Jump to content

User:TanadeD5

Ka Wikipedia

Asalka Beelaha Ugu badan Somali Waxay Kasoo Farcameen Laba nin Oo La oranjiray Fir & Dir Oo Walaalo Ah, Kuwaasoo Gala Ilma Xaam Nabi Nuux, Halkaan Ka Baro Taariikhda (Tanaade ) Oo Dadka Qaar Samaale Ugu y(Hiil Aabaroone) Darod Oo Markale Loo yaqaan Hiil Abroone Waa Mid Kamid Ah Qoowmiyahada ugu faca wayn A




*Beesha Tanade Daarood Waa beel Kamid ah Beelwaynta 5 ta Daarood*' waana beeshii ugu badnayd Daarood iyo Qabaailka Somalida lkn waayuhu kala geeyeen lana rajaynayo ineey mar uun soo noqon doonaan awlaadii Tanade insha allah iyo Boqortooyadii xooga badnayd, Magaca ayaad kagaran kartaa Tanaade waa kii Tanaaday dad iyo duunyaba sidoo kale waxaa loo yaqiinay Samaan,Leh



1; Ma ogtahay? inay isku mid yihiin Magacyada Tanade, Tanaade, Samaan,leh Waa naynaasihii Awoowe Xuseen Daarood akhriso Macluumaadka.

Qabaailka Soomaaliyeed Ee Maanta jooga

Waa sadex Reer

1, Beesha Daarood Oo 100% 90 Ah.

2, Beelaha Gibil Cadka Ama Cad Cadka

3, Beesha Jareerwayne Cad cadka iyo Beesha Jareerwayne 100%10 Ayay Somali ka yihiin

2, Faahfaahinta Beelaha Daarood iyo sababta Kala Firdhisay Gaar Ahaan Qabaailkii Tanade ama samaan,leh Oo Si wayn ukala Irdhoobay Ogoow Taariikh iyo macluumaad badan Oo kaa qarsoonaa, akhriso Oo dhamayso Qoraalka Buugaan.

Samaan-leh oo ahaa kii samaha badnaa iyo Tanaade kii Tanaaday ama batay Dad iyo duunyo, Magaciisa Saxdaa Waa Xuseen Abdirahmaan; Ama (Xuseen Daarood) Magaca Samaan,leh Waa Mid kamid Ah Magacyadii Awoowe Tanaade Waana Magaca ilaa Maanta ay uyaqaanaan qabiiladii ku abtirsanayay ama uu dhalay Ee kala dhumay Qaarkood, Sida Magaca Hawiye Irir samaan-leh Dir irir samaan-leh Gardheere-samaan leh Inkastoo Meelaha Abtiriska Ay qabaailka qaarkood ka galinayaan Ay Wax is daba Marsanyihiin Xoogaa, Hadana Waa Magac Sax Ah Samaan,leh, Waana Mid Kamid Ah Magacyadii Awoowe Tanaade lkn cidkale ama oday kale ayeey ka dhigaan Qabiiladii Kasoo Jeeday Qaarkood balse waxaa xaqiiq ah dhamaan qabaailkaan in ay yihiin Reer Tanaade Oo lkn xifaaltanka Somalida dhexdeeda iyo markii boqortooyooyinkii Tanade jabeen isqarintii ay keentay taariikhdii oo la dhalan rogay Sidoo kale taariikhyahanka Reer Tanade Ee Taariikhda haya waliba sida saxdaa Ayaa aamisan Magaca samaan-leh marka laga yimaado xataa magaca Hiil-Aabaroone ee beelaha Samaan-leh Ama Tanaade la galiyo inuu yahay magac sax ah sida Aan Taariikhda aan hayno ay muujinayso waxaan qabnaa inuu yahay magaca sadexaad EE Awoow Daarood, Taas Ha qariibsanina Maanta ayaa la helayaa Qof ilaa sadex magac leh ama ka bada Dhanka DNA marka la eego Daarood waa dad hal aaba dhalay waana taariikhda saxdaa Ee Reer Tanaade ay hayaan in dadku wada dhasheen ahaayeen ilma Hiil abroon ama ilma daarood ayna ugu badnaayeen Reer Tanaade Ama Reer Samaan-leh Asalka Dambe aynu galaynu Nabi nuux waxaan nahay qowmiyada kushitig Ah.

