Jump to content

User:Mohamed koronto

Ka Wikipedia

Degmo Waaberi

                     وا بري

Dalka Soomaaliya Gobol Banaadir (BN) Degmo Waaberi (Muqdisho) Joogga 5 m (16 ft) Magac kale Ree Waaberi Aag saacadeed UTC+3 (UTC)

• Xagaa (DST)       UTC+3 (UTC)

Furaha Boostada 10016 Furaha Tel Hertel 064, Telecom 021

                    Nationlink 043

Ciidaha Ciid weyn iyo ciid

                    yar

Maalinta Ciidda 10ka Carafo iyo

                    1da soon fur

E-mail dc.waaberi@mogadishucity.net Facebook/degmadawaaberi.com

Waaberi waa degmo ka tirsan degmooyinka Gobolka Banaadir.laguna tiriyo mid kamida Degmooyinka ugu Hormarka badanaa tan iyo burburkii Dowladii kacaanka ee somaliyeed.


Degmada Waaberi oo ka tirsan 17 degmo ee gobolka Banaadir dhul ahaan waxaa la aas-aasay sanadii 1957-dii,  waxaana bixiyey duqii magaalada ee xilligaasi ee la oran jiray Asalooti dhalasho ahaanna ka soo jeeday dalka Talyaaniga.

Schoolada waxaa iskugu jiran kuwa qadiimi iyo Jadiid waxaa kamid ah:

Dugsiga Hoose Dhexe & sare ee Al- Ma'mur Dugsiga Hoose Dhexe & Sare ee Qaran Dugsiga Hoose Dhexe & Sare ee Al-Furqaan Dugsiga Hoose Dhexe & Sare ee Rajab Dugsiga Hoose Dhexe & Sare ee Al-Mathal Degsiga Hoose Dhexe & Sare ee Maxamuud Mire Dugsiga Hoose Dhexe & Sare ee Ismaan Geedi Raage Dugsiga Hoose Dhexe & Sare ee Al-Cain

Waxaa ku yaalla in ka badan 25 masjid iyo suuq weyn oo degmadu caan ku tahay sidoo kale waxay leedahay hal saldhig iyo Labo MCH.

Sanadkii 1972-dii ayaa asalka degmada magaca iyo calankeedaba waxaa yegleelay Maxamed Cabdi Yuusuf oo aabihii ka mid ahaa halgamayaasha Soomaaliyeed oo ku dhintay dagaalkii dhagax tuur.

Waaberi waxaa ay caan ku tahay goobo Taariikhi ah oo muddo soo jiray taariikh ahaanna qofkii arko ay maskxdiisu ku soo dhaceyso berisamaadkii iyo xiligii lagu jiray halgankii lagu baadi goobayey xoriyada

Sida • Talada SYL • Talada Dhagax Tuur • Masjidka Ween Isbaheysiga • Buundoyinka • Wlm

Dadka ku dhaqan degmada Waaberi nolol ahaan waxay ku tiirsanyihiin ganacsiga iyo xoogsiga maalin laha ah waana dad ay ka dhaxeyso derisnimo iyo walaalnimo soo jireen ah taas oo ay ku saleeyeen hal heyskooda ah.

"Waaberiyoow wanaagsanoow walaalahii waay is wataan Waxaa ay ku dheehan tahay hadaad fiirisid ereygaas waxaa kuu soo baxayo walaalaha is wato waaberi waa meel aad u kala duwan nolol ahaan kala duwan dadka meelaha ay ka kala yimaadeen ayaa kala duwan”.

“Degmadaani waa degmada gobolka Banaadir ugu xaduuda dheer waxaana xaduud la leh lix degmo oo kala ah Xamar-jajab, Xamar-weyne,h Hodan, Hoolwadaag iyo Wardhiigley”.