Jump to content

User:Shireshow

Ka Wikipedia

Qoraalka Heesaha | Qoraalka Heesihii Hore.

1. Heesta 1aad.

Qoraalka Heesta Caashaqii ku dhagatira

Codka: Xaliimo Khaliif Magool

Ereyada: Abwaan Xxuseen Awfaarax

Kol hadduu dhab kaa yahay

Awrkaaga dhaansado

Dhawaaan iyo makala laha

Dheeraa Jaceylkuye

Caashaqii ku dhagatira

Afka lagama dhowree

Dhakhsaan uga arkaa

Meel Bilo loo dhaxaayee

Waa duxulo naaareed

Iyo dhaawac halisoo

Inkastoo la dhaydhayo

Dhakhtaradu Dawaynin

Caashaqii ku dhagatira

Afka lagama dhawree

Waxaan uga dhawaaqaa

Feedhaha dhexdoodee

Dadka kala dhursugayee

Jeer dheer isku  daalee

Wadnahaha isku dhiibtee

Dhuuntooda sudhanyee

Caashaqii ku dhagatira

Afka lagama dhowree

Wixii aan dhadhamiyaa

Waa ii dhanaanyee

Laba dhoof ku kala maqan

Ayuu dhabanno haysiyo

Dhalanteed ku reebaa

Dhakofaar ka qaadee

Caashaqii ku dhagatira

Afka lama dhawree

Kan joogaa dhadhabayoo

Dhibaatadu ku badantee

Waw kala dhig hawshuye

Indhahaa ku dhaygaga

Dhulkii aad ku kulanteen

Waayo idin dhaafee

Caashaqii ku dhagatira

Afka lagama dhowree

Hadduu kala fogaan dhacay

Kala dhimasho yay iman.

_______________________________________

WQ. Maxamed Cali Shire

Email: Realmohamedone@gmail.com

2. Heesta 2aad.

Qoraalka Heesta Cishaduu ilaahey

Codadka Xasan A Samatar & Xaliimo Kh Magool

Ereyada Abwaan Xasan Cabdilaahi (Xasan Ganey)

XASAN:

Cishaduu Ilaahay

Cirka taagay udub li’

Ciiddana ka dhigay gogol

Wabiyada cartamayiyo

Cidhifyada bad kaga xidhay

Iyo buuraahaa culus

Cimrigeed adduunyada

Waxa jiraa col iyo nabad

Caydh iyo nin xoola leh

Iyo laba is caashaqay

Caawana kamay tegin

Caynkaynu ku ogeyn

Adna calafka kuu qoran

Cunaha  seegi maayee

Caashaqa ha baayicin

MAGOOL:

Cadad kuu Ilaahay

caradeenna joojee

Aadan ciidda ka alkumay

Xaawana cadkiisiyo

Feedh calaanta laga dhigay

Cishadaa ma uunneyd

Caawana ma nooshahay

Caqlaa diiday hadalkuu

Carrab dalab la’ sheegee

Ceeryaamo iyo boodh

Ciiro ha isku qarinine

Noloshayda caydh iyo

Cilmi guur aan ku fadhiyin

Ku caar caari maaye

Caashaqa iska ilow

XASAN:

Xalay taba  caweyskii

Canabay daruuruuhu

Cimidh bay ahaayeen

Caawana lagu ma oga

Wakhtigii ku ciiliyo

Cisigiyo wanaaguna

Way is daba caraabaan

Waxaana kuu caddayn kara

Caamiyaha indhaha liyo

Ma ogtahay curyaankaba

Cago loo ma waayine

Caynkaa waxa loo yidhi

Kuwa cararayee ladan

Inay ku cibro qataan

Caashaqa ha baayicin

MAGOOL:

Bada caarid maalmaha

Cawa daranta fiidkiyo

Caddadaa walaalo ah

Cadceeddii timaadaana

Dadka ruux cadibanoo

Waayuhuu ku ciiriyo

Mid caruusa yaa jiro

Caad iga ma saarnee

Ee cilmiyada ilaahay

Anigoon aan caasiyin

Cabsi ha igu galinine

Adiga oo aan  cuud dhaqan

Caashaqan ku taabtaan

Cudur-daar u yeelee

Ceeb kale miyaan dhigay?

____________________

WQ. ©️Shireshow | Maxamed Cali Shire

Email: Realmohamedone@gmail.com

3. Heesta 3aad.

QORAALKA HEESTA  Miyaan Xalayto Jiifsaday

ERAYADA: Cabdi Qays

LAXANKA : Axmed Gacayte

LUUQDA: Axmed Mooge Liibaan

Jidhku muu dubaaxsheen

Naftan oon ku jirinoo

Cirku jabaq ma keeneen

Tiiyoon jirin daruuruhu

Ifka lama ba joogeen

Dhulka oon la jiifine

Ogoobeey jacaylkuna

Waxaan jirin hadduu yahay

Jalleecadaan ku eegaba

Jirro ima haleesheen

Mana jidhiidhicoodeen

Intaan jaho wareeree

Miyaan xalayto jiifsaday

Jirjirka ba miyaan dhigay

Riyaad igu la joogtee

Miyaan xalayto jiifsaday

Jirjirka ba miyaan dhigay

Hadhkaagaa ila joogee

Micigii dhul jiifiyo

Jillab qodax leh waa halis

Haddaad guuro jiidhee

Jiic iyo Cadaadee

Jiiri waad ku xirantaa

Jeerin dhul uu ku yaallee

Jidiin wuxuu caddaadaa

Ama oonku jabiyaa

Markaad jeex abaariyo

Jid cidla ah lugaysee

Jabka kaa ka sii daran

Hayay waa jacaylkee

Miyaaan xalayto jiifsaday

Jirjirka ba miyaan dhigay

Hadhkaagaa ila joogee

Miyaan xalayto jiifsaday

Jidh jidhkaba miyaan dhigay

Riyaad igu la joogtee

lgu curay jacaylki

Igu jabi silsilad adag

Intuu jaanta kuu rogay

Adna kula jiciiree

Intuu jaanta kuu rogay

Adna kula jiciiree

Intuu caynka kuu jaray

Anna heensa igu jabi

Jirrideeyna dhigayoo

Labadeena jeex qudha

Jidh jidhka isku keen gali

Waxay talana joogtaa

Ama hadal ku jaranyahay

Doqon waa la jiitaa

Wanaag baan u jeedaa

Samaheenna maad jarin?

Mise wacadka waad jabin?

Miyaan xalayto jifsaday

Jidh jidhkaba miyaan dhigay

Riyaad igu la joogtee

__________________________________

WQ. ©️Shireshow | Maxamed Cali Shire

Email: Realmohamedone@gmail.com

4. Heesta 4aad.

Qoraalka HEESTA: Calaf waa halkiisee (Badda Cagaha)

Codadka: Muuse Ismaaciil Qalinle & Saado Cali

Ereyada:

QALINLE:

Cirguduuda Waagiyo

Timirtoo Casaatiyo

Canabkoo bislaadiyo

Cillaal raysku baxayeey

Doonbir Caana Gelisiyo

Ubax Caynba Cayniyo

Waxaad tahay Cadceedoo

Beeraha cagaarka leh

Canbaha Iyo caadkii

Ku cadaysay nuurkee.

Calaf Waa halkiisee

Caashaqan Iskeen baray

Cawadii adduunkaay

Igu curay sidii roob

Hadduu caawa igu yidhi

Badda cagaha geliyoo

Timaha caaradda usooh

Soo xidho cunnaabiga

SAADO:

Hadduu Caawa Igu yidhi

Badda Cagaha Geliyoo

Timaha caaradda usooh

Soo xidho cunnaabiga

Saddex Qayd Cartii loo

Weli Caarya Jabiniyo

Canbarshe iyo Laasimoo

Sindi ceerigaabiya

Hadduu cududa iisudhay

Ila caarid anigee

Calaf Waa halkiisee

Caashaqan iskeen baray

Haygu carinin anigee

Ku cugtaye ma nabadbaa?

QALINLE:

Hogol curatay dayroo

Daroor cidhifyadiisiyo

Coodane ku hoortoo

Intay xaadhey caymaha

Cosobkiyo barwaaqada

Ciddii nabad ku daaqdoo

Farxad lagu caweeyoo

Cirshimooday cuudkii

Ayaad ii cajabisee

Xiddigtii cirjiidhaay

Calaf Waa halkiisee

Caashaqan iskeen baray

Cawadii adduunkaay

Igu curay sidii roob

SAADO:

Caanyo nacasa mooyee

Gaaridu ma caasido

Curadkii hagaagee

Ciidda u shaqeeyee

Dalka caabiyaayee

Sida caynkan aad tahay

Cudurkana Daweeyee

Hadduu yidhi cuntada daa

Ha cabine biyaha diid

Cudur weeye halisee

Calaf Waa halkiisee

Caashaqan iskeen baray

Haygu Carinin anigee

Ku cugtaye ma nabadbaa?

Igu curay sidii roob

Ku cugtaye ma nabadbaa?

____________________

WQ. ©️Shireshow | Maxamed Cali Shire

Email: Realmohamedone@gmail.com

Shireshow.blogspot.com

5. Heesta 5aad.

HEESTA: SIDA SOONA IYO TAAS

EREYADA: Axmed Saleebaan Bidde.

LAXANKA: Maxamed Mooge Lilbaan.

Codka & Kabanka: Maxamed Mooge Lilbaan.

- Sida Soona iyo Taas,

- Ama nimanka taym qora,

- Ta u af-dheer wargeysyada,

FG. Soona (SONNA), Taas(TASS),

Taym (Time Magazine)

- Ee toogada adduunyada,

- Toddobaadba waxa jira,

- Soo tebisa waayaha,

- JacayI waa tabaalee,

- Taah iyo huqdana qabo,

- Anigu ba tab toodii,

- Habeenkoo back iga tegay,

- Filtradahaa u toosay,

- Taa miyaad ogsoontahay?

- Inan yahay tin iyo cidhib,

- Mid u toosan baad tahoo,

- Waxa lagu tilmaamaa,

- Quruxdaadan taamka ah,

- Tabta dayaxa nuurkiyo,

- Waqal subuxu taabtigo,

- Todobkoo hillaacee,

- Waxaan tabo miyaad tari

- Miyaad tudhaale gali kari

- Miyaad garan tusaalaha,

- Tiraanyadan an qabo,

- Oo taa waad ogsoontahay,

-Sida shiikh wax tabiyoo.

- Saw taah ku raagayoo,

- Tiigsaday quraankoo,

- Intuu Tabaarak raadsaday,

- Tabaabulshoo khalaawaha,

- Waayaha u teed dhigay,

-Ama tawlanaha aar,

- Oo maadi talax tegay,

- Tartan inuu usoo galo,

- Habeenkoo badh iga tegay,

- Fikradaha u toosee,

- Taa miyaad ogsoontahay,

- Waxaan tabo miyaad tari,

- Miyaad tudhaale gali kara,

- Miyaad garan tusaalaha,

- Tiraanyadan aan qabo,

- Taa waad ogsoon tahay.

   

___________________________

WQ: Maxamed Siciid Cali Shire

Email: Realmohamedone@gmail.com

Shireshow.blogspot.com

6. Heesta  6aad.

Qoraalka Heesta Gacal iyo gayaan

Codka: Khadra Dahir iyo Axmed C Cigaal

Ereyada: Abwaan Xasan Ganey

Riwaayaddii Jinni iyo Jaceyl (1975).

KHADRA:

Geediga hayaankuba

Goor gaaban adigoo

Guri waayay laga baxay

Iyo ood aad gurataaba

Iyo ood aad gurataaba

Gabalkiina kuu dhacay

Dhirtaba geed aan la jarin

Iyo ogoow lama garaacaan

Go’i waaye inuu jiro

Go’i waaye inuu jiro

Gar Allee dadkuna qaar

Waa sidaa geddaasoo

Mar haddaynu nahay gacal

Marna ahay gayaankaa

Gaar ahaanna caashaqu

Guudkaaga igu xiray

Garashada xusuusoo

I sii gacan walaalnimo

AXMED:

Gudgudaha hillaacuba

Gu' barwaaqo oo da’ay

Godlanyihiin daruuruhu

Iyo dirir aan gaagixin

Iyo dirir aan gaagixin

Goglan tahay xareeduna

Dhulkaba meelo gawaanoo

Ogoow geedo soo bixin

Go’ i waaye inuu jiroo

Go’ i waaye inuu jiro

Gar Allee dadkuna qaar

Waa sida geddaasuye

Gar Allee dadkuna qaar

Waa sidaa geddaasuye

Gasariira ha noqonnine

Mar in aynu nahay gacal

Gasariira ha noqonnine

Mar in aynu nahay gacal

Marna tahay gayaankey

Labadaaba garansani

Kuna guursan maayee

Ka saar niyadda ha gelin

KHADRA:

Marti goorxun socotaba

Gurigaaga oo maran

Adigoon gasiin hayn

Iyo gaabanow adhi

Iyo gaabanow adhi

Geeluna irmaaneyn

Dadkaba gobolaan la qadiniyo

Ogoow gibil ma daadshaha

Loo gowracaa jira

Ha gafine ujeeddadu

Waa sida geddaydoo

Mar haddaynu nahay gacal

Marna ahay gayaankaa

Gaar ahaanna caashaqu

Guudkaaga igu xiray

Garashada xusuusoo

I sii gacan walaalnimo

AXMED:

Hadalkeena googaa

Cadalee ha gelinene

Aniguba gantaallahu

Haddii ay ku gaareen

Haddii ay ku gaareen

Gacan baan ku siin lahaa

Galladdiyo nasiibkuna

Ogow gaadmo iyo orod

Midna laguma gaaree

Midna laguma gaaree

Gar Allee dadkuna qaar

Gar Allee dadkuna qaar

Waa sida geddaasuye

Gasariira ha noqonnine

Mar in aynu nahay gacal

Gasariira ha noqonnine

Mar in aynu nahay gacal

Marna tahay gayaankey

Labadaaba garansani

Kuna guursan maayee

Ka saar niyadda ha gelin

KHADRA:

Geediga hayaankuba

Gu’ barwaaqo adigoo

Guri waayay laga baxay

Iyo oodd aad gurataaba

Iyo ood aad gurataaba

Gabalkiina kuu dhacay

Dhirtaba geed aan la jarin

Iyo ogoow lama garaacaan

Gu’i waayey inuu jiro

Gu’i waaye inuu jiro

Gar Allee dadkuna qaar

Waa sidaa geddaasoo

Mar haddaynu nahay gacal

Marna ahay gayaankaa

Gaar ahaanna caashaqu

Guudkaaga igu xiray

garashada xusuusoo

i sii gacan walaalnimo.