3, Carabnimada Loo kala Cararyo Waxba kama jiraan Ee Qabiil Reer Daarood Ah ama Reer Hiil-Aaabaroone ayaad tihiin Oo kushitig ah

Carabnimada Loo kala cararayo i Taariikhaha Qaarkood mala awaalka ah iyo sheekooyin xariirooyin badan Oo Faafay Balse Been Ah waa dhacdooyin Kamida Waxyaabaha Burburka Ku keenay Wada Dhalashadii Guud Ahaan Reer Daarood iyo Gaar Ahaan Tii Reer Tanaade Carabnimadu waa Midaysan Waxba ka jirin Awoowe Daarood Ama Abdirahmaan Waxa uu Kasoo jeedaa Qabaailkii Reer Kush Ama kushitiga Ahaa Ee Markii Hore ka yimid dhanka ciraaq Soo maray dhulka Masar Kadib suudaan ilaa ay soo gaaraan Eleteriya Oo Markii Dambe Aan saldhiganay Dhulkeena Soomaaliyeed Hadaba Carabnimadu waxba kama jiraan Lkn Awlaadii Ama warasadii Daarood qaarkood ayaa Wadamada Carabta Qaarkood ku noolyihiin Dhalasha ahaan Waxaan kasoo jeednaa Xaam Ina Nabi (Nuux) CS sida Taariikhyahanka Reer Tanade ay hayaan.

4, DNA ama hida sidayaasha Beesha Leelkase hawiye Raaxanwayn Dir iyo ilma Daarood Ka kale kuli waa isku mid waana haplogroup isku mid ah Taasoo cadaynaysa Wada dhalashadeena.

Sidoo kale Sida DNA gu cadaynayo. Beelaha Hawiye Dir Raaxanwayn iyo Tanade Daaroodka hada Jooga Ee Leelkase Waa Hal DNA hida sidayaal la qaaday iskumid ayay ka yihiin 4 ilma Daarood Ee Soo Harta iyo Beelahaan Dhamaantood Waa isku dhiig wayna cadahay In Awoowe Daarood ay kasoo Jeedaan Taas Waxaa dheer Cadaymaha iyo Taariikhda Raadadka Bur burkii Reer Tanade Ee ay Reer Leelkase hayeen iyo Daaroodka Qaarkiis Oo Muda badan la qarinayay Lkn Hada Ayaa la shaacin Doonaa dhamaan insha allah.

Intaas Waxa Dheer Beelaha Maanta Sagaalka Samaale Dhamaan waxay ogyihiin in Leelkase Uu la dhashay, Qaar og sida saxdaa Ee Tanade Daarood iyo Samaan,le in Hal oday yahay, iyo Qaar Dhahaya Leelkase Waa ina Maxamed mayle samaale ayeey isugu jiraan Balse Xaqiidu Waa inay isku raacsanyihiin inay wada dhasheen. (Ood Qaadis iyo jiidis Waa guri Gayn,) Taariikhda Leelkase Hayo iyo Reer Tanade intooda kale Ama Dadka Samaanle iyo Tanade laba ukala haysta ay hayaan Waxaa Sax Noqon doonta tii cadayn iyo xaqiiq iyo Raad muuqda Wadata Balse Qabaailka Hawiye iyo Dir Way Ogyihiin in Leelkase La dhashay Ee sida ay udhigayaan Abtiriska iyo Taariikhda ayaa Wax is Daba Marsanyihiin.

beelaha Kala ah

Garre

Dabare

hubeer

Xawaadle

Gariire

Xariire

Iyo Beelo Badan Oo Raaxanwayn ah Way ogyihiin inay Tanade Daarood yihiin Oo Ay Tanade iyo Samaanle isku mid yihiin

5,Daarood baa doon soo raacay ama ku yimid markaasuu geed fuulay dir iyo hawiye ayaa uyimid isagoo geedkii saaran waa sheeka xariiro aan waxba ka jirin Oo waaqica iyo xaqiiqda hareer marsan iyo dacaayad raqiis ah oo Dad ay faafiyeen waana sheekooyin aad moodo in lagasoo min guuriyay maaweelooyinkii Caruurta Lagu Seexin jiray.

