Jump to content

User:Mohamed marayare

Ka Wikipedia

Silvia Romano waa gabadhii qisadeedu iigu yaabka badnayd sannadihii lasoo dhaafay, waan kor joogteeyaa bal inay diintii ka laabatay iyo inkale, waxayba noqotay daaci faafiya diinta. Waa qiso qof walba oo daraaseeya raad wayn ku reebi.

Sheekooyinkii warbaahintu sheegaysay markii hore waxaa ka mid ahaa "lacag baa lagu furtay" waxba kama jiraan bay noqotay. Waxaa kale oo ay bullaacadda warbaahintu shubaysay "way ku qasbeen diinta" oo hadii lagu qasbay markay Roma tagtay maxay xijaabka u tuuri wayday? Mayee "way guursadeen" iyaduna waa been. Qof aad af-duubatay inuu qaato diintaada waa guushii diblomaasi ee abid ugu waynayd ee Al-shabaab u meel marta ayaynu odhan karnaa.

Yeelkeede qisada gabadhan waxaa kujira wax wayn oo cajiiba.