AXMED.

Gugudaha hillaacuba

Gu' barwaaqo oo da’ay

Godlanyihiin daruuruhu

Iyo dirir aan gaagixin

Iyo dirir aan gaagixin

Goglan tahay xareeduna

Dhulkaba meelo gawaanoo

Ogoow geedo soo bixin

Go’ i waaye inuu jiroo

Go’ i waaye inuu jiro

Gar Allee dadkuna qaar

Waa sida geddaasuye

Gar Allee dadkuna qaar

Waa sidaa geddaasuye

Gasariira ha noqonnine

Mar in aynu nahay gacal

Gasariira ha noqonnine

Mar in aynu nahay gacal

Marna tahay gayaankey

Labadaaba garansani

Kuna guursan maayee

Ka saar niyadda ha gelin

KHADRA:

Marti goorxun socotaba

Gurigaaga oo maran

Adigoon gasiin ahayn

Iyo gaabanow ari

Iyo gaabanow ari

Geeluna irmaaneyn

Dakaba gobol aan la qadin iyo

Ogoow gibil ma daadshaha

Loo gowracaa jira

Ha gafine ujeeddadu

Waa sidaa geddaydoo

Mar haddaynu nahay gacal

Marna ahay gayaankaa

Gaar ahaanna caashaqu

Guudkaaga igu xiray

Garashada xusuusoo

Isii gacan walaalnimo.

AXMED:

Hadalkeena googaa

Cadalee ha gelinene

Anigu ba gantaallahu

Haddii ay ku gaareen

Haddii ay ku gaareen

Gacan baan ku siin lahaa

Galladdiyo nasiibkuna

Ogow gaadmo iyo orod

Midna laguma gaaree

Midna laguma gaaree

Gar Allee dadkuna qaar

Gar Allee dadkuna qaar

Waa sida geddaasuye

Gasariira ha noqonnine

Mar in aynu nahay gacal

Gasariira ha noqonnine

Mar in aynu nahay gacal

Marna tahay gayaankey

Labadaaba garansani

Kuna guursan maayee

Ka saar niyadda ha gelin.

7. Heesta  7aad.

Qoraalka Heesta Waxaan tagay Shabcaantii

Ereyada: Abwaan Xasan Qawdhan

Codka: Maxamed Mooge

Waxaan tagay shabcaantii

Markii aad shib iga tidhi

Shalwateed i diidee

Shaydaanka raacdee

Aniguna shabeelkiyo

shaashlaha libaaxiyo

Bahalaha shuraaka ah

U shakaalan caashaqa

La shuf beelay howlaha

Buurta shiisha dhagaxa leh

Kayn shareeran weheshaday

Shaf shafaa la ila rabay

Shanta faaliyee jira

Habraa saarka sheekada

Kuwa shaxaa la ii keen

Inta ay shirbeeyeen,

Shuxshux foodda lays geli

Shadab baa khad laga dhigay

Dhiig shinneedna lagu daray

Xabag kadina lagu shubay

Raran iyo dab lagu shiday

La sharaxay qardhaastii

Sheekhii gacanta ii geli

Ha sharaysan igu yidhi

Wixii shiiman lagu qoray

Ma shirrabin qardhaastii

Meel shishaan god uga qoday.

Wan shirayso lay yiri

Shifo cashar la ii sii

shurrubahaba maan gelin

Shaanshaan la ii qaad

Dhakhtarrada shisheeyuhu

lla shire dhammaantood

Garan waaye shuushkiyo

sharka caashaq leeyahay

Sharac Allee bal kaalaya

Sheeko gaaban iga gura

Shalay miyaa lasoo celin?

Shanshadayda bowdada

Shidda cudur ma gaarine

SHILKA CAASHAQ WEEYAAN

IYO SHAASHADIISOO

WAANA SHUQUL ILLAAHAY!

8. HEESTA 8aad.

Qoraalka Heesta Waan kuu Waramayaa

Ereyada: Abwaan Xasan Qawdhan

Codka: Muuse Ismaaciil Qalinle

Waan kuu waramayaa

Kaa waaban maayee

Naftaydaay

Ma ogtahay wixii tegay

Iyo ruux wadkii galy

Wehey sooma celisee

Wakiyoo talaabada

Waa anigan wahsanayee

Anigoo werwerayaan

Xalay waa bariiistee

Waqalkiyo daruuraha

Miyey weer cad lay xidhay

Warma layla dhacayaa

Weligii nin liitiyaa

Jeceylkaw wadeeco ah

Taladiisa waydaa

Waxyeelaa ku gaadhee

Weligii nin liitiyaa

Jeceylkaw u wadeeco ah

Adoo igu werwerayaan

Arrintii wereejee

Haddii weer cad lay xidhay

Waa nin iyo waagii

Tolow yaa wax-garadoo?

Ayaa jooga waayeel?

Jeceyl weli ma leeyahay?

Waan waan ma leeyahay?

Waanada ma qaataa?

Ma wanaajiyaa ruux?

Waxaan ahay wadeecoo

Waxyeellaa igaadheee

Waan kuu waramayaa

Kaa waaban maayee Naftaydaay

Ma ogtahay wixii dgacay

Iyo weerarkii xalay

Wigladiyo ciyaartii

Waaxdaydii midig baa

Nala kala walwaaloo

Waadiyo dhul doogliyo

Webi bay ku nooshee

Anoo waayo arag ah baa

Dhulku ila wareegee

Maxaa kuugu wacan sidan?

Miyaad lacag ku leedahay?

Wedka caashaq leeyahay

Miyaa wahab laguu wadhay?

Walaacigu ma fiicnee

Mar hadaan wareersaday

Waddo aan u leexdiyo

Aanay jirin wadiiqaba?

Tolow yaan waraystaa?

Oo wehel laystaa?

Jeceyl weli ma leeyahay?

Waan waan ma leeyahay?

Waanada ma qaataa?

Ma wanaajiyaa ruux?

Waxaan ahay wadeecoo

Waxyeellaa igaadheee.

9. Heesta 9aad.

Qoraalka Heesta Doonidii Jaceylka

Codka: Maxamed Mooge

Ereyada: Abwaan Cabdi Cali Weyd.

Bal dheecaami caashaqa

Carrabka iyo dibnaha saar

Niyadana usii daa

Qalbiga na ka daalaco

Dookhaygan kaa helay

Iyo Kaagan iga daran

Waa isla doonasho ilaahe

Doonidii Jaceylka aan raacnee

Haynala dawaaftee kusoo bood

Dusheedaynu isku daawan doonaa

Ila dooji caashaqa

Sidii duunyadoo kale

Deegaanta meesha leh

Isba waa ku dararaa

Inaka oo daryeelnayoo

Derajaynay oo wacan

Aynu wada dalxiisnee

Doonidii Jaceylka aan raacnee

Haynala dawaaftee kusoo bood

Dusheedaynu isku daawan doonaa

Bal daliili caashaqa

Sida sheekh cilmigu degay

Dadka ugu xadiisoo

Dusha ka akhri xiisaha

Anna aan ku diirsado

Adna soo damaashaad

Dagan aan ciyaarnee

Aan soo dabaalee

Adna soo dug baallaha

Aan is daadahaynee

Doonidii Jaceylka aan raacnee

Haynala dawaaftee kusoo bood

Dusheedaynu isku daawan doonaa.

10. Heesta 10aad.

Qoraalka HEESTA Guur Hayga Filane Gurigayga iidhaaf

CODADKA: Maxamed Saleban Tubeec & Aamina Feyr

ERAYADA HEESTA: Jaamac Saleebaan (Tubeec).

AAMINA FEYR:

Nabsi ruuxii gaaxshaa

Godolkiisa maalee

Sidaan anigu kuu galay

Gefi maysid adiguye

Aar-gudashadaaduna

Gar ilaahey weeyee

Hayga goosan caawaad

Iga gacan sarraysaa

TUBEEC:

Qofkastaa abaalkii

Yahay guul darraantee

Waxaan ahay nin gabadhyahay

Gacantaadu malagtee

Waxaan ahay gar-eexiyo

Godob kaa tirsanayee

Guur ha iga filanine

Gurigayga ii dhaaf

AAMINA FEYR:

Adoo gacal isoo biday

Waataan ku gowrshee

Ku garwaaqsan waayee

Kaa taagtay gacantee

Waxaan anigu geystaa

Goobtaa i joojee

Hayga goosan caawaad

Iga gacan saraysaa

TUBEEC:

Waxaan ahay nin gacalkii

Owgaa u gooyoo

Waxaan ahay gargaarkii

Gallad kaaga waayee

Waxaan ahay gandoodiyo

Gocosho u danbeysee

Guur ha iga filanine

Gurigayga iidhaaf

AAMINA FEYR:

Gowraha habeenkii

Gudcurkaad istaagtiyo

Gadhkii aad iqabatiyo

Guubaabadaadii

Gar-darraan u qaatoo

Kuumaan garaabine

Hayga goosan caawaad

Iga gacan saraysaa

TUBEEC:

Sidaan ahay nin gaaloo

Xarameynkii galayoo

Gubay maalin ciidoo

Lagu soo gurmaday baad

Gabi dheer isaartood

Igu goolibaadhee

Guur ha iga filanine,

Guur ha iga filanine

Gurigaygan iidhaaf.

11. Heesta 11aad.

Qoraalka Heesta Geeluba naq doogliyo

Codka: Cabdi Qays iyo Hibo Nuura

Erayada: Cabdi Aadan Xaad (Cabdi Qays)

HIBO:

Geeluba naq doog leh iyo

Nugaal waa ku dararaa

Meel ay nabadi joogtaa

Hadal lagu negaadaa

Naxli baa halbowlaha

Nudaygiisii qoomee

Haddii aan ku nacay beri

Igu noqoy warankii

Jacayl uu nabsigii galay

Nabarra na i gaadhoo

Ma na nooli ma na dhiman

Naf go'aysaa awgaa

Naag i dhaanta mooyee

Nin rag ihi ma diidee

Labadaa midkeed noqon?

Nacas liita mooyee

Nin rag ihi ma diidee

Labadaa midkeed noqon?

QAYS:

Dadku wuxuu ku negi yahay

Neecaawda weeyee

Ma noolaado ruuxay

Iska taagto dheeftu e

Markaad nabar maqnaata ba

Sida dayaxa nuuraad

Iigu soo noqnoqotaa

Nabdigiyo calooshiyo

Niyaddu na kumay jarin

Weli alle kumaan nicin

Nasiibdarro se waxay tahay

Naftu aanay yeeleyn

Naagtii walaalkaa

Shalay qabay ninkeed noqo

Kii oo dhimanin oo nool?

HIBO:

Dhulku kala naq roon oo

Meel waa naaf abaareed

Meel na waa nimciyo rays

Naf ba waa ayaankeed

Hal ba waa nasiibkeed

Halkay nabad ku daaqdee

Haddaad naaxdo jiilaal

Qof itaalka liitiyo

Dadka lagu ma nuuxsado

Nac haddaad faleysana

Nabad laga ma jiitee

Waa lays dabanitiqiyaa

Hayga nixin walaalo

Naxariis ha goynin e

Maxaa ii naruuraa?

QAYS:

Nugul kii harraaddani

Nabaadka ma ladaabto

La ma nuugo dacar iyo

Walaalkaa naciisee

Mar aan xalay niskii dhexe

Neyruus ku soo dhigay

Nin-la-gigay ka faashaday

Wuxuu sheegay nuur dhacay

Iyo naaf galbeedsaday

Naruurooy walaakay

Markaad naag u noqotaan?

Niyadda na ka quustee

Naftaadiyo jacaylku na

Xabaal iyo ninkeedii

Loo kala tag noqotee?