Sheekada dhahaysa Daarood Baa doon soo raacay oo hawiye iyo dir Buu dhulka ugu yimid waa sheeko xariiro Faaftay Oon Waxba ka jirin sidoo kale sheekada dhahaysa Hooyadii ilma Daarood ayeeydeen Doombiro ayaa Dir oday la dhaho Dhalay Oo ilma Daarood dhashay waa sheeko xariiro kale Oday dir ladhaho Maba jirin Ee Boqoradii Qabaailka Tanade Magacyadooda ayaa qaar waxaa kamid ahaa Boqor Dir Boqor irir waa laba boqor Oo kala hogaaminayay Boqortooyooyinkii Reer Boqor Yacquub Hawiye Oo ya hor kacayeen Curadadooda Karanle iyo Boqortooyadii akishe Oo Magac Boqor Dir Uu ahaa mid kamid ahaa Ragii Hogaaminayay Boqortoooyadaii Akishe Xaga Factiriska iyo Taariikha qabaalika hawiye iyo dir Way ka factiris iyo wakhti dambeeyaan Awoowe Daarood Oo Dadka qaar Ay maanta ka tirsadaan ama ugu tagaan ilaa 36 37 38 39 oday Halka qabaailka dir iyo hawiye inoota ugu badan laga socdo 30 ilaa 31 dadka ugu factiris dheer Isku xili Xataa Maahan Awoowe Daarod Iyo Awlaada Ka Farcantay Qabiilka Leelkase hadadan La joogo Waxaa laga helayaa Dad Abtiriska Awoow Tanade ugu tagaya Ilaa 35 36 37 38 oday Taasoo ku tusaysa Facwaynaanta Qabaailka Tanade iyo Reer Daarood Waxaan Taariikhda ku haynaa in Ayeeyo Doombiro Ay kasoo jeeday qabaailka Kushitiga Gaar ahaan qaybahooda Sudaan Dagan Ilaa Maanta .

6, Qaabka ay ku dhisantay Boqortooyadii Reer Daarood Ee Tanade Hogaanka Uqabtay iyo Shirkii ilma Daarood kulankii uhoreeyay Ee Saldanada ay ku dhisteen


Hadaba Aynu idiin Faah faahino Sababta Wada dhalashadii iyo Jiritaankii Reer Tanade Oo Ahaa Qabaail xoog badan oo xadaarad fog leh Oo ilaa (1350) (kun iyo Sadex boqol iyo konton ) Sano mudo laga joogo soo bilaabatay aan idiin sheegno sababta bur burisay Ee Dadkaas Wada dhashay kala Irdhaysay,

Aan ku bilaalbo Tanade waxa uu dhalay in kabadan 25 wiil Lkn 23 ka mida ayaa si wayn Ufarcamay Oo qabiilo iyo qoysas badan noqday Hadaba 23 ka qabiil Ee Tanaade Ee Magacyadoodu soo socdaan Intooda badan Boqortooyooyin ayeey lahaayeen kuwaasoo Somalida usoo halgamay, door fiicana ka qaatay xoraynta dhulwaynaha Somali maanta dagantahay ee gumaystihii uu kala googooyay waxay la dirireen gaalo madoow xabashi iyo cadaan dhulka inta badan Reer Tanaade iyo walaalahoodi kale Ee Daarood ayaa ka xoreeyay cadawgii rabay inay qaataan kuwaasoo ay boqortooyooyinkoodi sida hawiye, akishe, ciise Garre, Booran, jaarso, Gure, saransoor, xariire dhamaan qabaailkaan waxay intoodi badnaa xuduudaha ilaa baabili siti dirirdawa moyale wajeer Mandeera iyo deegaano badan oo xuduudaha ah waxay udaganyihiin waa halgankii boqortooyooyinkii Tanade Daarood ay dhulka ku xoraynayeen Nasiib Daro Halgankaas Reer Tanade badan ayuu ku sababay inay ku milmaan Qoowmiyadaha Oromada & Canfarta sida caruusada Oo Ay Reer Tanade ka buuxaan Booran Oo Reer Tanade ah Jaarso Oo Reer Tanade Ah kaariye Karanle hawiye Oo Reer Tanade ah Canfar laftigeeda Qayb dhan baa Tanade ah Ilaa Eleltariya ayeey Reer Tanade Maanta Daganyihiin Oo Qowmiyada Saho Waa Reer Tanade Barigii hore Gobalka bari ayay ka tageen Awdal ayeey sii mareen Ilaa ay aakhir noqdeen Umad qaarkood isu haystaan inay yihiin Qowmiyad kushitig ah Oo la siman Somali, Canfar, oromo, Lkn Qaarkood waa ogyihiin inay asalka Fog ay somali yihiin.



