Jump to content

User:Mohamed Yoale/Bacaadka

Ka Wikipedia

Baro Taariikh-da Wadankaaga Ogaadeeniya iyo Halka aad kaga Jirto Taariikhda Qormaysa

Qormadan hoos ku qoran oo si cilmiyaysan loo soo diyaariyay ayaan ka helay akhriste nala-wadaagay annaga oo uga mahad-celinayna ayaan ku dhiiri-galinaynaa cid wal ba oo wax qorta in ay xidhiidh nala soo samayso si aan Qalin-leyda Soomaalida Ogaadeeniya aan dhaxal uga reebno.”Waxii la qoraa quruume jiree.” Waxa aad is weydiisaaa illeen taariikh ayaa qormaysee halka aad kaga jirto ? Ogaden-liberation-front-1964-100x100 Sanadkii 1529-1541-dii waxaa socday Halgankii uu Hogaaminayay Axmed Ibraarim Qasaali (Axmed Guray). Sanadkii 1864-tii waxaa dhashay Sayid Mohamed Cabdule Xassan, Sanadkii 1885-tii waxaa dhacay Shirkii Baarliin ee Africa lagu qaybsaday, Sanadkii 1887-dii Abasiiniya/ Itoobiya ayaa Qabsatay Magaalada Herar, Sanadkii 1894-tii waxaa dhacay heshiis dhexmaray Ingiriiska iyo Itoobiya kaas oo ay ujeedadiisu ahay in Ogaadeeniya lagu wareejiyo Itoobiya, Sanadkii 1896/1/1. waxaa dhacay heshiiskii ilaalineed ee dhexmaray Ingiriiska iyo Odayaal dhaqameedkii Ogaadeeniya, Sanadkii 1897-dii waxaa dhacay heshiis Ingiriiska iyo Itoobiya u dhexeeyay oo ay ku samaynayeen Xuduud beenaad, Sanadkii 1895-tii Sayid Mohamed Cabdule Xassan ayaa bilaabay Halgankii daraawiishta, Sanadkii 1921-dii ayay burburtay daraawiishtii kadibna Sayid Mohamed Alle ha unaxariistee wuxuu ku geeriyooday duleedka Magaalada Iimay-Galbeed, wareejintii Ogaadeeniya, Sanadkii 1942-dii ayuu Ingiriisku bilaabay wareejinta Ogaadeeniya wuxuuna Sanadkaas Itoobiya ku wareejiyay Gobolka Jigjiga iyo Galbeedkiisa. Sanadkii 1943-dii waxaa lawareejiyay Gobolka Shiniile. Sanadkii 1944-tii waxaa lawareejiyay Fayaanbiiro ilaa Wabashabeele. Sanadkii 1948-dii /9/23/dii waxaa la wareejiyay dhulka intiisa badan Haud and Reserve Area mooyeen, Waxaana Magaalada Jigjiga ka dhacay Rabshado kagaga soo horjeedo bixinta dhulka Ogaadeeniya, Diidmadaas waxaa ka qayb galay Garaad Makhtal Daahir, Sanadkii 1954-tii waxaa la wareejiyay dhulkii uu Ingiriisku u yaqiinay Haud and Reserve Area oo ahayd dhinaca Waqooyi Galbeed Soomaliya ay Gobolada Dhagaxbuur iyo Qoraxay kaga aadanyahiin, Sanadkii 1955-tii 28. February ayuu Ingiriisku Shaaca kaqaaday wareejinta Ogaadeeniya, Sanadkii 1956-dii /25/August. Ayuu Xayle Salaase oo Xiligaas Boqor u ahaa Ethiopia yimid Magaalada Qabridahare kadibna shacabkii Magaalada u sheegay inay kamid yahiin Bahwaynta Itoobiya, Sanadkii 1960-kiina waxaa Magaalada Dhagaxbuur ka dhacay Xasuuq la odhan jiray “Xasuuqii Kanooniga” waxaana ku naf waayay 70 qof oo Shacab ah aas aaskii Ururada, Sanadkii 1963-dii /13.May. Waxaa la aas aasay Jabhadii Xoraynta Ogaadeeniya(JXO)oo markii danbe isu badashay Nasrullaah Hogaankana la wareegtay sanadkii 1973-dii waxaa la aas aasay Xizbiga Xoraynta Ogaadeeniya (XXO) laakiin durba wuu burburay. Sanadkii 1976-dii Waxaa la aas aasay Jabhadii Xoraynta Somali-Galbeed (WSLF) Sanadkii 1977 – 1978 Waxaa dhacay Dagaalkii Ogaadeeniya, waxaana looyaqaanaa dagaalkii 77. Sanadkii 1984-tii /8/15/ waxaa la aas aasay Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeeniya (JWXO) (ONLF) Sanadkii 1991-dii ayay JWXO furtay Xafiisyadeedii ugu horeeyay sanadkii 1992-dii /2/8-12/waxaa dhacay Shirwaynahii Magaalada Garbo, Sanadkii 199-dii /2/21/ waxaa dhacay Dagaalkii ugu horeeyay ee dhexmaray TPLF Iyo ONLF oo kadhacay Tuulada Birqod waxaana Wayaanaha laga dilay 105 askari sanadkii 1992-dii /2/22/waxaa dhacay Dagaalkii Wardheer oo ay ku naf waayeen dad Shacab ah oo kor u dhaafaya 56 Qof, Sanadkii 1992-dii /9/ waxaa dhacday Doorashadii Ogaadeeniya oo ay ONLF 85% Ku guulaysatay, Sanadkii 1993-dii /1/23/ waxaa dhacay kalfadhiigii Baarlamaanka Ogaadeeniya oo C/laahi Maxumed Sacdi Madaxwayne loogu doortay Godeyna looga dhigay caasimad, Sanadkii 1993-dii /bishii June, ayay Itoobiya ku qasabtay in la badalo Madaxwayne Sacdi waxaana Mar labaad Wadanka loo doortay Xassan Jire Qalinle, By, Mohamed Ahmed Ali

Taariikhda ogaadeeniya