12. Heesta 12aad.

Qoraalka Heesta Hadduu Beerku Qaybsamo   

Codka: Sahra Axmed Iyo Dhabarlow

Ereyada: Abwaan

SAHRA:

Haduu beerku qaybsamo

Badhbaan adi ku siin lahaa

Wadnahayga bidixdana

waan kuu badali laa

Kaagana waan la bixi laa

Hadduu beerku qaybsamo

Badh baan adi ku siin lahaa

Wadnahayga bidixdana

Waan kuu bedeli lahaa

Kaagana waan la bixi lahaa

Waa booli dhiiguye

Kaalamaan bakhayleen

Nafta laba bahood noqon

Badhkaagaan ku siin lahaa

Biyo haddaad cabaysana

Bisinkaan ku dari lahaa

Bedenkaago faatoxo

Bowd baan uga dhigi lahaa

Ilaah waxaan baryaayaa

Aduunyada badhaadhiyo

Barkhad inaad ku waartoo

Aakhirana bishaariyo

Janada inaad ku baridaa

DHABARLOW:

Indhahayga baalkiyo

Bu'doodaan ku dhigi lahaa

Sanbabkayga bilan baan

Badhtankiis ku gelin lahaa

Bacda dhegaha maqalkaan

Xuubka kuugu qarin lahaa

Waxaan beeri lahaa ubax

Soo bixiyay caashaqu

Habeenkii bogaygaan

Iigu beri ku odhan lahaa

Kolkaan soo baraarugo

Bishaaraan ku siin lahaa

Bidhaantaada aragaan

Bil khayr ugu ducayn lahaa

Ilaah waxaan baryaayaa

Aduunyada badhaadhiyo

Barkhad inaad ku waartoo

Aakhirana bishaariyo

Janada inaad ku baridaa

SAHRA:

Waan baga bagayn lahaa

Kuu luli lahaa balag

Bila deyaan sidiisaan

Kuuu daawan lahaa bilic

Beeryarada oloshaan

Biyo sii ku odhan lahaa

Sida booga dhayihii

Waan kugu bogsoon lahaa

Had iyo jeer bariidada

Kaalamaan baydheen

Biyo haddaad cabaysona

Bisinkaan ku dari lahaa

Bedenkaago faatoxo

Bowd baan uga dhigi lahaa

Ilaah waxaan baryaayaa

Aduunyada badhaadhiyo

Barkhad inaad ku waartoo

Aakhirana bishaariyo

Jannada inaad ku baridaa

DHABARLOW:

Qalbigayga bilan baan

Barood kaaga dhigi lahaa

Caqligeena badan baan

Isku wada badhxi lahaa

Belaayada xijaabkaan

Burda kaaga celin lahaa

Bohal yoow kalgacal baan

Berisada ku tebi lahaa

Riyadaan habeen barad

Bacle kuu tumi lahaa

Barbaarta u horee baan

Bilcaaneey ku odhan lahaa

Bidhaantaada aragaan

Bilkhayr ugu ducayn lahaa

Ilaah waxaan baryaayaa

Aduunyada badhaadhiyo

Barkhad inaad ku waartoo

Aakhirana bishaariyo.

____________________

WQ. ©️Shireshow | Maxamed Cali Shire

Email: Realmohamedone@gmail.com

Shireshow.blogspot.com

13. Heesta 13aad.

Qoraalka Heesta Faraskaagii laga badi

Codka: Cabdi Cali Bacalwaan & Caasha Cige

Ereyada: Abwaan Xasan Ganey


Fooxlaha islaamaha

Faraqooda baadhee

Fasaqaaya diintiyo

War ma faaliyaad tahay

Maxaa falaga kugu diray

Warka faalaadiisana

Faafaahin maayee

Fahanoo Ujeedada

Faraskaagii laga badi

Waan kaa fogeeyoo

Waxa aanad filanayn

Warku sida falaadheed

Wuu kaa fajiciyaa

Inta foogta aan daro

Aan furfuro waxa dhacay

Faalada markaan dhamay (nabar)

U fadhiistay kaligay

Faraskaagii laga badi

Horta foogta aan daro

Aan furfuro waxa dhacay

Faalada markaan nabar (dhamay)

U fadhiistay kaligay

Faraskaagii laga badi

Maxaa falaga kugu diray

Warka faalaadiisana

Faafaahin maayee

Fahanoo ujeedada

Faraskaagii laga badi

____________________

WQ. ©️Shireshow | Maxamed Cali Shire

Email: Realmohamedone@gmail.com

Shireshow.blogspot.com

14. Heesta 14aad.

Qoraalka Heesta: Haddii Jacayl Sir laga Dhigo..

Codka: Maxamed Mooge Liibaan

Ereyada: Axmed Saleebaan Bidde.

Laxanka (Naaxiyada): AHUN Maxamed Mooge

Sahay adiga oon qabin,

Sibraar badhax kol ay tahay,

Suryo ruux ku kulanteen,

Surin aanad kaba filan,

Sedna aad la jeceshahay,

Adoon sidin maxaad siin?

Sow maaha gacantuun

Intood saarto dhabannada,

Inaad socoto yaabkii,

Ma sannadkii afraadbaa,

Saaka caashaqeennii

lnanyahay soconayaa?

Oo salaan kolay tahay,

Isla-seeggan nahay talo,

Innagoo si wada jecel,

Soo socoo wax ii sheeg

Haddii jacayl sir laga dhigo

Sal-dhig lagama gaadhee

Ma hurdadaan ka selelaa

Anfacadaan ka soomaa

Adiguna sideydaa,

Surmi adag adoo qaba,

Ma biyaanad siinayn,

Saranseer naftaada ah,

Oo salaan kol ay tahay,

Isla-seeggan nahay talo,

Innagoo si wada jecel,

Soo soco wax ii sheeg,

Haddii jacayl sir la dhigo,

Sal-dhig lagama gaadhee,

Saynlaha libaaxoo,

Soddon qaday sidiisaad

Sardhidaa jacaylkaba

Halkaad samo ka wadi layd,

Awgaa saahid-kaygii

Sabannana is moogeyn

Innagoo sidaasi ah,

Maxa sacab ku ladhay talo?

Ma sidaa baa caashaqu?

Oo salaan kol ay tahay,

Isla-seeggan nahay talo,

Innagoo si wada jecel,

Soo soco wax ii sheeg,

Haddii jacayl sir la dhigo

Sal dhig lagama gaadhee

15. Heesta 15aad.

Qoraalka Heesta Duntu iigu kaa xidhan (Dalsankii Wiriiroo)

Magool & Hasan A Samatar

Ereyada Abwaan Xasan Ganey

XASAN:

Dalsankii wiriiroo

Xilliguu ku di'i jiray

Danbarsamuhu ku onkoday

Darantuna ugbaad tahay

Oo ramadka dayr dhalay

Deercadkiisi loo dhigay

Nirgaha meel duleedka ah

Damalada hadhkoodana

Digriyayso culimadu

Hablo dahab la moodiyo

Doobkiyo barbaartuna

Illaa waagu daalaco

Sacabka aanay daynayn

Daymada sideedii

Marka aan ku daawado

Qalbigaa igu diirsada

Dadna adawgu qurux badan

Deegaanta roobkiyo

Adaa doogga ka udgoon

Dumarna waa adoo qudha

Dookhna waa kan igu jira

Duntuna iigu kaa xidhan

MAGOOL:

Doolliyo af meeroo

Roob aan dabayl iyo

Duufaan wax qaadiyo

Dibin daabyo lagu arag

Mawle ugu deeqoo

Dhulka meesha didibta ah

Daadkii ku soo jabay

Danbaskii kala tegay

Iyo digadi xoolaha

Oo madheedhku dayr dhalay

Hoobaan da'aysiyo

Malab yaroo ka daatiyo

Dusha midha ku leeyiin.

Daymada sidoodii

Marka aan ku daawdo

Indhahay daraandara

Dadna adaa u qurux badan

Dadna adaa ka qurux badano

Waaga oo dillaaca iyo

Dabna adaa ka muuq dheer

Ragna doorki baa tahay

Dookhna waakan igu jira

Duntuna iigu kaa xidhan.

XASAN:

Xiddigtii dagaariyo

Daya iyo cadceedoo

Derisa oo gantaalaha

Dacalada ka baxay iyo

Diillimo iska horyimi

Kaaheeda maaloo

Cirka meel ka wada degay

Oo dabiyo nuurkiyo

Midabkooda dahabka ah

Daawaystay maalmuhu

Dan wadaag shucaac u leh

Sagal yaroo da'aayiyo

Dusha caad isaga maray

Dar allee jalleecada

Waxay dunida u egyiin

Denbi li'i adaa jira.

Dadna adawgu qurux badane

Deegaanta roobkiyo

Adaa doogna ka udgoon

Dumarna waa adoo qudha

Dookhna waa ka igu jira.

Duntuna iigu kaa xidhan.

MAGOOL:

Diimisoo barwaaqoo

Dirir cawl leh ku onkoday

Dhulka meesha derida leh

Doogga iyo xareedii

Dixidu is dabbaasheen

Duunyaduna galabtii

Laxda sabada daaqdiyo

Naylahu na duleedkii

Farduhu is dugsanayaan

Ooy dumarku xoolii

Soo dabbaala leeyiin

Awrna dabarka lagu xidhin

Meel dheerna laga deyin.

Dayashada kalgacalka leh

Marka aan ku daawado

Indhay daraandara

Dadna adawgu qurux badan

Waagoo dillaaciyo

Dabna adaa ka muuq dheer

Ragna doorki baa tahay.

Dookhna waakan igu jira

Duntuna iigu kaa xidhan.

16. Heesta 16aad.

Qoraalka HeestaNabadiyoCaano

Codka: Cabdiqadir Jubba iyo Khadra Daahir.

Ereyada Abwaan Maxamed Jamac Warsame

JUBBA:

Dhulka oo cuskaday roob,

Dalsan ceedhinoo ugub,

Weli degin cid igo qalo,

Qawlka iyo curdankiyo,

Curubta iyo geedaha,

Naqa wada cusaybka ah,

Cidhifka isa saareen,

Ubax caynba cayn ahi,

Caleemaha kor uga mudhay,

Balanbaalis calamo leh,

Hadba cugatoo xiisaha,

Shinburaha cod farax leh,

Luuqda isu celiyayaan,

Calcalyada xareedduna,

Ceegaagto godomada

Rahu... Rahu.. caadadiisii,

Ka dhex ciyay jidhaamaha,

Badi labadii fiid cawl,

Cosobkaa ugbaadkoo

ku cigaalan dharab oo

Hoobeeya hoobeeya hoo

Subaxdii cadceedduna,

ku casuuntay nuurkii,

Hoobeya hoobeya hoo

Ayaad ii cajabisaa,

Calaf haysku keen simo

Mid leh caano iyo nabad

Insha'allaah

KHADRA:

Carradaa tilmaantoo,

Caweyskii gudguda helay,

Saakana cawaale,

Soo celiyay mayayoo,

Guulaamo culusiyo,

Hinni caal madoobihii

Cidhifka isu geeyeen,

Oo heego culay lehi,

Camal hoorrimaad tahay,

Daruuraha is cudhay iyo,

Meexaano carashadaa,

Caliyaha hillaaciyo,

Onkod cabatay fiintii,

Cabbaar ruuхa daawaday,

Fadka caaradiisa oo,

Sida bulay carruureed,

Inta kale caqligu sixin,

Caynka ay eegyiin,

Cabbiraada noloshaa,

Cindigayga saan qabo,

Hoobeeya hoobeya hoo

Qurux waad is celisaan,

Ku cugtaye insha Allaah,

Hoobeeya hoobeya hooy

Ku cugtaye Inshaa'allaah,

Calaf haysku keen simo

Mid leh caano iyo nabad

Insha'allaah

JUBBA:

Cosobkaa ugbaadkoo

Ku cigaalan dharab oo

Hoobeya hoobeya hoo

Subaxdii cadceedduna

Ku casuumtay nuurkii

Hoobeya hoobeya hoo

Ayaad ii cajabisaa

Calat haysku keen simo

Mid leh caano iyo nabad

Insha'allaah

KHADRA:

Cosobkaa ugbaadkoo

Ku cigaalan dharab oo

Subaxdii cadceedduna

Ku casuuntay nuurkii

Hoobeya hoobeya hoo

Ayaad ii cajabisaa

Calaf haysku keen simo

Mid leh caano iyo nabad

Insha'allaah.

17. Heesta 17aad.

Qoraalka Heesta Adduunyo Hal baan lahaa.

Codka Axmed Saalax Naaji.

Ereyada: Abwaan Cali Sugulle Cigaal

Diiyooy hidii hidii diiyooy hidii

Axdii dii diyooy hidii

Diiyoo hidihi ar hidiidii yoo

hidihii ahi hidiyo dii yoo hidii

Laacayo hinqaday

Hir bay laacayo hinqaday

Hilaac bay baxo handaday

Hadana waayayo hakaday

Waayayoo hakaday

Halyeey waayayoo hakaday

Haween baan ahoo habraday

Hiil iyo midna hoo ma karo

Aawadaa ma lado

Hurdada aawadaa ma lado

Humaagaagii bay horkacay

Howshaada masoo hargalo

Kula qeybsadaa

Howshaan kula qeybsadaayoo

Haraadkaan kula qabaa oo

Anigu waan kula hayaaye

Adaan i hagaajineyn

Aduun hal baan lahaa

Aduunyo hal baan lahaa

Hashii horor baa la tagay

Oo haruur maran baan sidaa

Siduu i go\'ay

Halbowle siduu i go\'ay

haabhaabtay waxaanan hayn

Hogayoo ba\'ayee ma harin

Ma dhamaa la yiri

Haween ma dhamaa layiri

Habloow anigeydin hanan

Ee hubaal hal ma siisanaa

Ku sifoow halyeey

Hanadoow kusifoow

Hanadoow halyeey

Howraar same hadal gobeed

Ii hayoow adiguna i hano

Nin lala gudbane

uskay reere

Aroos nin galaa hergale

Ee aroorin anaa ku haray

Garna waa Ilaah

kuu dhameeye

ku dhameeye waa Ilaah

Kuu dhisaayana waa Aabahaa

Ani Ilaahey ii dhameey

Aabaheeygaan ii dhiseyn

Oo qarqaray

Roobka soo qowloo qarqaray

Qaawanaanteyduu arkaa

Ee qudheyda xaggeen dugshaa

Nafisoo qumane

quud safreed nin sitoo

Qumane fiicanoo

firinlaan fogeyn

Waan dheelmadaa

Waankaa waan dheelmada

Dhaayahaygaa kaa Jeclahay

Waan dhaqaaqay hadaad itiri

Dar ilaahbaan kugu deeyaa

Hey hooyadey hooy

Caloolaay hooyadey

Cows alool matahay qatar

Oo cadceeday isuma dhigten

Caloosheydiyey

Diiyooy hidii hidii diiyooy hidii

Axdii dii diyooy hidii

Diiyoo hidihi ar hidiidii yoo

hidihii ahi hidiyo dii yoo hidii

18. Heesta 18aad.

Qoraalka Heesta Dhoof Caashaq

Ereyada:Maxamed Cali Kaariye

Codadka Maxamed Axmee kuluc iyo Xalimo Kh Magool.