  • Hadaba saan soo sheegnay Tanaade Magaciisa saxdaa Waa xuseen= (Tanade) waa naynaas .Tanade waxa uu dhalay in kabadan 25 Wiil Balse 23 wiil oo kamid ah ayaa macruuf ah ama maqacyadooda lahayaa kuwaasoo kala ah.
  • 1.Boqor Masadaan Boqor Tanade Curadkii ilma Tanade
  • 2.Boqor Yacquub/ Boqor Tanade Waa Aabah Boqor Hawiye
  • 3. Boqor Ciise BoqorTanade
  • 4. Boqor Samaa´roone Boqor Tanade
  • 5. Boqor Garwayne / Ama Gardheere Boqor Tanade
  • 6. Boqor juus Boqor Tanade
  • 7.Boqor suxuur Boqor Tanade
  • 8. Boqor cabdi Boqor Tanade / Jaarso
  • 9. Boqor Miinle Boqor Tanade Oo inta badan Beelaha Raaxanwayn ka farcameen
  • 10.Boqor diinleh Boqor Tanade
  • 11.Boqor Xariir´le Boqor Tanade
  • 12.Boqor Dirir Boqor Tanade
  • 13.Boqor sulaybaan Boqor Tanade
  • 14 Boqor.Xila-diide Boqor Tanade
  • 15 Boqor Faatx Boqor Tanade

* 16. Boqor Daa´uud Boqor Tanade Oo ay ka farcantay Beelwaynta Ujuuraan iyo beela kale

*17. Boqor Madaxwayn Boqor Tanade

* 18 Boqor Waaq-Jecle Boqor Tanade

*19; Boqor Waaq-Raace Boqor Tanade

* 20 Boqor Diirshe Boqor Tanade

* "21; Boqor Waa´suge Boqor Tanade

22; Boqor Hoobaale Boqor Tanade

23; Boqor Ciil-Tire Boqor Tanade

Sheikh Xuseen Sh Cabdiraxmaan Ama Awoowe sh (Tanade Daarood) waxaa udhaxay Ama Uu qabay Afar Xaas Oo kala ahaa

1; tamaya Qaasim Madaani

2; Arafa Surkaati Qadaal

3; Randa jacfar Haaruun

4; Sahra Khaliil Mohamed

Gabdhaha Awoowe Tanaade Uu qabay Taariikhdu waxay sheegaysaa in ay kasoo Jeedeen qabaailka Suudaan Dagan ilaa yaman Maxaa Yeelay Awoowe Tanade Wuxuu Ahaa Sheikh Hanti Badan Oo Xadaarad leh Safaro Badan iyo Socod ku galaan bixin jiray ilaa suudaan yaman ilaa sacuudi Sida Taariikhda aan ka awoow ka awoow ku helnay Dadkii Taariikhda Kaydinayay Sida Aan kasoo xiganay wax yar gudahood buu Dad iyo Duunyo Ku bulaalay Ama uu Ku batay Wuu Tanaaday Oo Magacii Tanaade ayaa Eebe U rumeeyay Sheikhu sida ay taariikhda xusayso Caruurtiisa Ilaa 36 ayaa la gaarsiiyaa Hanti Badana Waa haysteen, Waa Sirta ka Dambaysay Boqortooya´nimadii Awoowe Tanade Daarood uu uqabtay Dhamaan Reer Daarood iyo Sababtii ay Xitaa wiilashiisa Boqoro Unoqdeen Waayo ayaga ayaa Ahaa Ilma Boqor Tanade Waxyaabaha Uu Boqortooyada Unoqday waa in uu ugu awlaad badnaa uguna hanti badnaa 5 tii Wiil Ee ilma Daarood Ee Kala ahaa

