User:Mohamed Said Mohamed/Bacaadka
Eng Caydaruus Cismaan Keenadiid[1]
Eng. Caydarus oo ahaa shaqsi si weyn looga yaqaan Puntland iyo guud ahaan geyiga Soomaalidu degto waxa uu Ku dhashay Feb 1949 magaalada Hobyo. Hooyadiis Waxaa la oran jirey Faadumo Ciise Cigaal oo ka soo jeeddey qoys aad loo qaddarin jirey oo maalqabeen ah, ganacsi ballaarana Muqdisho Ku lahaa. Dugsiga hoose waxa uu Ku qaatey school Gaalkacyo Ku yaal qur'aankana Ku bartey. Ka dib waxa uu u soo wareegey Xamar isagoo Ku jirey gacanta awowgiis Ciise Cigaal Cali Faarax. Dugsiga dhexe waxa uu uga baxay Al-NAMUUDAJIYA waagii dambana Shiikh Cali Suufi loo yiqiin. Dugsiga sare waxa uu uga baxay JAMAAL C.NAASIR, qaybta cilmiga. Waxa uu aad ugu fiicnaa cilmiga xisaabta, fiisigiska iyo kimitariga. Bilowgii waxbarashadiisa wuxuu nasiib u helay in si gaar ah loogu qabto macallimiin masaari ah ilaa uu ka baxay dugsigii carabta oo ahayd meeshii uu kala yimid culuumta iyo luuqadda carabiga oo uu wax ku qori jirey. Waxbarashada jaamacadda waxa uu ku qaatey dalalka RUSSIA iyo UKRAINE ee midowgii soofiyeeti, jaamacadda Kharkov State Technical University of Civil Engineering and Architecture. Wuxuu kaloo soo qaatey , Construction Management jaamacadda Economic Principle at University of Rome. Engineering Management and Planning ayuu sidoo kale Kuwait Ku bartey. Waxa uu dalka dib ugu soo laabtey70s. 1974 ayuu noqdey maareeyihii guud ee wakaaladda dhismaha Soomaliyeed oo hoos joogtey wasaaradda howlaha guud iyo guriyeynta. Waxa uu sidoo kale noqdey agaasimihii guud ee wasaaraddaas. Waxa uu Caydarus ahaa :- -Dajiyihii Muqdisho Urban Planning/ city plan. -Structure Designee, gaar ahaan dhismihii wasaaradda arrimaha dibadda iyo tan qorsheynta. -Waxa uu ahaa shaqsigii dhisey xarunta qaranka ee #Villa_Somaliya. Markii uu yimid Soomaaliya wasiirka horumarinta dhaqaalaha dalka Talyaaniga MAURRO FERRI, waxa uu yiri " Daartan Waxaa dhisey ardeydii wax Ku bartey Engineerinka Italy ", markaas ayuu madaxweyne Siyaad Barre yiri " Maya, Waxaa dhisey ardeydii wax Ku bartey USSR (Sofiet Union)", iyadoo sidaan horey u tibaaxneyba Engineerku wax Ku soo bartey labada dalba, balse madaxweyne Barre uu la rabey hantiwadaagii Ruushka oo uu duggaal iyo gacan-saarba la lahaa. - 10 sano Ku dhowaad ayuu ahaa shaqsigii bixin jirey dhulalkii damaanyaalaha loo yiqiin ee ay wasaaradda howlaha guud bixintiisa qaabilsaneyd. - Waxa uu dhisey inta badan xarumihii dowladda iyo xaruntii aqalka xisbiga. - Waxa uu ka mid ahaa Engineeradii dhisey madaxtooyada Baydhabo iyo dhismihii ay deggeneyd wasaaradda howlaha guud ee Baydhabo. 1980 ayuu ka ruqeystey shaqadii dowladda ka dib markii ay is-qoonsadeen Cismaan Maxamad Jeelle oo Ku jirey golihii sare ee kacaanka iyo wasiirkii xilligaas xukumey wasaaradda howlaha guud Eng.Maxamad Xawaadle Madar. Ka dib waxa uu u wareegey shirkad dhismaha ah oo uu isagu gaar u lahaa oo la oran jirey Somali Engineering and Construction Company (SECCO), shirkaddaas oo qandaraasyada ka qaadan jirtey wasaaradaha dalka qaarkood, sida tii xannaanada xoolaha oo uu gobollada dalka meelo kala duwan ka qodi jirey ceelasha iyo waraha xooluhu ka cabbaan. Wasaaradda maaliyadda iyo tan caafimaadka ayuu xafiisyada ay gobollada ka furanayaan naqshadeynta iyo dhismaha u qaabilsanaa. Ka dib burburkii dowladda Soomaaliyeed, waxa uu Eng. Caydarus sanadkii 1992 u haajirey magaalada Cadan ee xarunta dalka Yemen. Muddo yar ka dib waxa uu dib ugu soo laabtey dalka gaar ahaan gobolka Bari, isagoo dhisey xafiisyada dhismayaal ku yaalla dekedda