Jump to content

User:Mohamed hussei

Ka Wikipedia

Maxamed xuseen yuusuf axmed diiriye . Waa mid kamid ah wiilasha dhalinyarada iyo ardayda ku dhaqan magaalada burco . Waxa uu ku dhashay magaalada burco sanadkii 2004tii bishii april. isaga oo yar ayaa waalidkiisu u kexeeyeen magaalada muqdisho, gaar ahaan ayeeydii xagga aabo. Waxa uu joogey magaalada muqdisho muddo ilaa labo sano ah. Kadib waxa uu kusoo laabtey magaalada burco. Halkaas oo uu sifiican ugu barbaarey. Sanadkii 2009kii waxa uu halkaas ka galay mid ka mid ah dugsiyadii quraanka ee halkaas ku yiiley. Macalinkiisii ugu horeeyay ee higaada alifka iyo quraankaba u bilaabay waxa uu ahaa macalin lagu magaacaabo axmed , oo geeriyooday 2020 rabi naxariistii

janno haka waraabiyee. Sanadku markuu ahaa 2011kii waxa uu fadhiistey fasalka kowaad dugsi ku yaalla magaalada burco oo lagu magacaabo xuseen kaahin. Halkaas ayuuna waxbarashadiisa primaryga uu ka bilowday. Muddo dhowr jeer ah ayuu maxamed ka tagay waxbarashadii quraanka, . Laakin waxa uu sii watey dugsigiisii. Wuxuuna aad ugu dadaaley waxbarashadiisa. Maxamed waxa uu jecel yahay kubada cagta oo uu ciyaari jirey , mar marka uu jaaniska hayo.

Sanadkii 2015kii isaga oo fasalka shanaad ah waxa uu ka qeyb galay tartan kusaabsan bandhig hibeedka fanka iyo suugaanta oo ay qaban qaabisey hay adda soydavo .

Waxa uu soo banshigey gabay kusaabsan difaaca dalka iyo tahriibta .

Wuxuuna soo jiitey indhaha dadkii markaas daawanayey. Wuxuuna ka mid noqday guulaystayaasha . isla sanadkaas 2015 bishii november ayuu isku dayey inuu dib ugu laabto waxabarashadii quraanka . Wuxuuna galey dugsi quraan iyo masaajid ku yaala xaafadaha uu degan yahay . Wuxuu aad ugu dadaaley quraankii iyo tawjiidkiisa wuxuuna ku

dhameeyay muddo 2sano iyo 5 bilood ah. Wuxuuna khatimay 27 march sanadkii 2018kii. Hadii aynu labada sano iyo 5ta bilood faahfaahinana waa labadii bilood ee u dambeeyay 2015kii iyo 3dan bilood ee u horeeya 2018ka iyo 2016 iyo 2017 oo laba sano oo buuxa isku noqonaya.maxamed Waxa uu noqday imaam tujiya dadka salaada taraawiixda ee masjidka xaafadooda ku yaala . Wuxuuna bilaabay tujinta salaada taraawiixda sanadkii 2017kii. Markii ugu horreysay ee masaajid tujiyana waxay ahayd 2016 salaad makhrib.

Sanadkii 2018 bishii june ayuu u fadhiistey maxamed imtixaankii shahaadiga ahaa ee dugsiga dhexe . Wuxuuna alle ku garab galey inuu ka gudbo imtixaankaas. Wuxuuna qaatey darajad (B). Markii xigayna waxa uu ku biiray machadka al fatxi oo cilmiga sharciga ah. Gaar ahaan fasalka labaad ee sare . Waxbarashadaasna aad ayuu ula qabsaday . Sanadihii 2017kii 18kii iyo 19kii waxa uu ka qeyb galay tartanka quraanka labadii sano eehore waxa uu galey kaalinta 3aad 2018kiina waxa uu aadey magaalada hargeysa si uu uga qeyb galo tartanka quraanka ee dahabshiil balse nasiib darro dhamaan ardaydii kasocoteu burco kaalin may soo gelin . Sanadkii 2019kii waxa uu ka qeyb galay dawro cilmi ah oo ku saabsaneyd xifdiga mutuunta cilmiga ah . Dawradaasna waxa uu qaatey kaalinta labaad.

Sanadkii 2020 bishii 2aad iyo 3aad ayaa maxamed waxa ku dhalatey inuu furo channel dhanka youtubeka ah kaas oo uu doonayay inuu kusoo gudbiyo taariikhaha iyo xogaha arintaasina waa ay uhirgashay labaatankii april ee sanadkii 2020 . Chanelkiina waxa uu u bixiyey ( Marinka Xogaha).

Muuqaalo kala duwan ayuu soo geliyey channelkaas oo ka hadlaya andalus, tataarka, shakhsiyaad sida faylasuufkii bertrand russell iyo kuwo kale oo dhiiri gelin ah .

Bishii jine 27 keedii waxa geeriyooday awoowgii yuusuf axmed diiriye oo in muddo ah xanuusanayey alleha unaxariistee.

Hadda maxamed waxa uu ku nool yahay isla magaalada burco . Wuxuuna ka mid yahay ardayda fasalka afraad ee dugsiga sare ee sanadkan ee machadka al fatxi.