User:Naharr2013
Hawraarsame Amaanreer (على امان رير) waa beel kamid ah beelaha ugu waawayn beelaha Mareexaan Sade. Magaca saxda ee Hawraarsame waxaa la dhahaa Cali Amaanreer, wuxuuna la dhashay Talxe Amaanreer, Wagardhac Amaanreer iyo Raadamiir Amaanreer.
Hawraarsame wuxuu degaa Gobolka Gedo, Gobolka Galgaduud, Gobolka Jubada Hoose, Gobolka Liibaan ee Dawlad Deegaanka Soomaalida iyo qayba kamid ah Nugaal, wuxuuse ku xooggan yahay Gobolka Gedo oo uu yahay beesha kowaad ee ugu badan. Wuxuu ka degaa magaalooyinka Baladxaawo, Bannaaneey, Luuq, Baardheere, Ceelwaaq, Doolow iyo Garbaharay. Sidoo kale wuxuu degaa wax ka badan lixdan tuulo oo ku taal Gobolka Gedo iyo Jubada Hoose.
Hawraarsame Amaanreer waa beel deeqsinimada iyo geesinimada caan ku ah, waxaana magaca Hawraarsame loogu bixiyey wanaagga iyo deeqsinimada, oo ay beesha Mareexaan ama Sade oo dhan kaga dheereeyaan. Hawraarsamuhu wuxuu u kala baxaa saddex lafood oo waawayn, oo middiiba u kala baxda jifooyin badan.
Hawraarsame wuxuu u kala baxaa Yusuf iyo Saleebaan, markaas Saleebaan ayaa noqonaya labo lafood oo waawayn oo kala ah Maxamud Saleebaan iyo Adan Saleebaan
Reer Yusuf (Iidow) wuxuu u kala baxayaa
¶Reer Kulow Iidow
•reer Hagar Kulow
•reer Siyaad Kulow
°reer Omar Siyad
-reer Abdi Omar
-reer Ali Omar
°reer Deer Siyaad
•reer Cool Kulow
¶Reer Dhorre Iidow
•reer Abtidoon Dhorre
•reer Qayliye Dhorre
°reer Abdi Qayliye
-reer Ragow Abdi
-reer Adan Abdi
-reer Ahmed Abdi
°reer Nur Qayliye
-reer Omar Nur
-reer Osman Nur
¶Reer Dhiblawe Iidow
•reer Diirshe Dhiblawe
°reer Ahmed Diirshe
•reer Egal Dirshe
•reer Samatar Diirshe
•reer Mohamed Diirshe
°reer Farah Mohamed
°reer Fahiye Mohamed
Adan Saleebaan wuxuu dhalay Farah oo ukala baxa
- Reer Naaleeye Farah
- Reer Liban Farah
- Reer Wardheere Farah
- Reer Hildid Farah
*Weydow Farah
Xildiid Faarax wuxuu dhalay
URMAH HILDID
¶reer Wa'ays Urmah
¶reer Ali Urmah
¶reer Muse Urmah
¶reer Qayliye Urmah
¶reer Farah Urmah
¶reer Mohamed Urmah
¶reer Farah Urmah
- Weydow Farah wuxuu dhalay Naxar, wuxuuna Naxar noqday 7 lafood oo la isku dhaha toddobada ilma Naxar, kuwaasoo kale ah
Madoobe Nahar Jaamac Nahar Bisin Nahar Kebiya Nahar Cilmi Nahar Guleed Nahar Xildiid Nahar
√Reer Madoobe Nahar
¶reer Magan Madoobe
¶reer Samatar Madoobe
•reer Abdi Samatar
•reer Dhuxul Samatar
¶reer Farah Madoobe
•reer Haraash Farah
-reer Wehlie Haraash
-reer Jaamac Haraash
-reer Mohamud Haraash
¶reer Sharmaarke Madoobe
•reer Omar Sharmaarke
¶reer Hassan Sharmaarke
•reer Bulow Hassan
•reer Iimaan Hassan
•reer Dawid Haasan
•reer Adan Hassan
•reer Ali Hassan
•reer Isak Hassan
¶reer Mohamud Sharmaarke
•reer Abdiyarow Mohamud
•reer Yusuf Mohamud
•reer Ali Mohamud
•reer Omar Mohamud
√Reer Jaamac Nahar
¶reer Geeddi Jaamac
•reer Guure Geeddi
•reer Jeellow Geeddi
-reer Caalin Jeellow
•reer Khalid Geeddi.