1, Xasan Sade Daarood

2, Xuseen Tanaade Daarood

3, Maxamed Kablalax Daarood

4, Yusuf Awrtable Daarood

5, Ciise Daarood

Sidee Biloowgii uhoreeyay Boqortooyadii Daarood Ee Tanade hogaaminyay Ku dhismatay, Maalin Maalamaha ilaahay kamid ah waxaa la sheegaa 5 tii wiil Ee ilma Daarood in gobalka Bari isugu yimaadeen iyagoo dhamaantood Xaasas iyo Awlaad Leh Oo Qoysas Ka kooban Waxay ka shireen Maadaama ay xoogaa bateen inay saldanad iyo hogaan dhistaan Nin waliba Oo ina Daarood ah asagaa isla Rabay Lkn Awoowe Tanade ayaa walaalihiisi kale Ee 4 ta ahaa ka codsaday in saldanada Boqortooyada iyo hogaaminta ilma Daarood asaga loo daayo 2 arin dartood Hadii Uu Col iyo Cadaw imaado Asagaa ugu ciidan iyo Rag badan Reer Daarood Difaaci Doona Hadii Cuud iyo Xoolo loo baahdo isagaa Ugu Xoola iyo Hanti badan 2 daas codsi buu walaalihiis ka codsaday Markaas Daarood 4 wiil Ee kale min hal xaas ayaa lasheegaa inay udhaxday Caruura Badana Ma dhalin Oo 2 wiil ama sadex ilaa 4 baa kan ubadan ujoogtay Tusaale sade daarood waxaa ka farcamay wiilashiisi Mareexaan, iyo Faceeye, Kablalax waxaa ka farcamay Koombe iyo kuumade, Lkn Tanade 23 wiil baa kuligood ay farcameen Intooda badan waa somalida maanta joogta Halka Qaarkood ay ku jiraan ilaa oromada, canfarta, Elatariya, Ciraaq, xataa qabaail Reer Tanade, Ah ayaa jira ilaa Pakistan dagan Oo ku dhex jira Qowmiyada Pashtun, Waxaa Kaloo jira qabaailo Reer Tanade ah Sida Beesha Garre Oo Maanta ku nool Wadamada Chad, Libiya, Sudan, Ruwanda, iyo Niger iyo Eleteriya Kuwaasoo Badankood kasoo jeedaan Beesha Garre iyo Beelo kale Oo Reer Tanade Ah.

Sida Taariikhda Ab kasoo Gaarkaa Ah Ee Tanade Iyo Daarood Ay sheegayso

Shucayb wuxuu ka farcamay masadaan tanade oon kor kusoo sheegnay Oo curadka ah

wuxuu dhalay *Astaan-nabi

*Astaan nabi wuxuu dhalay laba wiil wiil oo kala ah

*1: Karmaashe oo loo yaqaan korshe ama waradhaqo oo ah magaca loo yaqaan waxay dagaan Somali galbeed iyo Oromiya. waxay ku jiraan Walaalahood Jaarso Ama Cabdi Tanade

2: Muuse wacle

1 Reer Masadaan

Reer Masadaan Waa nimankii Boqortooyada tanade qaybteedi Bari, nugaal, doolo, sool, iyo sanaag, iyo togdheer, dhulka maanta loo yaqaan ka talinaysay hogaaminayay markii ugu dambaysay ay jabaysay markaasoo wixii ka danbeeyay qabiilada tanade kala carareen intoodii badnaa maadaama la ugaarsanayay oo La leeynayay

Qabiilka Tanade qaybtii xiligaa ugu awood badnayd waxaa lagu jabiyay buuraha gobalka bari ku yaala oo la dhaho la diid iyo lafa tanade ilaa hada lafihii iyo raadkii waa yaalaan sidoo kale goobaha lagu jabiyay waxaa kamid ah deegaano udhoow degmada caluula Ee Gobalka bari Deegaanka baliyo korshe Oo udhaxeeya ama ah meelaha ay iska galaan gobalada Sanaag iyo Bari deegaano udhoow Degmada aricadeeye Ee gobalka sool dooxada Khrashla iyo meela kale oo badan sida toga warla,hel Ee gobalka bari

taariikhda la jabiyay waa sanadka miilaadigu markuu ahaa 1053 kun konton iyo sadex waa 970 sanno ka hor waxaa jabiyay oo iskugu tagay