KULUC:

Jacaylkan i dhaansaday

Jacaylkii dhabta ahaa

Soo dhowaatay halistii

Hadaad iga dhaqaaqdee

Bal inaan ku dhiirado

Dhexdaan xidhanayaa

Malmal baan dhitaysanee

Dhoof nooli kulantee

Ha dhantaalin caashaqa

Dhakhso iigusoo noqo

MAGOOL:

Anba dhiigu kaama fulo

Dhambaal wadaha beerku

Sidaan dhaxal u yeeshuu

I dhex dagay ma guuree

Waxaan dhuuni ka cunaa

Dhan-dhanaansi kaliyee

Way dhaamisaa weel

Ilmada iga dhacaysaa

Dhabankayga qoysee

Dhawr nabad kusiijoog

Ha dhantaalin caashaqa

Dhakhso waan usoo noqon.

Soo noqoo...

KULUC:

Dhaqaaq toobiyaha qaad

Dhulku taako taako

Dharaartii dallaalimo

Malaa'ig ku dhawroo

Wax ku dhiba ilaahay

Kuma soo dhaweeyee.

Gaadiidkana mid aan dhicin

Dheeliyaynin sii raac

Dhakhso meel walba taga

Dhoof nooli kulantee

Ha dhantaalin caashaqa

Dhakhso iigusoo noqo

Soo noqoo...

MAGOOL:

JacayI aan dhamaanayn

Jacayl aan I dhaafeeyn

Dhuuxa iyo wadnaha galay

Jacaylkii dhulkayga iyo

Halkan igu dhibaayaan

Debed u dhoofinaayaa

Waan soo dhiibi doonaa

Dhanbaal iyo waraaqaha

Aan dhiig kusoo qoraye

Dhawr nabad kusii joog

Ha dhantaalin caashaqa

Dhakhso waan usoo noqon

Soo noqoo...

19. Heesta 19aad.

Qoraalka Heesta Dhuumashada Qaar (Dhool Bari).

Codka Maxamed Axmed Kuluc.

Ereyada Maxamed C Huryo

Jilaalka oo dheer,

Dhulka oo abaarsaday

Dacar baabu geesigu ba

Ugu dhabar adaygaa

Dhool bari ka muuqdaa

Dhaan loo nageeyaa

Adiguna dhigiisii

Iisoo dhalaashee

In kasta oo wax dheertahay.

Adaan dhaadin mooyee

Anna ismaan odhan

Dhaartiyo wacadkii

Labadeenu dhiganoo

Dhanna ugama leexdeen

Waxaan dhawaryaa weli

Inaad soo dhawaatee

Dhalnateed nin lagu sabay

Illeen waa ka dhaadee.

Warku wuxuu udhacayaa

Dhako faar abuurtee

Ogow dhuumashada qaar

Uu dhabarku muuqdaa

Waa dhib iyo hadimee

Jiilaalka oo dheer

Dhulka oo abaarsaday,

Dhacar baabu geesigu  

Ugu dhabar adaygaa

Inuu waqalku soo dhigo

Cirka waa ka dhowree

Aniguna dhigiisii

Dhadadiyo milicda

Caashaqaa dhexqaadoo

Ku dhaygag qaadee

Waxaan dhowrayaa weli

Inaad soo dhawaatee

Waxaan dhawaryaa weli

Inaad soo dhawaatee

Dhalanateed nin lagu sabay

Illeen waaka dhaadee

Warku wuxuu udhacayaa

Dhako faar abuurtee

Ogow dhuumashada qaar

Uu dhabarku muuqdaa

Waa dhib iyo hadimee

Dhoobada ba waa kii

Rahu uu ku dhuuntee

Isagu ba dhawaaq maleh

Intuu dhibica sugayee

Aniguna dhigiisii

Dhaygaga la yaabee

Dhagaha iyo aragaad

Labadaba ka dheertoo

Kaawaayay dhinacee

Waxaan dhawrayaa weli

Inaad soo dhawaatee.

Waxaan dhawaryaa weli

Inaad soo dhawaatee

Dhalnateed nin lagu sabay

Illeen waa ka dhaadee

Warku wuxuu udhacayaa

Dhako faar abuurtee

Ogow dhuumashada qaar

Uu dhabarku muuqdaa

Waa dhib iyo hadimee

20. Heesta 20aad.

Qoraalka Heesta Aduunbaaba gabadh yahay

Codadka: Cabdi Qays iyo Hibo Nuura

Ereyada: Abwaan Cabdi Qays.

QAYS.

Aduunbaaba gabadh yahay

Gedafeeyay timahoo

Gego lagu bulsheeyiyo

Guur u feedhanaayee

Miyuu wiil gayaan ahi

Go’dooy maanta nool yahay

Geeri weeye caydhuye

Sow tan laysay gaajadu

Nimaad garabka saartiyo

Miyuu geesi nool yahay

HIBO

Aduunbaaba Gaban yahow

Hurdo dheer gamay oo

Geyi nabada seexdoo

Gantaal cudur ku gaadhine

Gadoodiga habeenkii

Miyaan guure daayaa

Dhaxanta iyo gawdhaha

Miyaan guri ka seexdaa

Gaabsaad i leedee

Miyuu guuray caashagu?

QAYS

Aduunbaba geenyooy

Guluf iyo dagaaliyo

Weerar geli karaayoo

Itaal nabar ku gaadhine

Geestayada miyuu faras

Gaashaan-qaadi joogaa

Sowkan caato gaabshee

Hiigsanaaya geediga

Haddii guunyo lala tago

Miyaa lagu gurmanayaa?

HIBO

Aduunbaaba gaban yahow

Warku midaanu geliniyo

Gasariir i moodoo

Gooni iga dhigaayee

Saw galaba waxa dhaca

Goobjoog umaad ahayn

Saw kulama garan karo

Intaan guri xun soo niil

Ubaxiyo mankii go’ay

Sawkan soo gadaal baxay

QAYS

Aduubaaba Gorayeey

Guyaadii Shabeelle iyo

Naqa goosanaayoo

Gurigaa samaadee

Gubanka iyo Hawdkiyo

Xoolihii geyigu maye

Afarteeda geesood

Miyay hali ka guuxdaa

Wahey guulka oomaa

Miyuu ceelba gaadhaa?

HIBO

Adduunbaaba gabanyahow

Sabankii la go’ay iyo

Gabadanihii jiilaal

Wali sii gocanayee

Guga iyo mankiisii

Sowkan waqalka soo guray

Sowkan cirirkii guuree

Reerkii gadh-qabad helay

Ubaxiyo mankii go’ay

Sawkan soo gadaal baxay

QAYS

Adigaaba Gorgoor yohaw

Webigii Ganaaniyo

Gal durdura ku yaaloon

Abaaruhu ku gaadhine

Gaboodkii dhulkeeniyo

Miyaad geed ku aragtaa

Gurmo-go’ankii mooyee

Aaway lagama guurii

Galoolkiyo Maraagii

Sowkan gooyay jiilaal

21. Heesta 21aad.

Qoraalka Heesta Garmaqaate,

Ereyada: Cabdi Aadan Xaad (Cabdi Qays)

Cododka: Maxamed Nuur Giriig iyo Farxiyo Cali.

GIRIIG:

Gar ma qaate warrankiyo

Nin gaashaanka weheshaday

Oo gudub billaawaha

Shakaddii ku giig-tiray

Oo gooni socod oo

Geyi lama dagaaniyo

Meel gubad leh joogoo

Ku habaabay geri go'an

Waxaan ahay geddiisoo

Gees aan ka jeediyo

Garan waayey raadkii.!!

FARXIYA:

Garmaqaate warrankiyo

Billaawaha guntiga sudhan

Waa tilmaan u gaar ah iyo

Ragga garashadiisee

Go'aankeeda maansada

Hadalkaaga maan garan

Geesuu u jeediyo

Weli guri dhiggiisee

Gabbalkii dhacaayaba

Waabaa soo guduutee

Bal gaddaada ii sheeg?

GIRIIG:

Qofba waa la gaadhaba

Kollay geeri weeyee

Ifka gocashadiisiyo

Aakhiro gubkeedaba

Rabbi labada goorood

Haynaga gargaaree

Inaan guulle kaa dhigin

Kuwa galaya naartee

Fircoon gacal wadaagaan

Ila garo wax-yeelada

Hawlahaan la golongolay

Ee gama'a iga jaray.!!

FARXIYA:

Inaad tahay nin geesiya

Go'e waan ogsoonahay

Inaad tahay nin guda

Oo gala abaalkana

Gibil igama saarnee

Godkan aad tilmaantiyo

Aakhiro gub-keedana

Dadku uma gudboonee

Haddii aan gar kugu xidhay

Kugu Giijay cududaha

Marbaan xadhiga kaa goyn.!!

GIRIIG:

Waxaan ahay nin gaajiyo

Gubasho iyo ciilkii

Ka dheereeyay guulloo

Nimco aan gudhayn iyo

Gayi roobban joogoo

Aawadaa gu' iyo dayr

Garaadkiisa faalladu

Gallin qudha ka faaruqin

Oo gocoshadaadii

Uu goohay baan ahee

Ila garo jalleecada

Indhahaa had iyo goor

Geestaada soo jira.!!

FARXIYA:

Gacalnimo waxay tahay

Inaan gacan ku siiyee

Ha yeeshee gantaalihii

Caashaqaan i gaadhine

Hashaad soo godlaysaa

Gaagax bay u dhowdee

Anoon kuu garaabeyn

Oon gartaada diideyn

Geestii aan doonaba

Goolka aan u dhaliyee

Ged' danbaynu leenahay.!!

22. Heesta 22aad.

Qoraalka Heesta Sidii Webi durdurayoo (Hadmaan Dadab galeynaa?

Codka: Khadra Daahir

Ereyada Abwaan Axmed Ducaale Xiiray

Sidii webi durdurayoo

Labadiisa daamood

Dooggii ka soo baxay

Dacallada is dhaafsheen

Laamaha dushiisana

Shinburuhu ku doodaan

Ama dayr samaadkoo

Dadku nabad u wada yaal

Duunyaduna fooftoo

U dareertoo hawdkii

Waan ku doonayayoo

Aniguna daraaddaa

Indhihii i daalee

Naftaa kuu diyaaree

Dadka kaan ka doortoow

Had maan dadab galeynnaa?

Sidii ramad dayr-dhalahoo

Doox rays le joogtoo

Duhurkii markay tahay

Mayaygii ku da'ayoo

Meel didiba maraysoo

Durdurada dhasheedii

Hadba dacal ka dhaafaan

Naxariista daymadaan

Nafta kugu daweeyaa

Waan ku doonayayoo

Aniguna daraaddaa

Indhihii i daalee

Naftaa kuu diyaaree

Dadka kaan ka doortoow

Had maan dadab galeynnaa?

23. Heesta 23aad.

Qoraalka Heesta Weligeed Adduunyada.

Codka Cabdi Cali Bacalwaan

Ereyada: Abwaan Xasan Ganey

Weligeed adduunyada

Wakhtigaa qof saacida

Midna  waayahaa xidha

Labadaasi waxaan ahayn

Horaa looga waayoo

Waa nin iyo waagii

Aniguna wisiisiga

Waxaan wayda la hayaa

Iigu wacan waxyeellada

Wiishbay la sare tegay

Caashaqu wadaad ma leh

Waalalowna kuma hadho

Waan waana kala tage

Waxba hay dabiibina

Wadka aan is aragnee

Webi bay la sare tegay

Waddadiina ka ambaday

Sida weel dalooshamay

Biyaha  looga wabiyaa

Waanadu i dhaaftaa

Culimada wanaagsani

Camma iyo watiiniyo

Wadduxaati oo idil

Hadday igu wareejaan

Walbahaarku ima dhigo

Caashaqu wadaad ma leh

Waalalowna kuma hadho

Waan waana kala tage

Waxba hay dabiibina

Wadka aan is aragnee

Wahab baa igu yuurura

Waabayda igu maqan

Warrankaa halbowlaha

Waageerka halistiyo

Wadnahayga kala jaray

Intii aanan waalnayn

Imaydaan warraysane

Waaheen naftuu sido

Weli hadday iigu yeedhaan

Ma waxbuu u tarayaa

Caashaqu wadaad ma leh

Waalalowna kuma hadho

Waan waana kala tage

Waxba hay dabiibina

Wadka aan is aragnee.

24. Heesta 24aad.

Qoraalka Heesta Geediga Hayaankuba

Codadka Khadra Daahir & Axmed Cali Cigaal

Ereyada Abwaan Xasan Ganey.