•reer Kooshin Geeddi
¶reer Diini Jaamac
¶reer Afrah Jaamac
¶reer Qanyare Jaamac
√Reer Bisin Nahar
¶reer Ahmed Bisin
•reer Osman Ahmed
-reer Hassan Ahmed
¶reer Wacays Bisin
•reer Ahmed Wacays
•Hassil Wacays
√Reer Hildiid Nahar
√Reer Kebiya Nahar
¶reer Warsame Kebiye
¶reer Kamas Kebiye
¶reer Liiban Kebiye
√Reer Guleed Nahar
√Reer Elmi Nahar
_______________
Mohamud Saleebaan wuxuu u kala baxaa;
¶Reer Farah Mohamud
•reer Hagar Farah
-reer Olow Hagar
-reer Bulale Hagar
°reer Dhabar Bulale
°reer Da'ar Bulale
°reer Dhafe Bulale
-reer Kulmiye Hagar
°reer Ali Kulmiye
-reer Abdi Ali
-reer Hassan Ali
-reer Aamir Hagar
°reer Sheekh Isaq Aamir
-reer Dirie Sheekh
-reer Dhaqane Sheekh
•reer Adawe Farah
•reer Halaaleye Farah
-reer Kheyre Halaaleye
-reer Omane Halaaleye
-reer Abdi Halaaleye
-reer Ali Halaaleye
-reer Akood Halaaleye
-reer Jinyare Halaaleye
¶Reer Egal Mohamud
¶Reer Afgadud Mohamud
¶Reer Addow Mohamud
¶Reer Abdalla Mohamud
Hawraarsame Amaanreer wuxuu leeyahay saddex suldaan oo saddexda laf ee waawayn iyo ugaas guud. Waa 17 jifo marka la bixinaya magta boqollaha ah, oo jifo waluba gaarkeeda ay ula baxdo.
Taariikhda Mareexaan waxay ahayd taariikhda ugu mugga wayn geeska Afrika. Maxamed ayaa la dhihi jiray magaca awoowe Mareexaan. Waxaa u bixiyey carabta, waxaana loogu magac daray dhulka udugga ama Reyxaanta oo waqooyi Bari Somalia, maantana loo yaqaan Puntland. Magaca bunt faraacinada ayaa u taqiin oo waa dhulkii Udugga, halka Carabta ay dhihi jirtay Mar'uriixaan, oo ah marinkii reyxaanta. Waxaa dhulkaas ku noolaa Daarood, Daaroodna waxaa u badnaa Mareexaan oo uguna magac dheeraa, sidaas buu reer Maxamed Sade uu magacii Mar-u-reexaan iyagii uun ugu haray.
Haddaba magacaas wayn iyo muunaddaas waxay ku dhaxleen, boqortooyadii Daarood, oo marba reer ku wareegan jirtay aanse ka dhex bixin Sade dhexdiisa. Markii Garsuge kaltankiisii la joogay, waxaa la yiri wuxuu dilay Boqorkii talada hayey, taariikhduna waxay dhigtay in Garsuge oo beesha Hawraarsame ahaa inuu ahaa ninkii ugu dhawaa boqor Maxamed Daa'uud uuna ugu kalsoonida badnaa. Garsuge wuxuu ahaa nin talo aqoon ah, oo geesi kibir badan ahaa, aadna ugu qab waynaa Mareexaanimada, sidaas ayeyna beesha Mareexaan ugu garatay inuu noqdo dhaxalsugaha saldanada ka dhaxli doono Maxamed Dawiid. Maaddaama Garsuge uu ahaa nin aad u ad adag, oo ad adkaantiisii lagu tilmaama inuu ka kibir badnaa Garaad Wiilwaalkii reer Bartire, waxay Daaroodkii yaryaraa istuseen in si Allaale sidii looga hortegi lahaa inuu ninkaas xukunku qabta looga hortego.
Waxaa igu maqaala in niman ardaalo ah oo u dhashay beesha Majeerteen ay dileen boqorka kuna nabteen Garsuge.
Qaabkii uu hawlgalka u dhacay ayaa la iigu warramay inuu ahaa labo nooc oo kale duwan, kuwaasoo labaduba ahaa muaamarad lasoo maleegay. Midda kowaad waxay ahayd in dilka boqorka ay niman ardaalo ah geysteen kadibna lagu masabitay Garsuge.
Tan labaad ee lasoo weriyay ayaa ah, in boqorka oo niman Majeerteen Cali Saleebaan ah la sheekeynayay uu gam'ay geedkii uu kula sheekeysanayey hoostiisa. Nimankii baa inta baxay utegey Garsuge una sheegay nin uu raadinayey oo dakana ka dhaxaysay inay soo arkeem, waxayna u tilmaameen inuu geed hebel hoos jiifa.
Garsuge siduu u roorayay meeshii markuu tegey ninkan oo daboolan ayuu dilay. Halkii baa xukun ay beesha Mj ridday lagu qaaday oo walaaladiis lagu diray, saldanadiina labadaba waa laga dhex siibsaday, tan iyo maantana dib uma soo ceshan.
Waqtigaas oo cududdii Mareexaan ay daciiftay, baa Gashiishoor uu ka hayaamay deegaankii Sade, wuxuuna u qaxay dhankaas iyo waqooyiga Sudan ilaa Eritrea, oo umadahaas ayuu ku dhex milmay. Dadka dhulkaas kunool ayaad ku arkaysaa ummada ku leh usuul Daarood baan nahay oo kasoo qaxay Waqooyi Bari Somalia.
Sidaas si lamid ah Facaye oo Mareexaan la siman hanti geel ahna uu Ilaahay ku mannaystay baa hayaamay, oo ka dhex baxay Mareexaan.