User:Maxaatir

Ka Wikipedia

Jilibmarka Jilibmarka waa mayaalo yar aad u qurux badan. Magaaladaan waa magaalo qadiimi ah waxaana dega biiyamaal, banaadiri iyo shiikhaal. Dadka asal ahaan u leh waa biiyamaalka. Magaaladaan waxay ku taalaa meel istaatiji ah waxay leedahay xeeb dheer oo aad u quruxbadan, waxayna u dhaxeysaa magaalada Muqdisho iyo Marka. Waxaa deris la ahay deegaanka Gendershe iyo Marka. Waxyaabaha ay caanka ku tahay hadii aan soo koobo waxaa ka mid ah wax soo saarka dharka aliindiga ama dharka gacan ku sameyska, sidoo kale waxaa lagu sameeyaa dheryaha iyo ashuunka biyaha lagu shubto. Waxay kaloo caan ku yihiin malaay dabato shirkadaha malaayga ugu badan waxay kuyaalaan Jilibmarka. Jilibmarka waxaa degan dad masaakiin ah oo aan qabiil aqoon waxay soo dhaweeyaan somali meeshuu kayimaado waxaana kusoo dhaweeyaan walal somalinimo. Gudoomiyaha jilibmarka waa Cabdiqaadir Maxaad Axmed waxuu maamulka hayaa xiliga siyaad bare ilaa maanta inkastoo hada uu deganyahay magaalada Muqdisho jilibmarka waxaa gacanta ku haayaa kooxaha xagjirja ah ee all Shabaab. Magaaladaan waxay kakoobantahay 4 xaafadood Hantiwadaag, waberi, ubax iyo horseed. Magaaladaan gees ahay waxaa ka jira biyaha maanyada ama bada sidaad u taqaanid. Waxay u sameysan tahay sida jasiirad. Waxii faahfaahin dhiman waan idin soo gelin doonaa a.