KHADRA:

Geediga hayaankuba

Goor gaaban adigoo

Guri waayay laga baxay

Iyo ood aad gurataaba

Iyo ood aad gurataaba

Gabalkiina kuu dhacay

Dhirta geed aan la jarin iyo

Ogoow lama garaacaan

Go’i waaye inuu jiro

Gar Allee dadkuna qaar

Waa sidaa geddaasiye

Mar in aynu  nahay gacal

Marna ahay gayaankaa

Gaar ahaanna caashaqu

Guudkaaga igu furay

Garashada xusuusoo

I sii gacan walaalnimo

CIGAAL:

Gudgudaha hillaacuba

Gu’  barwaaqo oo da’ay

Godlan yihiin daruuruhu

Iyo dirir aan gaagixin

Goglan tahay xareeduna

Dhulkaba meel  gawaanoo

Ogoow geedo soo bixin

Go’ i waaye inuu jiroo

Go’ i waaye inuu jiro

Gar Allee dadkuna qaar

Waa sida geddaasiye

Gasariir  ha noqonnine

Mar in aynu nahay gacal

Gasariira ha noqonnine

Mar in aynu nahay gacal

Marna tahay gayaankey

Labadaaba garansani

Kuna guursan maayee

Taasaad niyadda gelin

KHADRA:

Marti goorxun socotaba

Gurigaaga oo madhan

Adigoon gasiin hayn

Iyo gaabanow ari

Iyo gaabanow ari

Geeluna irmaaneyn

Dadkaba gobol aan la qadin iyo

Ogoow gibil ma daadshaha

Loo gowracaa jira

Ha gafine ujeeddadu

Waa sida geddaydoo

Mar haddaynu nahay gacal

Marna ahay gayaankaa

Gaar ahaanna caashaqu

Guudkaaga igu xiray

Garashada xusuusoo

I sii gacan walaalnimo

CIGAAL:

Hadalkeenna googaa

Cadalee ha gelinene

Aniguba gantaallahu

Haddii ay ku gaareen

Haddii ay ku gaareen

Gacan baan ku siin lahaa

Galladdiyo nasiibkuna

Ogow gaadmo iyo orod

Midna laguma gaaree

Midna laguma gaaree

Gar Allee dadkuna qaar

Gar Allee dadkuna qaar

Waa sida geddaasuye

Gasariira ha noqonnine

Mar in aynu nahay gacal

Gasariira ha noqonnine

Mar in aynu nahay gacal

Marna tahay gayaankey

Labadaaba garansani

Kuna guursan maayee

Taasaad niyada gelin.

25. Heesta 25aad.

Qoraalka Heesta Sayloo Guyaal badan

Codadka Xasan Aadan & Sahra Axmed.

Ereyada Abwaan Xasan Ganey

XASAN:

Sayloo guyaad badan

Soo baxa kaliishii

Seelseelna loo degay

Sannad geelu badi dhalay

Oo sidigtii Laalays

Nirguhu aanay socod baran

Reeraha sintoodiyo

Kaymo saar leh loo dhigay

Oo igadh mid yari sabo

Maqaar lagu salaaxooy

Saameeshay gaawaha

Oo baarqab soohani

Isagoo ah laba-sabar

Soofeeyey micidoo

Ka sanqadhiyey doobtii

Salaaddiina roorsaday

Ugabkii u saniyoo

Surmo dheer la tiigsaday

Saqdii dhexena roob helay

Subixii bariisada

Sideedaan jalleecada

Saxansaxo udgoon badan

Sanka kuula raacaa

SAHRA:

Sange subag idaad iyo

Sumal baridii lagu shubay

Ooy sabada ceelkiyo

Sohdu tahay agtiisoo

Loogu dhaansho sacabada

Oo Sudiyo Howd sare

Seddex guure daaqoo

Weli aan sedyari arag

Oo seeto iyo dabar

Labadaba ka saahiday

Oo salow dagaal iyo

Cidi geyn  saraayaha

Oo sararta naaxdiyo

Timuhu ay isku seexdeen

Oo seyn-gargortiyo

Loo salaaxa guudkoo

Saxarkii ku duuliyo

Looga maydho  siigada

Loo saaro kooraha

Cigalkiina loo suray

Sarajoogga iyo muuq

Sankuneefle kaligaa

Adaa suuraddiisa leh

XASAN:

Sagal gaaxday roob subax

Seermaweydo soo guday

Waaguna ku sarakacay

Sarajoog nin dhererkii

Cadceedduna la siman tahay

Nuurkuna sagootiyey

Oo waqal sindadab iyo

Guulaamo socotiyo

Kala soocday dhibicii

Oo midab sibaaqiyo

cadaan wada siraatiyo

madoow suul-dhalaal xiga

Seddexdaa miduun yahay

Qof suureeyey kala garan

Oo beel Sanaagiyo

Ku surmiday saraar godan

Saadaalinaysoo

bal halkuu ku simo iyo

Sugayaan inuu helo

Subixii bariisada

Sidoodaan jalleecada

Saxansaxo udgoon badan

Sanka kuula raacaa

SAHRA:

Dhulku saacu wada gaadh

Waanu kala sed roonyee

Meel idaha seel u leh

Riyahana salool u leh

Oo geela saar u leh

Oo dirir sagaariyo

Sagaal gudcurkuna helay

Saga xareedaan

Biyuhuna sunsumayaan

Oo saawasaawiyo

Saxal cudur lahaynoo

Salka looga degay nabad

Oo saraarta dixidiyo

Simantahay dareemadu

Oo sebiga caanihii

Lagu siiyey golihii

Habluhuna sibraar iyo

Dhiilo saabka loo tolay

Sinta bidix ku qaadeen

Subixii bariisada

Sidoodaan jalleecada

Saxansaxo udgoon badan

Sanka kuula raacaa

26. Heesta 26aad.

Qoraalka Heesta Cishaduu ilaahey

Codadka: Xasan Aadan & Magool.

Ereyada Abwaan Xasan Ganey

XASAN:

Cishaduu Ilaahay

Cirka taagay udub li’

Ciiddana ka dhigay gogol

Wabiyada cartamayiyo

Cidhifyada bad kaga xidhay

Iyo buuraahaa culus

Cimrigeed adduunyada

Waxa jiraa col iyo nabad

Caydh iyo nin xoola leh

Iyo laba is caashaqay

Caawana kamay tegin

Caynkaynu ku ogeyn

Adna calafka kuu qoran

Cunaha  seegi maayee

Caashaqa ha baayicin

MAGOOL:

Cishaduu Ilaahay

carradeena joojee

Aadan ciidda ka alkumay

Xaawana cadkiisiyo

Feedh calaanta laga dheegay

Cishadaa ma uunneyd

Caawana ma nooshahay

Caqlaa diiday hadalkuu

Carrab dalab leh sheegee

Ceeriyaamo iyo boodh

Ciiro ha isku qarinine

Noloshayda caydh iyo

Cilmi buuran ku fadhiyin

Ku caar caari maaye

Caashaqa iska illow.

XASAN:

Xalay taba  caweyskii

Canabeey daruuruuhu

Cimidh bay ahaayeen

Caawana lagu ma oga

Wakhtigii ku ciiliyo

Cisigiyo wanaaguna

Way is daba caraabaan

Waxaana kuu caddayn kara

Caamiyaha indhaha liyo

Ma ogtahay curyaankaba

Cago loo ma waayine

Caynkaa waxa loo yidhi

Kuwa cararayee ladan

Inay ku cibro qataan

Caashaqa ha baayicin

MAGOOL:

Bada caarid maalmaha

Cawa daranta fiidkiyo

Caddadaa walaalo ah

Cadceeddii timaadaana

Dadka ruux cadibanoo

Waayuhuu ku ciiriyo

Mid caruusa yaa jiro

Caad iga ma saarnee

Ee cilmiyada ilaahay

Anigoon aan caasiyin

Cabsi ha igu galinine

Adiga oo aan  cuud dhaqan

Caashaqan ku taabtaan

Cudur-daar u yeelee

Ceeb kale miyaan dhigay?.

27. Heesta 27aad.

Qoraalka Heesta Daan bari adoo yaal

Codadka Xasan Aadan  iyo Aamina Cabdillaahi

Ereyada Abwaan Xasan Ganey

AAMINA:

Daan bari adoo yaal

Cirkoo doollo ka onkoday

Beeshoo ah doog raac

Adna awrtii dabar li’i

Intay kaaga dateen

Labaddaadii aar dillay

Dusha waxaad kararatana

Kolay tahay dameer hayn

Reerkii kaa dul-guuriyo

Dariskii wax kagu tara

Markay dani ku haysaad

Dadka kala ogaataa

Anna maanta dabacsani

Nabarka i damqanayana

Daa’in iyo adaa jira

Wax dawayn karaayee

Adigiyo dadnimadaa.

XASAN:

Adaa Doollo iyo Hawd

Deegaanta taalliyo

Doogga u hawoodee

Ninkaan daaqsin maqaleed

Daruuraha ku hooriyo

Duleedkiisa ka cabbayn

Daraankiisi oo madhan

Xarragana iskaga tegey

Diiftiyo jacaylkiyo

Diihaalla kaa badan

Waayahana kaa daran

Danta ha ula cabanine

Adigoo aan igu digan

Anna aanan kugu dayan

Nabarrada damqanayaa

Waa dabar waqtigu sido

Deeqdii Allena maqan

AAMINA:

Duunyada oo ceel qabad

Daran cuna kaliishii

Doqon silic waraabshiyo

Adoon geesi daafaca

Midna ceelalyo u diran

Xoolohoo daf soo yidhi

Darka kaagii oo tuban

Daan gaslaha waraabshiyo

Kii sii durduurshiyo

Doobkii wax kugu tara

Markay dani ku haysaad

Dadka kala ogaataa

XASAN:

Kol uu daad-mareenkiyo

Dacda nugulku kuu dhaco

Ama uu dadba u baxo

Oon lama dareertee

Ninka wabi diraaciyo

Durdur maro agtiisee

Biyo uu u doontiyo

Dunquruur ka quustee

Galaan beenyo dari karin

Duunyana warkeed nacay

Waayahana kaa daran

Danta hawla cabanine

Adigoo an igu digan

Anna aanan kugu dayan

Nabarada damqanayaa

Waa dabar wakhtigu sido

Deeqdii Allana maqan.

28. Heesta 28aad.

Qoraalka Heesta Hashaan maqasha iska celin.

Codadka: Kinsi Xaaji, Cadar Axmed, Khadiija Hiiraan iyo Faadumo Haldhaa

Ereyada Abwaan Xasan Ganey

KINSI:

Taariikhdu wax bey hagtaa

Dadkuna wuu haybsadaa

Adduunkuna waa hayaan

Hirdooglaa lagu socdaa

Hoggaankuna waa casriga

Naftaadana lama hagrado

Qayrkaa  ka hadh waa habaar

Heeryadan aad sidatiyo

Heylahan waa laga ilbaxay

Salaanka aad halabsatide

Ma kuu gacan haadiyaa?

Haneedka ma kuu qabtaa?

Hobaanta ma kuu guraa?

CADAR:

Habeenoy hebedka geel

Hashaan maqasha iska celin

Haraatina  kaaney dhalin

Markey hiigaan nirguhu

Jilaalkii bey hadhaa

Hambana waa la isku nacay

Higgaadana igu afgaro

Dharaar ba ninkaan ka helo

Habeenkii kuma dhexee

Hantidu wey ii dhan tahay

Xishood hodan baan ka ahay

Xayihii baan soo huwadey

Hablaha Soomaaliyeed

KHADIIJA:

Hayaay waa loo dhintaa

Hagoogtaa waxa lahaa

Kuwii waa heermi jirey

Dharkaa hayruufayana

Sidaan sheekada ku heley

Haddii aanad meelna jirin

Ruuxii kuu hiiliyana

Inaad yeeshaa haboon

Haraaga nin laa tabee

Hurdaay reerkeenii guur

Horseed kuu baaqey iyo

Ku soo heley baan ahee

Ma kuu gacan haadiyaa?

Hoobaanta ma kuu guraa?

FADUMA HALDHAA:

Haldhaa baa la yidhaa

Heensihii baan wali sitaa

Hiddihii la wada yiqiin

Asluubtii hooyadey

Hormuud baan dhaqan u ahay

Inaan hin gashaan jeclahay

Huf iyo been kuma lugo’o

Hirkaa qaawinida dhalay

In lagu hoobtaan ogahay

Haboowdaye waxaan ku idhi

Hugaaga iyo kaan xidhnahay

Labada kee haybad wacan

Hilbona keenee asturan

29. Heesta 29aad.

Qoraalka Heesta Hadal ii daboolnaa

Codka M Axmed Kuluc iyo Aamina Cabdillaahi

Ereyada Abwaan Meecaad Miigane

AAMINA:

Hadal ii daboolnaa

Dadka aan ka qarin jiray

Oo ay dani itidhi sheeg

Diirka aan ka qaadee

Ma utahay diyaar

Mise waaban daayaa

Ha idilo jacaylkuye

KULUC:

Aniguba dadkaan ahay

Danadii ku gaadhiyo

Dakharka aad ka qarisee

Ma dagana warkaaguye

Bal doc uun isugu baydh

Wixii kuugu daran sheeg

Ha lagaa daweeyee

AAMINA:

Sida Waqal Daruureed

Da’ay waa Dhawaadkii

Caashaqaan Darrooree

Intuu Dagay Wadnaha

Diga-roganna Waayaa.

Inuu Kaa durkana Diid

Waana kula dul Joogaa

Dubaaqeeyga caashqa

Ka Dareemay caayadan.