dhexdeeda oo loogu talo galey in dekedda laga maamulo. Kadib waxa uu asaasey 1996, hay'ad ka shaqeysa dhismaha iyo dayactirka jidadka oo la oran jirey NESHA. Maamulkii xilligaas ayuu kula heshiiyey in qoondo lacageed loo jaro hay'adaas si ay howlaheeda u fuliso, balse Waxaa maalgalinayey EU iyo USAID. Ka dib markii dhidibada loo taagey Puntland, waxa uu Ku wareejiyey hay'addaas oo la qarameeyey. Dhowaan ayaa magaca laga beddeley loona bixiyey PHA, isla maantey oo 7th March ayaa guddoomiye cusub lugu wareejiyey hay'ada, balse waxaan ka xumahay ineysan xusin oo xittaa Allaha u naxariisto dhihin, iyagoo sheeganaya libin aysan lahayn oo aaneyba u dhididin, asii ay ka abaal- dheceen, waxaanse rajeynayaa iney soo noqon doonto, Laguna sameyn doono Caydaruus wuxuu ahaa shaqsigii inta badan qaban qaabin jirey shirarkii kala duwanaa ee gobollada waqooyi bari loogu dhisi lahaa maamul ay Ku mideysan yihiin, sida shirarkii qardho iyo garowe ee loogu bud-dhigayey maamul mideysan. Waxaa uu ahaa shaqsigii keliya ee doodaha la gorfeynayey qaabeynayey oo ururinayey ka dibna wixii lagu heshiiyo qoraal u beddeleyey. Waxa uu noqdey Ku xigeenka wasiirka qorsheynta. Sidoo kale cadde Muuse ayaa u doortey inuu noqdo agaasimaha guud ee madaxtooyada. Mashaariicdii ka fushey puntland ayuu lug iyo talo weynba Ku lahaa. Waxaa uu ahaa qoraa luuqado kala duwan wax Ku qora oo hay'adaha dowligaa iyo kuwa maxalligaaba u qora documentiyada ay Ku shaqeeyaan. Waxaa uu ahaa engineer naqshaddiisa aad loo jeclaa oo inta badan madaxdii iyo ganacsatadii puntland soo maray in badan oo ka mid ah xafiisyadooda iyo guryahooda isagu dhisey ama naqshadda uu siiyey. Eng. Caydaruus oo kasoo jeeda qoys qani Ku ah dhaqanka iyo afsoomaaliga, taariikhda soomaalidana qeyb weyn Ku leh, ayaa ahaa aftahan suugaanyahan ah tiriyeyna gabayo kala duwan, ururiyana sooyaalka soomaalida. Waxaa uu Ku hadli jirey waxna ku qori jirey luuqadaha ingiriiska, talyaaniga, ruushka, carabiga iyo soomaaliga. Caydaruus engineer qudha ma ahayn, ee wuxuu sidoo kale ahaa : - Siyaasi - Nabadoon - Hal-abuur - Taariikhyahan Waxaa uu sidoo kale ahaa shaqsi xishood badan, dhaqan wanaagsan Ku koray, dhowrsanaan badan, dadkuna aad u jeclaayeen, sidoo kalena hadal yaqaan wixii uu yiraahdo wax kasoo noqon. Eng. Caydaruus ayaa ka mid ahaa 13 wiil iyo gabar uu dhalay aqoonyahan/ abwaan/ philosopher Cismaan Keenadiid, isagoo ahaa ruuxii ugu da' yaraa uguna geerida dambeeyey. Goorsheegtadu waxay soo gurguuratoo soo gaatin-socotaba, 16 Aug talaada, ayey gaaddada saartey xilligii ajashiisa, isagoo Ku xijaabtey magaalada Garowe oo kolkaas xanuun dartiis loo keenay, isagoo ifka uga tagey 8 carruur ah (afar wiil iyo afar gabdhood). Wiilkiisi sharma'ake ayaa geeraar iyo gabayba ka tiriyey geeridii aabihii iyo sidii iilka loogu walwaalay. waxuuse soo qaadanayaa in yar oo ka mid ah geeraarka : Arladan dusheediyo Addunyadan aan joogno Ilaahii abuuree Awooddeeda lahaabaa Arrinkeeda maamula Cibaadiyo islaanimo Taqwiyo addoonimo In lagu tisqaadaa Inagu wada habboonee Abidkeed adduunyada Intii lawada uumay iyo Aadam dhashiisii Ruux aan tageynoo Arlada dusheeda Abidkii Ku waarin Lama arag un weeyaan Ruuxii ayaamahan Istareex ku joogiyo Inkaar key ku noqotaba Wey wada alleysan Ujeedkaygu wuxuu yahay Aabbe geeridiisii Giddigii islaamkiyo Uunkaa ka wada naxay Maalinkuu abuurmee Ilaahay sameeyaa Ajashiisa loo qorey Insigiyo jinniguba Haddey is bahaystaan Waxb uma ahaadeen Rabbi baana oofsadey.
Qoraha: Wiilkiisa Sharma'arke Caydaruus Cismaan
- ↑ Sharma'arke Caydarus