Jump to content

User:MIIRAALE

Ka Wikipedia

Siigga

SIIGGA

Af-carabi: هيرولا

Ingiriisi : HIROLA

Magaca sayniska : Beatragus Hunteri

Siiggu waa Nooc kamida ugaadha waaweyn (ishinka) ee dhulka soomaalida  gaarka u ah, meel kalena lagama helo, waa nooc ugaadheed dabar go' ku dhow wax ka yar 600 siig ah ayaa laga helaa xuduud beenaadka soomaaliya iyo kenya, Sida ku xusan dukumiinti uu soo saaray Ururka Caalamiga ah ee Ilaalinta Dabeecadda.

waxa la weriyaa inuu meel walba ku dhaqnaa ka hor dagaalladii dalka, wuxuu ka mid ahaa ugaadhii u firxatay dhanka kenya halkaasoo xeryo looga ootay, dabargo'iisa waxa keenay ugaadhsi xad-dhaafa, abaaro ba'naa oo dhulkii uu kunoolaa xaalufiyay, biyo yaraan, colaadaha, iyo gumaysigii oo sabab u ahaa baaba'a xayawaankan, ka dib markii uu qori iyo baaruud dalka soo geliayay taasoo fududaysay inaan loo aabbo yeelin layntiisa.

Siiggu waa geesoole midab ahaanna waa cawl, wuxuu leeyahay sanqaroor dhuuban oo dheer, waxay is shabbahaan Biciidka, waa ugaadh la Gabraarto (Ugaadhsado) si cadkooda looga faaidaysto, siiggu waa fiig aad u feejig, didmo badan, doodna kama joogto inuu yahay ka ugu dheereeya ugaadha, haddii uu orod u hollado cago laguma hawaysto, inuu aad u dheereeyo waxa tilmaan u ah  heestan:-


"Saddex lalama baratamo

Sange subag idaad dhamay

Goray seeta laga jaray/Sareerraad

Iyo bahal ay siig lahaayeen"

-?

Hadraawina waa kii lahaa:

"Dadku siigga dida maaha"

wuxuu daaqaa wakhtiyada qaboonaha ah subaxa hore iyo galab gaabkii, daaqa qallalan iyo cawska ayuu cuaa, wuxuu ku dhaqmaa sudaha ama kaymaha, buuraha iyo dhulka geedka leh.

Siigga oo qarniyo badan soomaalidu taqaannay walaw hadda ay yartahay cidda wax ka haysaayi, ayay cilmibaadhayaal shisheeye daahqaadeen xogo iyo macluumaad ku saabsan sannadkii 1888, wuxuu u qaybsamaa saddex nooc  waxa uu caloosha ilmaha ku qaadaa sagaal bilood jiilaalkii ayuu dhalaa, cimrigiisuna wuxuu gaadhaa 15 sano.

Waxa jirta suugaan badan oo siigga lagu sheegay waxaynu kasoo qaadan karrraa kuwan:-

Markii laysu soo ciyey miyuu, caday ka boodsiiyey

Ma carcoorriguu baxay sidii, cawsha iyo siigga

~Sayid maxamed cabdulle xasan

Garanuug maraa daaqa iyo goodirkiyo siigga

~Cali mooge

Qaansaleydu haw sacbbiyeen Siigga qalataaye

~Axmed ismaaciil diiriye (Qaasim)

Waxa jira kala duwanaansho aan badnayn oo dhexeeyay xajmiga siigga, dhererkiisa guud, dhererka geesaha, iyo culayskiisa:-

Dhererka garabka: 99-125 cm,

Miisaanka jidhka: 73-118 kg,

Dhererka madaxa iyo jidhka: 120-200 cm

Dhererka geeska: 44-72 cm,

Dhererka dhegta: 19 cm.

W/Q: Axmed soomaali