User:Somali National Army Radio
Snaradio waxaa agaasime ka ah Mudane Maxamed Muuse Maxamed Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ( Somali National Army Radio) waa idaacadd kuhadasha afka afarta ciidan ee Qaranka Soomaaliyeed 1- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeedn 2-Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed 3-Ciidanka Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee (Nisa) Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed. Waxaa la aasaasay sanadkii 1-da July 2014-kii ujeedada loo sameeyay ayaa ahayd isku xirka Ciidamadda Qalabka Sida iyo Shacabka Soomaaliyeed iyo inay qeyb kaqaadato ladagaalanka kooxda Argagixisada Al-shabaab. Dhamaan shaqaalaha kahowlgala Snaradio waa Wariyaal katirsan Ciidamadda Qalabka Sida ee Soomaaliyeed. Idaacadda waxeey ka koobantahay Fm-radio kasoo gala moowjada 90.7 MHZ waxeey kaloo idaacadda leedahay ciwaano dhinaca Baraha Bulshada (Social Media) Facebook Page snradio Twitter SNA Radio Instagram snaradio iyo Tiktok snaradio. Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida waxeey Ummadda Soomaaliyeed usoo bandhigtaa wararka kusaabsan howlgalada ciidanka xoogga dalka ay dalka kaga xoreeynayaan maleeshiyaadka Al-shabaab wariyaasha idaacadda gobolada dalka oo kasoo tabiya wararka ciidamadda iyagoo ciidanka uraaca furimaha dagaalka. Snaradio waxeey baahisaa barnaamijyo kahadlayaa taariikhda ciidamadda hormarkooda guulahooda iyo wacyigalinta bulshada sidoo kale waxay baahisa suugaan ubadan wadani iyo dersiyo diini ah sidookale waxeey soo bandhigtaa marka laqorayo askarta saraakiisha iyo saraakil xigeenada ciidamadda. Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida waxay noqotay idaacadd ay aad ujecelyihiin ciidamadda iyo shacabka soomaaliyeed hada waxeey jirsatay 7-sano inta badan madaxda qaranka soomaaliyeed sida Madaxweeynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Ra’iisulwasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya qaar kamid ah Golaha Wasiiradda iyo Taliyaasha Ciidamadda Qalabka Sida ayaa soo booqda xarunta Idaacadda oo kutaalo Wasaaradda Warfaafinta.