KULUC:

Anba nabar danqa iyo

Dubaaqayga caashaqa

Ka Dareemay Waayadan

Waxse aan ku daynaa

Mar hadduu ku degay adi

Anna kuu diyaar ahi

Isla doonasha ilaah.

30. Heesta 30aad.

Qoraalka Heesta Wehelkayga Caashaqa (Habeenkii Wacnaa)

Codka Sahra Axmed Jaamac.

Ereyada Abwaan Cabdi Cali Weyd

Sida wegan gammaan

Oo aan la mirin

Waaga tiigsadayeey

Weyraxa kalgacalkaan

La wisiisi goohaa

Wadnahaygaa dhiigga

Weydaaranaayoo

Waaxyaha jidhkaygana

Ma waraabinaayee

Waqtigii i dhaafiyo

Habeenkii wacnaayee

I waydaartay baan

Wali xasuustaa

Wehel Wehelkayga caashaqa

La wadaagi jiray baan

Weli u yeedhaaye

Sida waqal daruureed

Aan di'in waday keligay

Dhegahayga waanadu

Uma weecanaysee

Markii loo wanqalayee

Waa wiil la yidhi baa

Anna lay waxyoodoo

Iwareen jacaylkuye

Wakhtigii idhaafiyo

Habeenkii wacnaayee

Iwaydaartay baan

Weli xasuustaa

Wehel Wehelkayga

Aan Caashaqa

La wadaagi jiray baan

Weli u yeedhaa

Wehel Wehelkayga Caashaqa

La wadaagi jiray baan

Weli u yeedhaa.

31. Heesta 31aad.

Qoraalka Heesta Jacaylkeenii Saldhigay ama(Waxaa sebanno badan geelu seynta uruxaa)

Codadka Sahra Axmed Iyo C/naasir M Caydiid.

Ereyada Abwaan Maxamed Cali Kaariye

Riwaayadii Ha waalnaado Jacaylkuye

Aynu weerarka aadno.

CABDINAASIR:

Waxaa sebanno badan

Geelu seynta u ruxaa

Mar uun baad sasabaniyo

Sulul ka cabbi doontaa

Anna waxaan saqaafaha

Iyo sahanka caashaqa

Seymaha u marayaa

Waa si aan u kulannee

Jacaylkii sacabbo furan hooyaa

Ayaankeen bari samaad heley oo

Arooskeennii saldhigayee

Sidaa ku garoo la soco eey

SAHRA AXMED:

Waxay sabi ilmo ah hooyadu

Gosha ugu sidaa

Sedka loogu koriyaa

Abaal laga sugaayee

Anna waxaan sidoo kale

Caashaqa sasabo iyo

Samir ugu dhaqaayaa

Wuu i sandulleeyee

Jacaylku ma sidig irmaan baa

Sadaashu ma guul ahaa helleyoo

Arooskii ma saadanbaa eey

Sidaa u gartee ka soco eey

CABDINAASIR:

Waxaa subaga iyo heenka

sange loogu shubayaa

Hubka loo sifaystaa

Sakatiga colaaddee

Anna waxan la selelaa

Saqda dhexe la toosaa

Sahwigii jacaylkaa

Samada iiga yimidee

Jacaylkii sacaabo furan hooyaa

Ayaankeen bari samaad heley oo

Arooskeennii saldhigayee

sidaa ku garoo la soco eey

SAHRA AXMED:

Waxa sarsarka adag reerka

Sarmaanta loogu oodaa

Si aan tuug gurguurtiyo

U soo marin dugaagguye

Saddex boqol oo maalmood

Iyo tiro sagaashana

Sidku geelu weeyee

Ma soo gaadhey caashaqa

Jacaylku ma sidig irmaan hooyaa

Sadaashu ma guul ahaa helleyoo

Arooskii ma saan danbaayee

Sidaa u gartee ka soco eey"

32. Heesta 32aad.

Qoraalka Heesta Duni Wada Hallowsan

Codka Axmed Gacayte iyo Aamina C/laahi.

Erayadii Abwaan Cabdi Qays.

Riyaayadii Gaal iyo islaam geelow yaa ku leh?

GACAYTE:

Duni wada hallowsan

Dadkan wada jacaylka

Ee daad kalgacaliyo

Dhammaan fuushan doonyaha

Ayaan dacal ka raacee

Inkastoo dad gacal iyo

Xidid kala danbayn jiray

Ma dayrkii makaan gubay

Layaab malaha dookhuye

Ma dayrkii makaan gubay

Caashaq bay dirqinayee

AAMINA:

Anba damaca uurkiyo

Inkastoon dardaro qabo

Danbaa ii run sheegtee

Xishood bay dabraayee

Haddii dumar walaalo ah

Darandoori kugu yidhi

Dookhaagi yaab leh

Dayrkii makana daa

Duni baaba oloshee

Dayrkii makana daa

Adaa daar fuulee

GACAYTE:

Dadkii hore wuxuu yidhi

Ninuu daad lasoo tagay

Xunbo dagagan mooday

Cusko yidhi dusheedee

Anna maan danbaabinee

Dadka way u furan tahay

Tan aan kula dul joogaa

Ma dayrkii makaan gubay

Layaab malaha dookhuye

Ma dayrkii makaan gubay

Caashaq bay dirqiyayee

AAMINA:

Anba waxaygu soo daga

Daruurihii kalgacalkoo

Duufaanku ima dhigo

Aawadaa dabayshuye

Waxse dilay jacaylkii

Dacareeyey Malabkii

Dumaashigaynu noqonee

Dayrkii makana daa

Duni baaba oloshee

Dayrkii makana daa

Adaa daaro fuulee

GACAYTE:

Dadku waa ka siman yahay

Duunkiyo jacaylkee

Qofba inuu ka daaqaba

Darran weeye geedkuye

Mid buu lacag ku daal yidhi

Midbaa dayaxa haybsada

Anna adigaa ii daran

Ma dayrkii makaan gubay

Layaab malaha dookhuye

Ma dayrkii makaan gubay

Caashaq bay dirqiyayee

AAMINA:

Illeen didibka buurtiyo

Dhagax hadalku kama da'a

Inkastood la dooddee

Dhaxdin days ha noqoninee

Waxbaa laga denbeeyaa

Laga digigixoodaa

Haddaad dabin ka bood tahay

Dayrkii makana daa

Dunibaaba oloshee

Dayrkii makana daa

Adaa daar fuulee.

FG. Qisada heesta waxa ay dhalatay

Ninbaa guursanaya gabad kadibna  

Waxa uu jecayl u qaadayaa gabadh ay

Gabadhiisa walalo yihiin oo ka yarayd.

33. Heesta 33aad.

Heesta Curadii aan Dhalayeey.

Codka Abwaan Cabdi Aadan Xayd (Qays).

Ereyada Abwaan Cabdi Qays.

Cadkii layga beeraay

Curuuqda iyo jiidhkiyo

Curaddaydi kaliyaay

Cosob iyo dhul baadlaay

Geed caws ku caanoo

Iyo dhiraa caleemeed

Saddexdu is cidhiidhyeen

Oo dirir cawaysimay

Kaga hooray cidhifyada

Qorraxduna cadaysoo

Casar gaaban ay tahay

Oo camalka doogada

Dhulku midab cagaar yahay

Curubtii magooshiyo

Lagu mood tin iyo cidhib

Fallaadhii cadceedee

Ilaahay nin caasiya

Yaanu cudduda kuu galin

Ilaahay mid cadho badan

Yaanu cidhifka kuu sudhin

Midaan caashaqin kuu qabin

Yaanu calafku kuu gayn

Noloshaadu caarcaar

Yay cidhib xumaan noqon

Timaheedu waa culay

Camal saynta gariloo

Caara looga duwin faras

Caynaddooda guudkuye

Caddaan haw badnaadee

Indhaheedu waa cawl

Cidhibtana madow oo

Nuur lagu cidaadee

Curdin weeye uguboo

Aan seed ku celisiyo

Lafo culus lahaynoo

Cunaha kuu maraysoo

Caydhiin yahay jidhkeeduye

Ceeb laga ilaashoo

Duco lagu cashariyoo

Cilmi lagu hagoogee

Ilaahay nin caasiya

Yaanu cudduda kuu galin

Ilaahay mid cadho badan

Yaanu cidhifka kuu sudhin

Midaan caashaq kuu qabin

Midaan caasi kugu noqon

Yaanu calafku kuu gayn

Noloshaadu caarcaar

Yay cidhib xumaan noqon .

Curadii aan dhalayeey

Curuuqda iyo jiidhkiyo

Wadnaha caaradiisiyo

Cadkii layga beeraay

Cawo iyo ayaaneey

Caano iyo nabadeey

Xiddigtii cirjiidhiyo

Cadda negi habeenimo

Caato iyo xumaaniyo

Taan cidhib lahayneey

Caqligeeda miisaan

Rabbi tuu ku caynshee

Cuddoon loo abuuraay

Yaanu cududda kuu galin

Illaahay nin cadho badan

Yaanu cidhifka kuu sudhin

Mid aan caashaq kuu noqon

Yaanu calafba kuu gayn

Noloshaadu caarcaar

Yay cidhib xumaan noqon.

....Aaamiiin..Aaamiiin....

34. Heesta 34aad.

Qoraalka Heesta Arami (Aramidu Isoo ridan).

Ereyada Abwaan Cabdiqaadir Cali Cigaal (AHN)

Riwaayadii Jacayl boob uma baahna 1975.

Codadka M S Tubeec Magool. (AHN)

MAGOOL:

Asalkaba jacaylku

Intuu ugubka igu yahay

Ee nuqudka iga galin

Oogada ku sii fidin

Aramidu isoo ridi

Maad iman agteydoo

Anna aan ku eegtee.

TUBEEC:

Ayaamahan daraadaa

Anfacadii ka go’ayoo

Anbadoo habaaboo

Waanigaa asqoobee

Aramidu isoo ridi

Maad iman agteydoo

Anna aan ku eegtee

MAGOOL:

Intaan aamusnaayee

Amakaagsanaa buu

Wakhtiguna ordaayoo

Waayuhu i ooteen

Aramidu isoo ridan

Maad iman agteydoo

Anna aan ku eegtee

TUBEEC:

Amraneey nasiibkaa

Wax abaabulaayee

Waa wada amaarado

Dhibaatada adduunkuye

Arimadu isoo ridan

Maad iman agteydoo

Anna aan ku eegtee

MAGOOL:

Asalkaba jacaylku

Intuu ugubka igu yahay

Ee nuqudka iga galin

Oogada ku sii fidin

Aramidu isoo ridi

Maad iman agteydoo

Anna aan ku eegtee.

35. Heesta 35aad.

Qoraalka Heesta Toogo.

Codadka Tubeec iyo Maandeeq.

Ereyadii Ahmed S.Bidde

Riwaayadii Alle Aamin ma iisho 1964.

TUBEEC:

Ninkan caashaqu taabee

Ee tallaabada diiday

Waxan uu tabanaayo

Adigow tari laayee

Inta aad jar ka tuurtay

Sow umaad tudhi waayin.

MAANDEEQ:

Ninyow taaha ku raagee

Ee tabaalada sheegtay

Haddaad caashaq la tiicday

Tallo waa ta Ilaahe

In la ii talinaayoo

Taa miyaanad ogaynba?

TUBEEC:

Ifku waa talantaalli

Ruuxba maalin tashaaye

Haddaan taabka ku haysto

Anba kaama tageene

Toogo waa ma huraane

Maad ka toosisid meesha.

MAANDEEQ:

Tabta roobku daruurta

Hadba uu tis u keeno

Hadalkaad i tidhaana

Igu sii tarmayaaye

Anoo kuu tudhi waayey

Ha ku taamilo qaadan.

TUBEEC:

Ninkan tiisu cuslaysee

Adna kaa tagi waayey

Nabsi wuu tukubaaye

Hooy Intaanu ku taaban

Toogo waa ma huraane

Maad ka toosisid meesha

MAANDEEQ:

Waynakaa u tasoownay

Tabtii Layliyo Qayse

Igu tallaashay jaceyloo

Wadnahaygaad ku taalle

Waa tabaallo adduune

Rabbi ha inala tiirsho.

36. Heeta 36aad.

Qoraalka Heesta Dhulaan Ceel lahayn baan

Codka Khadra Daahir Cige

Ereyada Abwaan Cabdi A Xaad (Cabdi Qays)

Dhulaan ceel lahaybaa    

Dhaankii u rarayaa

Adna dhool guyaadiyo    

Dhibicdii ma hayside

Dhacar baad ku nooshahay    

Dhankan anigu kaa xigo

Dharka lama yaqaanee    

Dhuug baanu xidhanaa

Adna dhogorta xoolaha    

Malaa waad ka dhigataa

Buuraha dhexdoodiyo    

Dhagaxbaan ku seexdaa

Adna wax ima dhaantide    

Dhulka hoos u qodan iyo

Dhufays baad u hoyataa

   

Dhulkan kala fogaadiyo

Labadeenan kala dheer    

Yeysu soo dhaweeya

Markaad adigu dhimataa    

Naftu iga dhaqaaqdaa

Markaad adigu dheregtaa    

Dhibaatadu I deysaa

Dheehaagan wacan baa    

Aniguna ku dhaashtaa

Dhaxalkii aad reebtaa    

Dhitadaydu noqotaa

Markaan soo dhowaadana    

Waad iga dhaqaaqdaa

Ana kuma dhegaystee    

noon dhuumanayn baan

Dhegaha kaa furaystaa    

Wixii adiga kaa dhimin

Anigana I dhaafoo

 

Dhaan-dhaan hadaan ahay

Adna dhoohanaa tahay    

Dhulkan kala fogaadiyo

Labadeenan kala dheer    

Yeysu soo dhaweeya

Kol hadaynu dhuuxiyo    

Dhiigii ka simanahay

Midabkiyo dhawaaqiyo    

Diintiyo dhalashada

Iyo dhaqan wadaag nahay    

Dhudhunkaad I goysaa

Waa dhantaalan kaagee    

Labadeenu dhuun iyo

Moqor baan ka dhiganee  


Dhidibkaynu taagniyo

Dhismihii adkaan jiray    

Inaan kala dhaltaalaa

Dhegxumo iyo yaab iyo    

Talo dhacan tay weeyee

Dhaxdin baan wadaagnee    

Aayaha dhasheeniyo

Midnimada ma dhowraa.

