his stage name Khadar Keyow, is a Somalian afro beat recording artist, actor, dancer, and a businessman from mogadishu, somalia. He is the founder and CEO of Team Keyow Record Label

Personal life ( nolosha shakhsiyeed )[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Mohamed Qadar Ibraahim Keeyow wuxuu heesaha ku billaabay 13 sano jir, muddo lix sano gudahood ahna wuxuu caan ka noqday Soomaaliya. Hamuuntiisa faneed waxay soo billaabatay isagoo carruur ah, Haddana waa 19 jir. Khadar wuxuu sheegay in uu heesaha kaga dayday fannaankii weynaa ee Maxamed Suleebaan Tubeec. Miraha heesahiisuna waxay u badan yihiin kuwo xambaarsan farriimo maslaxadeed jaceyl iyo dulqaad isugu jira.

“Is jeclaada oo midooba. Ha ku lugyeelanina dagaallada qabiilka”. Ayuu Keeyow dhallinyarada saaxiibbadiis ah iyo fannaaniinta kaleba u sheegay mar uu ka hadlayey kulan ka dhacay mid ka mid ah hoteellada Muqdisho maalmo ka hor Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee 15-ka May.

Fannaankan soo baxaya, oo heesihiisu dad badan ay ku abuuraan dareen wadaniyadeed, wuxuu ku boorriyaa dhallinyarada Soomaaliyeed in ay tabartooda isugu geeyaan hawlaha bulshada waxtarka u leh.

Isagoo ka hadlayey soo dhaweynta Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed, Khadar wuxuu dhibaatooyinka ragaadiyey Soomaaliya u aaneeyey qabyaaladda sida khaldan loo adeegsadey. Wuxuuna aamminsan yahay in farriimaha heesihiisu xambaarsan yihiin ay beddeli karaan qalbiga dhallinyarda. Wuxuu kaloo heesaha u adeegsadaa in uu dhallinyarada ku guubaabiyo dib-u-dhiska Soomaaliya.

“Haddii aan isku dayo inaan meelo kale ka heeso, farriinteydu waxay ku dhex lumi kartaa fagaaraha muusigga caalamiga ah, dadkeyguna waxay ku sii jirayaan dagaal”. Ayuu yiri Khadar.

Isagoo ka hadlaya adeegsiga dhallinyarada ee Al-Shabaab, Khadar wuxuu dhallinta uga digey ku lug yeelashada dagaallo aysan fahamsaneyn.

“Markii aan billaabay heesidda, Al-Shabaab waxay ka talinayeen qaybo Muqdisho ka mid ah. Hadda dowlad ayaa dalka ka jirta, welina waxaan qaadaa heesaha jaceylka iyo waddaniyadda ku qotoma”. Ayuu yiri Khadar.

Fannaankan Dhowr iyo Toban jirka ah, hooyadiis waxay xoortay isagoo saddex billood oo qura dhallan, ka dibna waxaa soo korsaday ayeydiis iyo awowgiis oo da’ ah. Markuu Siddeed sano jirsadayna waxaa geeriyooday aabihiis. La noolaanshaha waalidiintiisa labaad waxay ku qasabtay in uu yaraan ku billaabo hanashada noloshiisa. Sida laga dhadhansan karo farriimaha ay gudbinayaan heesahiisu, taariikh nololeedka Khadar waxaa ku badan rajo iyo dhabar adayg.

“Mustaqbalkeygu wuxuu yaal Soomaaliya. Markaan socod ku maro waddada Lambar 4 ama Makka Al-Mukkarrama, waa la i wada garanayaa”. Ayuu yiri Khadar oo xusaya goobaha heesihiisa sida weyn looga daaro ama looga dhegeysto.z


Awards and nominations ( Abaal Marinada )[wax ka badal | wax ka badal xogta]

SOMALI GLAMOUR AWARDS SOMALI GLAMOUR AWARDS NAIROBI 2018

Mogadishu Awards Fananka Mogadishu Fananka SANADKA Mogadishu 2018

Endorsements[wax ka badal | wax ka badal xogta]

On 15 may 2016 YOUNG ARTIST WHO IS HEALING SOMALIA THROUGH MUSIC , [2] Somali National Youth Day, which is celebrated on 15 May.

On 19 September 2019,KHADAR KEYOW | NOBODY | OFFICIAL MUSIC VIDEO 4K [3]

On 25 September 2019,KHADAR KEEYOW - CAFIS BAAN KA DOORBIDEY [4]

On 19 May 2020,Khadar keyow oo caruur agoon ah farxada ciida la qeybsaday ( Dalsan Tv ) [5]

Albums & Songs[wax ka badal | wax ka badal xogta]

  • 2010: malaha walagu sitaa
  • 2011:Calaf , Hamuun waan ku Qabaa (kaban )
  • 2012: Moogiye Jaceyl ( Qaraami ), Cishaduu ilaahy
  • 2013: ma hurdo mana harsado
  • 2014: Balan , ,Gooxa,
  • 2015: Quruxdii Haweynka , Dal iyo Duunyo ,
  • 2016:Hilow , Gabdhaha Somaliyeed, Yarta Wey Shidantahay ,
  • 2017:Indhadeeraley Ft Abdulahi Boqol ,
  • 2018:Inantu wataan Jeclaay ,
  • 2019:NOBODY , Nasiib Ft Xamiilo Gobaad , Caddale ,
  • 2020: Rajo , Saxiib Ft Qamar Sugaani , Ciid Wanagsaan , Rahma,
  • More Songs coming soon ......


Reference[wax ka badal | wax ka badal xogta]

  1. . Diamondtz.com https://web.archive.org/web/20140606055705/http://www.diamondtz.com/artist/diamond-platnumz-english-biography. Waxaa laga kaydiyay the original 6 June 2014. Soo qaatay 5 June 2014.  Barameter aan la aqoon |url-status= ignored (caawin); Maqan ama ebar |title= (caawin)
  2. Keyow, Khadar (15 May 2016). https://unsom.unmissions.org/young-artist-who-healing-somalia-through-music.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  3. Youtube. 19 September 2019 https://www.youtube.com/watch?v=neC-plz9frM.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  4. Youtube. 25 Oct 2017 https://www.youtube.com/watch?v=1O19AK4Vp_M.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  5. Facebook. 19 May 2020 https://www.facebook.com/dalsantv/videos/265980721263643/.  Maqan ama ebar |title= (caawin)

External links[wax ka badal | wax ka badal xogta]