User:Shab'an HY
Musiibo mise imtixaan?
Dad badanni waxay aaminsan yihiin in dadka wannaagsani ay mar walba la kulmaan dhacdooyin farxad galiya una wannaagsan quluubtooda. Halka dadka xumina ay yihiin lidkooda. Sidaa maaha, noloshu waa mid ku socota dalaw uu Alle jeexay oo ay ka buuxaan dhibaatooyin iyo imtixaanno koobsanaya kana tagayn kuwa wannaagsan iyo kuwa xunba ciddii Alle doono mooyaane. "ولنبلونّكم بشيء من الخَوف والجوع ونقص من الأموال والأنفس والثمرات وبشّر الصابرين" Dheefaha adduunyada la helaa miqiyaas iyo micbaar uma aha raali'ahaanshaha Rabbi. Musiibaduna si badhax'tiran caddayn uma aha cadhada Rabbi. "أيحسبون أنّما نُمِدُّهم به من مال وبَنين <> نُسارع لهم في الخيرات بل لا يشعرون"
Musiibada iyo makhaadiirtu -badanaa- caddayn uma aha halkuu qofku Illaahay ka taagan yahay, qofka waxa lagu abaal mariyaa wuxuu sameeyo wannaag iyo xumaanba ee maaha waxa ku dhaca. "إنّ الله يُعطي الدّنيا مَن يُحبّ ومَن لا يُحبّ، ولا يُعطي الإيمان إلا مَن يُحبّ" Si kooban, dhacdooyinka adduunyada ee noloshan dhexdeeda dhacayaa waa kuwo xambaarsan xikmado Rabbaaniya oo ay dad badan ku ambadaan muuqaladooda dulleed. Bul u fiirso, dhacdadii been abuuradka ee Hooyadeen Caa'isha dadku waxay u malaynayeen innay tahay shar iyo dhibaato, dhibaato kalana ka dhalannayso. "إنَّ الَّذِينَ جَاءُوا بِالْإِفْكِ عُصْبَةٌ مِّنكُمْ ۚ لَا تَحْسَبُوهُ شَرًّا لَّكُم ۖ بَلْ هُوَ خَيْرٌ لَّكُمْ" Musiibooyinka dhacaa maaha kuwo u dhaca ama ku dhaca habka markaba maskaxdeenna ku soo degdegaaya. Waxa laga yaabaa in wax shar inoola muuqdaa uu khayr yahay, wax khayr inoola muuqdaana uu shar iyo dhibaato noqdo.
Haddii qof kastaa wixii uu dhimo (dambi ah) iyo wixii uu dhaqaaleeyaba (khayr ah) uu abaal'marinteeda oo dhammaystiran adduunyada ka helaayo waxa meesha ka baxaaya qiimihii ay lahayd maalinta Qiaamuhu sababtoo ah qof waliba wixii uu mutaystay wuu helay.
Alle wuxuu imtixaamay Nabiyadiisa iyaga oo ahaa kuwa aan Alle caasin, uguna cabsi badan khalgiga Alle, Illaahay agtiisana ugu sharaf mudnaa. Waxa lagu imtixaannay innay waayeen cid ay jeclaayeen, xanuunno, in la dhibo iyo laga hor imaaddo lana mucaarido.
Saxaabadii sharafta badnaa waxay noolaayeen xilliyo ay daacuunno iyo jirrooyin kalaba dillaacayeen. Waxay ahayd toosin lagu toosinaayay iimaankooda iyo qiyamkooda.
Qur'aanka Kariimkii wuxuu innooga warramay "Asxaabul Ukhduud". Illaahay bay rumeeyeen, boqorkoodiina wuxuu ku tuurayay dab holcaya. Waxay noolaadeen iyagoo la dulmiyay, qaarkoodna waxay dhinteen iyagoo la dulmiyay. Laakiin Illaahay wuxuu u hiilin doonaa maalinta qiyaamaha isagoo u celin doona xaqoodii kana abaal marin doona iimaankii ay ku sabreen.
Haa, waa run oo Qur'aanka iyo Sunnadaba waxa ku badan nusuus tilmaamaysa dhibaatooyinka badan ee dhacayaa innay yihiin fasahaadka iyo fisqiga uu aadamuhu gacmihiisa ku galaayo. Mana diidi karo qof Islaam ahi.
Laakiin, gefka innoo dhuuntay ayaa ah in wixii dhacaba aynnu afkeenna ku xukunno inagoo odhanayna waa "Cuquubo" oo ciqaab ahaan u shaambadaysanno. Taasina waa dhiiranaan uu qofku is dhigaayo meel u dhiganta ta Rabbigii, cidda wax walba ogi ee waxa dhacaysa iyo sababta uu u dhacayo ogi waa Alle.
Shab'an HY