37. Heesta 37aad.

Qoraalka Heesta Bulsho

Codka Xasan Aadan Samatar

Ereyada Abwaan Muxumed Cali Masmas

Sidii Barayarow Roob

Bidha waaga subaxdii

Badakaaga sookacay

Burco iyo banaan Hawd

Boosaaso iyo Bari

Booramiyo Hargaysiyo

Beerihii Jamaamiyo

Xamar Baalaheedii

Meelbaadle Ka onkoday

Baryaan Kalamaqnaynoo

Waan idiinbasaasee

Bulshayahay Manabadabaa

Bulshayahay Manabadnaaa

Dadkoo seexday badankii

Markaan soo baraarugay

Habeenkoo badhkii tagay

Ciidayda bilan iyo

Beeshaaan xasuustaa

Wakhtigaygu badanoo

Bil markaan maqnaadaba

Sannad buuxaan moodaa

Dadkii aan ka beermow

Beryaaan kala maqnayne

Waan idiin basaasee

Bulshayahay Manabadabaa

38. Heesta 38aad.

Heesta Sidii dhool gu,yoo (Dharaaraba ninkii).

Codka MS Tubeec

Ereyada Abwaan Xuseen Aw-faarax  

Sidii dhool gu,yoo da,ay

Baa wadnaha lagugu dheehoo

Adigaa is dhaafshee

Wanaag ku dhameeyee

Aday dhaliilee aan dhowroo

Nabsaa xaqa dhameeyee

Dharaaraba ninkii nool

Waxba dhaygag galiyee

Anna waxa igu sii dheer

Cishqiga dhaxal xumaystee

Aday dhaliilee aan dhowro

Nabsa xaqa dhameeyee

Dhudhun iyo lixaad iyo

Lafihii iga dhamaysee

Dhadhaab looma heesee

Adaa dhagax dixeedee

Aday dhaliilee aan dhowro

Nabsa xaqa dhameeyee

Nosholashii dhibaato leh

Dartaa dhimo ka doortee

Intaan kaa dhur sugayaan.

Aduunyadii i dhaaftee

Aday dhaliilee aan dhowro

Nabsa xaqa dhameeyee.

39. Heesta 39aad.

Qoraalka Heesta Jamasho

Codadka Axmed Mooge & Sahra Axmed

Ereyada Abwaan Axmed Saleebaan Bidde

Riwaayadii Jeel iyo Jaceyl 1972.

SAHRA:

Inan yahow jaceyl runi

Adduunyada haduu jiro

Uu dhex jooga laba ruux

Jidh sidey wadaagaan.

Ama uu mid jiitoo

La jiciirto keligii.

Anna jamashadaa qaba

Anaa jamashadaa daba

Ee sow jalleecada

Jeedaaliska indhaha

Kama garatid jeernaba?

AXMED:

Haduu geelu jeel qabo

Joogo hirar barwaaqo ah

Ood  uqaado jaawada

Jiib carrowdka heesaha

Waaka soo ba jiidhee

Soo jabiya ooddee

Anaa jamashadaa qaba

Ee sow jidhiidhico

Waaxyaha jiidhkoo idil

Ima gaadhin jeer hore

SAHRA:

Inanyahow jirwacashada,

Jaah-wareerka caashaqa

Jidiinkay harraadiyo

Wixii aan jab soo maray

Adigaa hadh jogee

Jidhkan milicda laasimay

Anaa jamashadaa qaba

Ee sow jalleecada

Jeedaaliska indhaha

Kama garatid jeernaba?

AXMED.

Marka hare jacaylkaba

Nimaan maanka kala jirin

Kolkay jooji leeyiin

Jannuu dumar ku sheegaa

Kolka uu la jeertee

La jiciirto reebee.

Anaa jamashadaa qaba

Anaa jamashadaa qaba

40. Heesta 40aad.

Qoraalka Heesta Anoo Waafiyaad Wayd  

Ereyada Abwaan Cabdi Qays

Codka Khadra Daahir Cige

Wan la qalay sidiisaad

Hilibkaygii wadhatoo

Waaxyahayga go’an baad

Waraabaha ugu baaqdoo

Wadar habar dugaag baad

Wacdayood u yeedhoo

Ku wiirsaad lahaydoo

Noloshaba ha waayee

Anuun baan wadkaygiyo

Wakhtigaygu galinoo

Waynahu i daayee

Waxba iila maad hadhin

Wabiga i sitee

I walwaalayaa

Xaguu igu waadaa

Waydiiya oo

Wed waa loo dhashee

Wax ka daran miyay

Ii warinayaa?

Waraariyo jar dheer

Waadiga xargaga

Hayga weecinoo

Hayga waabin dhaha

Imisaan walwaal

Iyo ceel wardheer

Kaga baxay wadaan?

Imisaa waaheen

Wabi soo rogmaday

Igu daray bad weyn

Waxna aanan noqon?

Adoo walax suniyo

Waabay cabaa

Waa kuu beryaa

Wirriiriga hadii

Wed lagaaga dhigo

Ma ogtahay wakhtiga

Lama waabiyee

Waaceen jiriyo

Wehel baynu nahay

Wanaagaan qabana

Wayga wayraxshaan

Waan ku waaniyaa

Wacdigaad dhegaha

Waydaarisaa

Wanaag baan sidaa

Jacayl baan wadaa

Anoo waafiyaad

Wayd iga dhigtaa

Waraar iyo jar dheer

Waadiga xargaga

Hayga weecinoo

Hayga waabin dhaha

Waaceen jiriyo

Wehel baynu nahay

Wanaagaan qabana

Wayga wayraxshaan

Waan ku waaniyaa

Wacdigaad dhegaha

Waydaarisaa

Imisaa waaheen

Wabi soo rogmaday

Igu daray bad weyn

Waxna aanan noqon

Wanaag baan sidaa

Jacayl baan wadaa

Anoo waafiyaad

Wayd iga dhigtaa.

41. Heesta 41aad.

Qoraalka Heesta Ha igu nicin Hant la'aan

Codadka Digfeer iyo Sahra Ilays

Ereyada Abwaan Xuseen Jamac Rooble (X. Gujis)

DIGFEER:

Hada iyo habeenkii

Hadal barashadeenii

Helistaada mooyee

Hawo kale kumaan jirin.

Hubaal weeye maantana

Inaan heegan ugu jiro

Hawlaha kalgacalkiyo

Hoy wada galkeenee.

Hoodiyo nasiibiyo

Hor allaan adeegsaday

Hodaneey amuuruhu

Inay noo hagaagaan.

Nafta kuu hibeeyoo

Hoygaad ku dhalataad

Hidda raacayaayee

Haygu nicin hanti la'aan.

SAHRA:

Hodaale mooyee

Hilba cidi kusiisa

Hanadoow dhibaatiyo

Hamuun kaama reebaan

Haynta iyo maalkuna

Hidda dhaxale mahee

Hadh wareega weeyo

La helaa la wayaa

Habka caashaqeenuna

Hadhuub caano lagu shubay

Oo ay laba u heellani

Wada haysta weeyaan

Nafta kuu hibeeyoo

Hadalkeenu waa taan

Hore kuugu raacoo

Hanti kugu ma nici karo.

DIGFEER:

Hal xidhaalaha qaar

Murti lagu hirtaa jira

Haasawaheenuna

Hidda weeye dhaxal gala

Hadalkaaga madashana

Mar hore tii aan howraarsan

Ku idhi kulana hanweynaa

Ma hungoobo caashaqa

Lahayaa hareeraha

Marka laba u heellani

Hagayaan sideenaa  

Ooy wada hir galiyaan

Nafta kuu hibeeyoo

Hooygaad ku dhalataa

Hidda racayaayee

Haygu nicin hanti la’aan.

SAHRA:

Hayigaba aduun baa

Hedda kugu hayaayoo

Hareertaada Midaan dhigo.

Hammigu ima siiyeen

Himiladaydu waxay tahay

Hadda iyo hadhowtaba

INAN nolosha reerkiyo

U harraadan aad tahay

Habka caashaqeenuna

Hadhuub caano lagu shubay

Ooy labo u heellane

Wada haystaa weeyaan

Nafta kuu hibeeyoo

Hadafkaygu waa taan

Horey kuugu raacoo

Hanti kugu ma nici karo.

Hanti kugu ma nici karo.

42. Heesta 42aad.

Qoraalka Heesta Ma ogtahay Siraadeey.

Codka Xasan Aadan Samatar.

Ereyada Abwaan Cabdikariin Jiir.

Ma og tahay Siraadey

Caashaqii na siray ee

Sahalka aynu moodnee

Ina saaqay berigii

Inuu soo kordhaayoo

Siigiyo dabayl iyo

Soo kiciyay ceeryaan

Oon xalay saqdii dhexe

Hurdadii ka salaloon

Soo toosay dhowr jeer

Safaad male jacaylkuye

Waan sidaaye ila qabo

Soo dhawoo ila qabo

Oo haygu sii dayn.

Ma ogtahay Siraadey

Soomaali oo idil uma

Sidatid quruxdee

Hablo kula sinmaa jira

Oonan saa u eegine

Waa su’aale kalidaa

Maxaan kaaga sahansaday

Sababtuna waxay tahay

Sanbabadiyo beerkiyo

Wadnahaygaad sudhan tahay.

Safaad male jacaylkuye

Waan sidaaye ila qabo

Soo dhawoo ila qabo

Oo haygu sii dayn.

Ma ogtahay Siraadey

Saddex saniyo dheeraad

Intaa waan ku sugayoo

Nafta waan sasabayee

Berri bay si uun noqon

Saadenbey wax kula qaban

Saadaasha geliyee

Sidaan fili jacaylkuna

Adi kuma sal gaarinoo

Waabad sahashanaysaa

Safaad male jacaylkuye

Waan sidaaye ila qabo

Soo dhawoo ila qabo

Oo haygu sii dayn.

43. Heesta 43aad.

Qoraalka Heesta Dadkoo Dhami ha Weriyeen

Codka Khadra Daahir Cige.

Ereyada Abwaan Cabdi Qays.

Dumarkiyo ragoo idil

Haddii lay isku soo daroo

Qofba dookhii meel dhigo

Duurka iyo kaymahaa

Haddii roob ku wada da’o

Dusha laac ka wada fuulye

Duunyadaad dhaqaysanaa

Neef ba doobi loo culoyey

Ruux jacayl damqaayana

Maal laguma dagi karo

Dadkoo dhami ha weriyeen

Dadkoo dhami ha weriyeen

Dareenkaygu inuu yahay

Naftu kay la duubnayd

Darin inaan la jiifsado.

Dumarkaba dhamaantood

Dadku waxay u haystaan

Inay duunyo raadshaane

Haddii daaro fooq leh iyo

Dukaamaad la ii dhigo

Kuma dawoobo caashaquyee

Anna dihashadaydii

Damac duunyo ima galine

Jacayl baa daashaday

In kastoon la doodee

Dadka oo dhami ha weriyeen

Dadkoo dhami ha wariyeen

Dareenkaygu inuu yahay

Naftu kay la duubnayd

DARIN inaan la jiifsado.

44. Heesta 44aad.

Qoraalka Heesta Jaceyl lama moosi karo.

Codka: Nimco Jaamac

Ereyada Abwaan Saleebaan Xuseen Daa'uud.

C.NUUR ALLAALE:

Jacayl Lama Moosi Karo Oo

Sidii Mayay Buu Da,aa

Mirood Buu Kugu Dilaa

Middiyo Daab Buu Sitaa

Halbowlaha Kaa Marshaa

Micida Waa Loo Dhintaa

Masiibadu Way Jirtaa

Miraha Geed Sare Ku Yaal

Marbaad U Miliilicdaa

Dadkana Waad Uga Mid Tahee

Waxaan Ku Metaalayaa

Nin Maqan oo Meel Fog Jira

Asaan Meher Kaaga Tegin

Miyaa Malab Loo Tufaa?

Macaan Loo Saydhiyaa?

Muraadkaa Lagu Xidhaa?

NIMCO YAASIIN:

Adigu waad

Imayracay oo imiray  

Mawjado hoosaan ku dhacay

Dhexdooda ku maaxayaa

Illaa madaxay qarsoon

Magaabshay muggii jacayl

Intaan miliqsaday ku mamay

Dabeed muudsaday mergaday

Mareegtiisaygu xidhan

Ku maydhay anoo is moog

Sidayda hadduu ku mudo

Dushaaday ka muuqan layd.

Murtida waxaan uga socdaa

Ma moogid midhkaan jeclahay!

