Jump to content

User:Maahsane Maqane/Cabdiqaadir Aroma

Ka Wikipedia

Cabdulqaadir Cismaan Maxamuud ‘Cabdulqaadir Aroma' (Dusmo reeb, Galguduud, Soomaaliya 1953 - London UK luulyo 16, 2014). (Af Ingiriis: Abdulkadir Osman Mahmuud; Af Carabi: عبدالقادر عثمان محمود).

Cabdulqaadir Aroma wuxuu ahaa; qoraa, sheekocuriye, taariikhyahan, suugaanyahan, xeeldheere dhaqan, maansoole, dadyaqaan iyo aqoonbaare.


Sheekooyinkiisii qaar ka mid ah:

• Ilmo Dahabo Toolmoon

• Xaaji Dhagaxkariye: sheeko taxane ahayd

• Beesha Toban Kunley: sheeko taxane ahayd - Wargeyska Xog-ogaal ayey ku soo bixijireen.


Dhanka kale, Cabdulqaadir Aroma waxa uu qoray buugaagta kala ah:

1. Sababihii Burburka Soomaaliya (1999)

2. Sooyaalka Soomaaliya (1999)

3. Tiirka Colaadda (2002)

4. Hadimadii Gumeysiga iyo Halgankii Ummadda (2005)

5. Taangiga Tigreega (2008)

Waxaa jira buug uu qaybyo uga tagay, oo runtii uu aad u jeclaa, oo la yiraa: ‘Al amru bil macruuf wanahyu canin munkar’ oo sawirro iyo murtiyo kookooban isugu jiray.


Ilaahoow casiisow Adaan kuu cataaboo Kuu cabanayaa keli Casar waaye goortuye Waa ayaamo caamiyo Casharrada dhaxaysee Bisheennii cuddooneey Ramadaanul caafiya Cabdiqaadir Eebboow Aqbal camalka kiisa ah Cafi qalad hadduu galay Jannadaada ku casuun Nabiyadii carfoonaa Casiisow darkoodii Iyo xawdka ka cabsii Ceelashii Fardawsiyo Wabiyadii cagaarnaa Rabbiyoow Casiisoow" Maansadii: Caloolyow Curiye: Bashiir M. Xersi 'Ina Cubtan

Qaybo ka mid ah aragtida qormadu waxay ku soo baxday wargeyska Gobollada Dhexe tirsigii bishii agoosto, 2014.