User:Sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

Ka Wikipedia

Sheekh Cabdirisaaq Rakuub sheekh ahna qoraa jecel la wadaagista arrimaha diinta iyo bulshada. Wakhti badan waxa uu geliyey faafinta diinta islaamka. Waxa uu leeyahay buug, maqaalo iyo muxaaddarooyin intaba laga heli karo google iyo youtube.

Hordhac

Sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xaaji Cabdillaahi Xasan-Rakuub waxa uu ku dhashay degmada Xarshin ee Ismaamulka Soomaali Galbeed, xilligii waddanku burburay; habeen jimce soo galayo abaaro siddeeddi cawaysnimo taariikhduna ahayd; 22/12/1989.

Sheekhu wuxu ku barbaaray magaalada Hargaysa oo u waxbarashadiisi dugsiyada hoose dhexe iyo sare ba ku qaatay. Jaamacadda Hargaysa ayuu kaga dhex dhigtay mac-hadka la yidhaa ‘CISCO’ ilaa uu ka gaadhay shahaadada ‘CCNA’ oo imtaxankeegii jaamacadda Hargaya ka qaadday. Shahaadadad kowaad ee jaamacadda wuxu ka qaatay jaamacadda gaarka loo leeyahay ee ‘IHU’ isaga oo bartay ‘Computer Science’.

Dhanka kale sheekhu waxa uu ku taxnaa duruusta uu bixiyo sheekha weyn ee sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir. Waxa uu ka dhigtay fanniyo kala geddisan oo sheekhu masaajidda Hargaysa ka mariyey, sida; Tafsiirka Quraanka, kutubta Xadiiska, kutub siira ah, kutub caqiido ah iyo kuwo fiqi ahba. Sheekh Cismaan Cali Xuseen, Sheekh Maxamed Cali Gadhle ayuu in door ah ka dhigtay kutubta fiqiga iyo xadiiska. Sidoo kale Sheekh Maxamed Cabdi Umal, Sheekh Maxamuud Maxamed Shible, Sheekh Maxamed Cumar Samatar, Sheekh Shariif Cabdi Nuur, Sheekh Cumar Cabdi Suldaan ‘Faaruuq’ Rabbi ha janneeye ayuu ka dhigtay kutubta; Usulu fiqiga, xadiiska, Tafsiirka, Caqiidada iyo kutubta luuqadda.

Sheekh Cabdirisaaq ka sokow qorista dhiganahan waa bare dhiga cilmyada Sheekh Cabdirisaaq ka sokow qorista kitaabkan waa bare dhiga culumta kala duwan ee diinta sida akhrinta Tafsiirka Qur’aanka Kariimka ah, Fiqiga, Xadiiska iyo waliba Muxaadarooyin, wakhtina kusoo dhex jiray barashada, barista iyo faafiinta manhajka salafka, Sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan xarakoyinka jira midna xubin kama aha.