User:Omar British 143

Ka Wikipedia

W/D Oo Soo Ururiyay Taariikhda Abwaan Nuuradiin Axmed Caalin Usraad Omar Mohamad Kulmie (Omar British). Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun Alle ha u naxariistee Marxuum G/Dhexe Abwaan Nuuraddiin Axmed Caalin wuxuu ku dhashay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Degmada Warta Nabadda Ex-Wardhiigleey Sanadkii 1960-kii. Waxbarashadiisa diiniga iyo tan maadiga wuxuu ku qaatay magaalada muqdisho Dugsiga Hoose Dhexe wuxuu dhameeyay Sanadkii 1975-kii, waxbarashada Dugsiga Sarana wuxuu kaga baxay Dugsiga Sare Ee Shan iyo Tobanka Mey ee loo yaqaano fiftiimeey Sanadkii 1985-kii. Sanadkii 1985-kii wuxuu ku biiray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed wuxuu isla Sanadkaasi galay Kulliyadda Ciidamada Jaalle Siyaad wuxuu bartay qeybta gaadiidka oo uu ku soo shaqeeyay ilaa iyo burburkii Dowladii Dhexe Ee Soomaaliya. Burburkii dalka ka dhacay ka dib wuxuu ku sugnaa Magaalada Muqdisho oo uu kaga shaqeysanayay xirfadiisii uu soo bartay ee hagaajinta gaadiidka. W/D Oo Soo Ururiyay Taariikhda Abwaan Nuuradiin Axmed Caalin Usraad Omar Mohamad Kulmie (Omar British). Sanado ka dib markii ay ka hanaqaadeen dalka Dowladihii ku meel-gaarka ahaa wuxuu dib ugu soo laabtay shaqadiisii ciidanka waxaana loo soo badalay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed wuxuuna ka shaqo bilaabay Hogganka Gaadiidka ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed muddo ka dib waxaa loo soo badalay Hoggaanka Howlaha ee Ciidanka Booliska oo uu uu ka shaqeynayay ilaa iyo 11-03-2021-ka, wuxuuna Ciidanka ka gaaray Darajada Gaashaanle Dhexe. Waxa uu door weyn ka soo qaatay ka shaqeynta nabadgalyada dalka, dib u dhiska dowladnimada wuxuu ahaa muwaadin ay ka go’neyd gudashada waajibaadka howlaha muhiimka ah ee uu Qarankiisa u hayay. Alle ha u naxariistee Marxuum G/Dhexe Abwaan Nuuraddiin Axmed Caalin marka laga reebo shaqada uu u hayay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Wuxuu ahaa Camera Man si mutadawacnimo ah ugu shaqeeya Warbaahinta Qaranka gaar ahaan Tv-ga. Sidoo kale 1-dii julay Sanadkii 2014-kii wuxuu shaqo wadaag la noqday Warbaahinta Codka Ciidamada Qalabka Sida oo uu ka shaqeynayay ilaa iyo Sanadkii 2021-ka, balse maamulka iyo masuuliyidiinta Warbaahinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa guddoonsiiyay shahaado sharaf uu ku muteystay shaqa wanaaga. Alle ha u naxariistee Marxuum G/Dhexe Abwaan Nuuraddiin Axmed Caalin wuxuu ka mid ahaa Abwaanada hal-abuurka leh ee Soomaalida, oo ay dad badani ay ku xusuustaan kaalinta uu ka soo qaatay kobcinta Fanka Soomaalida, wuxuu noqday mid halis ku ah sameynta Riwaayadaha xiisaha leh, ee ka tarjumaya Wadani Jacaylka iyo kuwo falsafada ku dhisan. W/D Oo Soo Ururiyay Taariikhda Abwaan Nuuradiin Axmed Caalin Usraad Omar Mohamad Kulmie (Omar British). Riwaayadihii uu sameeyay waxaa ka mid ahaa (Riwaayadii Amni, Riwaayadii Afuri Ciidanka, Riwaayadii Labadaan Dhaqan Kala Dheer, iyo kuwa kale oo aan halkan lagu soo koobi Karin in kastoo Mu’alifiinta, qaarkood ay bakhaylaan suugaantooda, mana ka mid ahayn kuwa si wax xun u sheegyada suugaan dooriska ah. Heesaha uu sameeyay Abwaan Nuuraddiin Axmed Caalin waxay isugu jiraan Jacayl, Wadani, iyo Nabi amaan, heesaha wadaniga ah ee uu sameeyay waxaa ka mid ahayd (Heestii Anigu Somali Baan Ahay) ee uu ku luqeeyo fanaanka da’da yare e lagu magcaabo C/qaadir Qadar Cali, laxankii Cismaan Afgooye iyo Musigii Suldaan Saabir sidoo kale heesaha uu sameeyay ee lagu xusuusan doono abawaanka waxaa ka mid ah heestii can baxday ee (Jareer Weyne) ee uu ku luqeeyo fanaanka Xasan Maxamed Xaashi laxanka iyo muusiga waxaa ku laray Cismaan Maxamed Siidii. Heesaha kale ee uu sameeyay waxaa ka mid ah heetii SOW SHARIIF XASAN MAAHAN taa soo uu sameeyay abwnaan nuuradiin xilligii uu Shariif xasan sheikh aadan uu noqday madaxweynaha maamulka koofur galbeed iyo heestii lamaanaha ee Gool Gool. Wuxuu sumcad iyo sharaf muuqata ku dhex lahaa bulshada dhexdeeda waxyaabaha ugu muhiimsan ee lagu xusuusan doono abwaan Nuuradiin Axmed Caalin waxaa ka mid ah seddex waxyaaboob oo waa weyn oo kala ah:- 1- Oday Soomaaliyeed Oo Mar Walba Wanaaga Ka Shaqeeya. 2- Oday Soomaaliyeed Oo U Dooda Dadka Dulman 3- Oday Soomaaliyeed Oo Caawiya Dadka Dhibaateysan Una Gargaara. Alle ha u naxariistee Marxuum Nuuraddiin Axmed Caalin maalmo kooban ayuu ku xanuunsanaa gudaha dalka waxa uu ku geeriyooyaday magaalada muqdisho 11-03-2021-ka waxaan ilaah u ga baryeynaa in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo eheladii uu ka geeriyooday iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed. W/D Oo Soo Ururiyay Taariikhda Abwaan Nuuradiin Axmed Caalin Ustaad Omar Mohamad Kulmie (Omar British). Cite error: There are <ref> tags on this page without content in them (see the help page).