C.NUUR ALLAALE:

Marwo waa maati dumar

Haddaan ragu Maamuleyn

Muraadkoodaa Ka Luma

Maaweelaa Lugu Hodaa

Mudadu Kaga Baaqsataa

Murtida Waxaan Uga Socdaa

Hadday Arrimihii Murgeen

Aadse Murugaysantee

Anigu Mayalkaan qabtee

Miyaad Iga Maarantaa

Miyey Kuu Muuqataa

Nin Maqan Oo Meel Fog Jira

Asaan Meher Kaaga Tegin

Miyaa Malab Loo Tufaa?

Macaan Loo Saydhiyaa?

Muraadkaa Lugu Xidhaa?

NIMCO YAASIIN:

Masiibo adduunyo iyo

Ma Duufaan baa i sida

Masayr iyo ciil i mari

Midhkaan la malaysan jiray

Mugdi iyo muran baa iga xiga

Muraadkaygii ma helin

Warkaan maqlay meel igo

Hadana kama maarmi karo

Markhaatina waad tahee

Haddaan laygu kaa maxlalin

Maqaar-saar waa naceee

Miyaa lays maagayaa

Ma moogid midhkaan jeclee

Xagee baan adi ku marin?

Qalbigu waa meel qudhee

Xagee baan adi ku marin?

Qalbigu waa meel qudhee,

45. Heesta 45aad.

Qoraalka Heesta Hannaan socodka laafyaha

Codka: Cumar Xasan Cabdalle

Ereyada Abwaan C.Qaadir Xirsi Yamyam

Hannaan socodka laafyaha

Hagar li’i wax qabashada

Hindisaha iyo faalada

U hal celiska sheekada

Haddaan caano lagu habin

Ama aan hooyadeed korin

Ma hayseen asluubtaas

Haybadda iyo xishoodkee

Waxa kugu habboonaa

Habboonaa Istareex

Hareeraha nugaaleed

Kayn wada hareeri ah

Marka roobka uu helo

Oo xareeddu harada iyo

Hoos jiifto geedaha

Hal irmaan sideedii

Haleel aad ku maashaa

Dhalinyaro hobsheysiyo

Hablo kuu ciyaaraan

Sida geel hillaac baxay

Hawd iyo dannood helay

Oo horseed u maqan yahay

Hiigsanaaya goor wacan

Hiyiga iyo nafteydii

Adaa hebed ka dhigay oo

Hilbaheygii saafoo

Haween iiga laacee

Waxaa kugu habboonaa

Adoo xaafaddii hodan

Jidka fooqa hoos mara

Hareerihiisa ubaxa leh

Habeen ciid ah ay tahay

Adigoo hiddaha xidhan

Hudheelkii Taleex baan

Heedhe kugu casuumaa

Hal irmaan sideedoo

Haleel aad ku maashaa

Dhalinyara hawsheesan iyo

Hablo kuu ciyaaraan

46. Heesta 46aad.

Qoraalka Heesta Dusha Timaha Guudka

Codka Cumar Xasan Cabdalle

Ereyada Abwaan C.Qaadir Xirsi (Yamyam)

Dusha timaha guudkee

Dib u dhaafay adhaxdee

Dibna hadalka qaadmada

Ilko dabar cas kaga yaal

Dib markaan u fiirsado

Dib markaan u fiirsado

Fanax yarada muujee

Idishaye cabaadhyaha

Isla gaadhay dacalada

Dega labada garab iyo

Waaxyaha dushooda

Dan dhaqaaqa laafyaha

Dadyow anigu yaabaye

Ma dadkii kitaabkiyo

diinteenu sheegtee

Daganaa fardawsoo

Soo daahiraa haa

Doqontii nasiiblee

Damac kaa galaa

Degan waab la saaraa

Deymada jaleecada

Markii aan ku daawaday

Indhuhu meel ay diidaan

Daa'in kuuma yeelin

Daruuryahay adoo kale

NABI YUUSUF dabadii

Lama keenin dunidee

Nasiibku ha igu kaa daro,

Ma dadkii kitaabkiyo

Diinteenu sheegtee

Deganaa fardawsoo

Soo daahiraa haa

Dawliilka dhererkee

Deray baxay la moodiyo

Degenaanta socodkiyo

Dun wanaaga dhalanka ah

Danqashada kalgacalka leh

Dadow anigu yaabaye

Da' day tahay wax garashada

Dar ilaahay siday tahay

Inta timaha dabatiyo

Dumar gebi ahaantii

Dhan loo dayaba Inanyahay

Qurux kulama doonani.

Ma dadkii kitaabkiyo

Diinteenu sheegtee

Deganaa fardawsoo

Soo daahiray baa?

47. Heesta 47aad.

Qoraalka Heesta Gudcur aan cadaba jirin

Codka Shankaroon Axmed Sagal

Ereyada Abwaan M.I. Warsame (Hadraawi).

Gudcur aan cadaba jirin

Indhahaa cadceedoo

Cidla kaaga weheloo

Cabsi kaa kaxeeyoo

Bahal kaala cararee

labada caynaan

Haddii caad ku xidhanyay

Cudud iyo lacaad kale

Ileyn laguma ciil baxo

Caafimaad ma ciidmaan

Culays kaama qaadaan

Ruuxii curyaan ahi

Carrabkiyo ishaarada

Kuma caafimaadee

hadaan ceebta igu taal

Ama cudurka aan qabo

Curuuqdiyo dhaayaha

Cilmi lagu dawaynayn

Cadka la iga jeexiyo

Casiir la iiga marinayn

Badhi la i cabsiiyiyo

Bashar muxuu i tarayaa

Cirkaan hoorimaadiyo

Curashada daruuraha

Calcashada xareedee

Isa soo cidhiidhiyiyo

Dhulkan wada cagaarka

Cosob gaadhi karayn

Caleentiyo barwaaqada

Dhalin lala caweeyiyo

Heesiyo cayaaraha

Hadaan calafba ii galin

Miyuu ii cuntamayaa

48. Heesta 48aad.

Qoraalka Heesta Daruuraha Hillaaciyo

Codka: Sacaada Alaale Cali

Ereyada: Abwaan Axmed Saleebaan Bidde

Daruuraha hillaaciyo

Dab la shiday habeennimo

Dal fog bay ka muuqdaane

Cishqiguna sidii daad

Ama haradii Doollood

Wuu durkaa warkiisuye

Waxan dedo jacaylkaba

Daah aan ku qariyaba

Dareenka iyo sheekada

Dadka aan ka dhawraba

Waa dacare soo bood

Sidii daad i soo jiidh

Dibnahaygi soo dhaaf

Hadday maqashay dunidii

Aduun baan ku doortee

Denbi kale miyaan falay?

Dhulka kii daleeliyo

Dal madheedh ka soo baxay

Kala daaq wacnaadee

Dumarkuna sidoo kale

Kala door inuu yahay

Diir kaama saarnee

Waxaan dareemo moodaba

Daayo hadalkiisaba

Dareenka iyo sheekada

Dadka aan ka dhawraba

Waa dacare soo bood

Sidii daad I soo jiidh

Dibnahaygi soo dhaaf

Hadday maqashay dunidii

Denbi kale miyaan falay

49. Heesta 49aad.

Qoraalka Heesta Shamis  

Ereyada: Abwaan

Qoraalka Heesta Shamis

Codka: Cabdiqaadir Jubba

Ereyada: Abwaan: Xasan Ciise Cali (Kuuriya)

Shanta goor ilaahay

Salaaduu na sheed marin

Wuxuunoogu shaaciyay

Shuruud weeye Qaaliya

Sheekhuba wuxuu ubad

Shaqallada Quraanka iyo

Shaafici u barayaa

In shafeeca aakhiro iyo

Shiddo la'i la siiyaa

Anna waxaan shamiseey

Sheekaysigeeniii

Sheeko qaali uga dhigay

Sharaftida dhexdeeniyo

Cishqigooo shubaaliyaa

Shilna aan ka dhawrnaa

Sharaf gelinta aadmiga

Baryo shaba shabayntii

Rabi wuxuu u sheegtaa

Inuu khayr ku shaafiyo

Shinniduba waxay malab

Ubax ugu shubtaayo

Iyadoo shuraako ah

Shinni uga abuurtaa

Waxa shiray sokeeye badan

Anna waxaan sheekasigeenii

Sheeko qaali uga dhigay

Sharaftida dhexdeeniyo

Cishqigooo shubaaliyaa

Shilna aan ka dhawrnaa

50. Heesta 50aad.

Qoraalka Heesta Daruur Curatay baa.

(Doqonniimoyey Kula sii durkine.

Codadka: Aamina Cabdillaahi iyo Cumar Xasan Rooraaye

Ereyada: Abwaan Aadan Tarabi.

ROORAAYE:

Daruur curatay baa,

Anoo debed fadhiya,

Igu soo da’doo,

Doox soo rogmaday,

Duufaan cir iyo,

Daad bay sitee;

Bal dawooy adaa,

Deris ii ahoo,

Dadna iigu dhow,

Dayi weyday hooy,

Darxumadaan qabee,

Nafsi lala dersaa,

Danbabeer malee,

Dib u fiirso oo,

Yaanu kugu danbayn,

AAMINA CABDILAAHI:

Beel durugtayoo,

Doog raacday baad,

Adna daydaydaa,

Dayax soo baxoo,

Dabadeed dhacaad,

Sii daawataa,

Doqonniimo yey,

Kula sii durkine,

Dabar gali naftoo,

Soo yara dabbaal,

Waxaan kuu danayn,

Ha ku daalinoo,

Ha daldalin naftee,

Daydayo mid kale,

ROORAAYE:

Dumar waa abees,

Nin u daacaday,

Illayn dooxayaan,

Waa dacar Ilaah,

Dawo kaaga dhigay,

Iyo dabin qarsoon,

Marka ay dejaan,

Sida daabaddiyo,

Diirta u liqaan,

Dabeed dala’sadee,

Nafsi lala dersaa,

Danbabeer malee,

Dib u fiirso oo,

Yaanu kugu danbayn,

AAMINA CABDILAAHI:

Wuu duuban yoo,

Waan kuu dulmaray,

Waana daahanyee,

Derbi aan Ilaah,

Debec kaaga dhigin,

Lama dumin karee,

Doqonniimo yey,

Kula sii durkine,

Dabar geli naftoo,

Soo yara dabbaal,

Waxaan kuu danayn,

Ha ku daalinoo,

Ha daldalin naftee,

Daydayo mid kale,

ROORAAYE:

Bal maxay danee,

Aan dooniyee,

Adi iiga daran,

Duullaan sidii,

Debadaha galoo,

Dadna iga hayaan,

Bal dawooy adaa,

Deris ii ahoo,

Dadna iigu dhow,

Dayi weydayoo,

Darxumadaan qabee,

Nafsi lala dersaa,

Danbabeer malee,

Dib u fiirso oo,

Yaanu kugu danbayn,

AAMINA CABDILLAAHI:

Dab ha kugu baxoo,

Diiftii jacayl,

Ha lagugu dubee,

Inaan kuu damqado,

Kuu dubaaxiyana,

Dubaaqaba ha galin,

Doqonniimo yey,

Kula sii durkine,

Dabar geli naftoo,

Soo yara dabbaal,

Waxaan kuu danayn,

Ha ku daalinoo,

Ha daldalin naftee,

Daydayo mid kale!

51. Heesta 51aad.

Qoraalka Heesta Waxaan ahay nin caan oo

Codka: Cumar Xasan Rooraaye iyo Qamar Harawo

Ereyada: Abwaan Maxamed Aadan Dacar

ROORAAYE:

Waxaan ahay nin caanoo

Cilmi iyo aqoonloo

Cirkiyo dayaxa tagay

Ilbaxnimada culusiyo

Cid kastaba yaqaanoo

Ciidda kala shubaayee

Aan cadceeda samadiyo

Caado ku geeyee

Caawa caawa ila garo

Caashaqu hadduu jiro

Adaan calanka iikaa

Dul sudhanyahee

Aan wada cawaynee

Hadal ha igusoo celin

QAMAR:

Haddaad tahay nin cuudloo

Meel kastaba cagaha dhigay

Cidi kuma su’aaline

Anba caanahayga iyo

Wanka cududa weyn leh iyo

Codcodkaygu igu filane

Calaf-doon haddaan ahay

Kama tagayo calankee

Cudur-daar hadduu jiro

Hay cabanin aniga

Isku caado ma ihine

Cagta saar wadada oo

Hadal haygu soo celin

ROORAAYE:

Waxaan ahay nin cawsiyo

Ka caweeyey yuruboo

Cusbo malab ka dhigayee

Anoo kaa calool gu’in

Caynkiina kuu jecel

Indhaha hay cadaynine

Aan dahab tin iyo cidhib

Ku caleemo saaree

Caawaa  caawa ila garo

Caashaqu haduu jiro

Adaan calanka iikaa

Dulsudhanyahee

Aan wada cawaynee

Hadal ha igusoo celin

QAMAR:

Waxaan ahay mid cugashiyo

Cadda loolka neceboo

Cag-fudeydka baranine

Waxba cunaha hay qaban

Sida cawl wadkii galay

Inaan kuu cuntamaye

Calaf-doon hadaan ahay

Kama tagayo calanke

Carrabka ha ii celin

Cudur-daar hadduu jiro

Hay cabanin aniga

Isku caado ma ihine

Cagta saar wadada oo

Hadal haygu soo celin

ROORAAYE:

Waxaan ahay nin cawsiyo

Ka caweeyey yuruboo

Cusbo malab ka dhigayee

Anoo kaa calool gu’in

Caynkiina kuu jecel

Indhaha hay cadaynine

WQ. ©️Shireshow | Maxamed Cali Shire

Email: Realmohamedone@gmail.com

Shireshow.blogspot.com