User:Suuley 1

Ka Wikipedia

Bashiir Cabdulqaadir Maxamed (Bashiir Suuley) wuxuu ku dhashay deegaanka Laanmadow ee gobolka Mudug sannadku markuu ahaa 1990, wuxuu barashada Quraanka iyo waxbarashada dugsiga hoose/dhexe ku soo qaatay Degmada Bursaalax, dugsiga sare na wuxuu uga baxay Gaalkacyo gaar ahaan dugsiga sare ee Cumar Samatar. Waxbarashada sare ee jaamacadda wuxuu ku qaatay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari asagoo dhammeeyey jaamacadda Muqdisho faraceedii Boosaaso ee Badda Cas loo beddelay oo uu ka bartay kulliyadda waxbrashada gaar ahaan Xisaab iyo Fiisigis oo uu dhammeeyey 2016. sidoo kale waxa uu shahaadada labaad ka diyaariyaa jaamacadda Amity ee dalka Inida oo uu ka barto MBA Sidoo kale Bashiir waxa uu hadda diyaariyaa heerka labaad ee jaamacadda waxa uuna MBA ka diyaariyaa Jaamacadda Amity ee dalka India. Bashiir Suuley wuxuu ka qeyb qaatay tababarro kala duwan, wuxuu sidoo kale bare ka soo noqday qaar ka mid ah dugsiyada sare ee ku yaalla magaalada Boosaaso. haddana waa bare ka tirsan jaamaacadaha Bariga Africa iyo Badda Cas faracyadooda magaalada Gaalkacyo. Dhanka qoraalka Bashiir wuxuu qoray maqaallo tiro ahaan gaaraya 30 maqaal oo intooda badani arrimaha bulshada quseeyaan, wuxuu si gaar ah dhallinyarada Soomaaliyeed uga wacyi galin jiray khatarta tahriibka iyo inay naftooda ku biimeeyaan marinno khatar badan. Buuggiisa qalin jabinta ee jaamacadda wuxuu kaga qoray isla mowduuca tahriibka asaga oo uga hadlay Saameynta Tahriibku ku yeeshay dugsiga sare ee Puntland (Effects Of Illegal Migration On Puntland Secondary Schools).