Jump to content

User:Madaale1/Bacaadka

Ka Wikipedia

Khaalid Maxamuud Cabdillaahi (Khaalid Kaamil): Cod Horumarineed oo Fanka Soomaaliyeed

[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Khaalid Maxamuud Cabdillaahi, oo si faneed loo yaqaan Khaalid Kaamil, waa fannaan Soomaaliyeed oo caan ah, una muuqda cod hormarineed oo muuqda gudaha fanka Soomaalida. Heesihiisa waxay inta badan xambaarsan yihiin farriimo jacayl, waddaniyad iyo arrimo bulsho oo taabanaya xaaladda dadka Soomaaliyeed.

Wuxuu ku dhashay magaalada Burco sanadkii 1995, wuxuuna ku barbaaray deegaankaas. Safarkiisa faneed wuxuu si rasmi ah uga bilaabmay magaalada Hargeysa sanadkii 2016, halkaas oo uu kaga biiray kooxda faneed ee Dayax Band, taasoo u horseeday sumcad faneed oo degdeg ah. Kaddib wuxuu u guuray magaalada Muqdisho, halkaas oo uu ku noolaa muddo ku dhow shan sano, kuna gaaray magac iyo maamuus heer qaran.

Khaalid ma aha oo keliya fanaan, balse sidoo kale waa laxamiiste iyo sameeye laxan oo tayo leh, heeso badan oo uu curiyayna waxay gaareen daawashooyin malaayiin ah. Waxa uu door muuqda ka qaatay horumarinta fanka, isagoo caawiya fannaaniinta soo kacaya, si gaar ah dhinacyada laxan-samaynta, habaynta muusiga iyo dhiirrigelinta hal-abuurkooda.

Heesaha uu Fuliyeey (Codkiisa ku qaaday):

[wax ka badal | wax ka badal xogta]
  • Soomaaliya Ha Noolaato – 3 milyan+ daawasho
  • Barmuuda – 12 milyan+
  • Xafladii Guurkaa La Gaadhay – 12 milyan+
  • Qalbigu Saaxiib Ma Yeesho – 9 milyan
  • Libdhada – 8 milyan
  • Waraaq Ku Qor Oohintaada – 8 milyan
  • Marwadeyda Koobaad – 5.4 milyan
  • Hooyo – 4.5 milyan ➡ Wadarta guud ee heesaha uu qaaday: 61.9 milyan+ daawasho

Heesaha uu Laxanka u Sameeyay (Melody Composer):

[wax ka badal | wax ka badal xogta]
  • Amiin Yare – Ii Fur Buuga Naxariista – 25 milyan
  • Nimcaan Hillaac – Ka Reystay Bukaanadii – 25 milyan
  • Amiin Yare – Miyaan Kuu Cuntami Waayey – 17 milyan
  • Haboon Nuura – Saadaali Guusheena – 15 milyan
  • Roda Kayf – Dareen Ugu La Sheekayso – 9.4 milyan
  • Maxamed Maame – Mugdi Tira – 7.3 milyan
  • Haboon Nuura – Dib Ayaan Ka Ogaaday – 5.2 milyan ➡ Wadarta guud ee heesaha uu sameeyay: 103.9 milyan+ daawasho

Wadar guud ee daawashooyinka (Fuliyay + Sameeyay):

[wax ka badal | wax ka badal xogta]

165.8 milyan+ daawasho

KHAALID KAAMIL