  • Gaala madoow oo xiligaa oromada loo yaqaanay xabashi Tigray iyo quruumo kale Oo cadaan iyo madoow ahaa
  • waxaa kaloo colka kusoo duulay kamid ahaa walaalahoodi kale Ee beesha daarood maxaa yeelay
  • boqortooyooyinkii Tanade kuli waxay ahayeen Boqortooyooyin xukun adag oo xukunkoodi dadkii soomaaliyeed Ee kale ay dhibsadeen Walaalihii kale Ee Reer Tanade Uma soo gurman intii Reer Masadaan dagaalka adag ku jireen maxaa yeelay boqortooyo kasta culays iyo dagaal ayaa ku socday Oo teeda ayay la tacaalaysay Xeerar Adag oo dhexdoodaa ma jirin xurgufyo yar yarna waa udhaxeeyeen Boqortooyooyinkii Tanade
  • qabiiladii Reer Masadaan Tanade Markii lajabiyay duruufta qaarkeed waxay kaliftay ineey kala dhuuntaan si ay isku qariyaan iyagoo noqday qaar isqariya ilaa wakhtiya dhoow oo daaroodki lasii joogay iyo qaar magacyadii ay haysteen abtirsiinta kala badaly, xitaa dagaalka wuxuu saameeyay boqortooyooyinkii Tanade Ee Kale Oo laftigoodu magacii Tanade Kawada Ee caanka ahaa hoos udhigay sida beelaha magacyadooda aan hoos ku xusayno Oo isqarintii ay keentay
  • in beelo kala gadisan Oo reer tanade ah Oo walaalo ah ay qaataad Magaca Dir iyagoo ka dhigaya aabahood
  • Qabaailkii Hawiye oo isna boqortooyadiisi ilaa baabili oo hawiye uu ku aasanyhay ka talinaysay curadadii karanle ilaa hada intoodii badnaydna ku maqanyihiin ayaa asna walaalihiisi Reer Tanade Ee dir Ee isqariyay bahwadaag dhoow la noqday.
  • Digil iyo mirifle waa beeshan oo sooca ah dad kaloo yar waa ku jiri karaan lkn abtirsiintoodu sida hada ay tahay sax maahan Raaxanwayn Waa beelo kala gadisan Oo Reer tanade ah waxaase Ugu badan Miinle Tanade
  • isqarinta waxaa qayb ka ahaa in lagu abtirsado oaday samaale la dhaho iyadoo magaca lagasoo min guuriyay Magacii Samaan-leh Oo micnihiisa la badalay oo ah magac kamid ah magacyadii sheikh Tanaade Ama sh xuseen Oo loo yaqaanay Samaan-leh
  • sida walaalihii Reer Tanade ay magaca samaanle u adeegsadaan waa sidan soo socota .
  • Sida Garwayne ama gardheere samaanleh
  • xariir samaanleh oo Deegaanka somalida ku dhaqan
  • xawaadle oo asna wata magaca samaanleh
  • hubeer oo wadata magaca samaanle
  • dabare oo wata magaca samaanleh
  • gariire oo wata magaca samaanleh
  • iyo hawiye iyo qayba kamid ah reer tanade iyo waliba qaybo reer masadaan ah Oo qaatay magaca
  • irir samaanleh


ha sii socoto faah faahintu

Muuse wacle

Muuse wacle waxaa ka farcamay ilma maxamed sakad iyo ilma maxamed waaq-roone oo ah wiil iyo Adeerkiis



Maxamed sakad waa aabaha Reer sheikh Maxamed Oo kala ah

  • 1: Maataay Dhure Maxamed Sakad
  • 2: Bii.maal Maxamed sakad
  • 3: isaaq Maxamed sakad
  • 4: Garre Maxamed Sakad
  • 5: Xawaadle Maxamed sakad
  • 6: Surre Maxamed sakad
  • 7: Leelkase maxamed sakad
  • 8: irdho Maxamed sakad
  • 9: Geledi Maxamed sakad
  • 10: Baaja-maal Maxamed sakad
  • 11: jiidu Maxamed sakad
  • 12: dabruuwe maxamed sakad
  • 13: hubeer maxamed sakad



2; Boqor Yacquub Tanaade Ama Hawiye Tanaade Ama Hawiye Samaan,Leh Boqortooyadoodu xoogeeda waxay ka talinaysay baabili iyo hareeraheeda iyo qaybo kamid ah koonfurta somalia Beesha Hawiye Sida soo socota ayay ukala baxaan

  • Boqor Hawiye
    • karanle
        • Gidir
        • sexowle
        • murusade
        • kaariye
    • Gugundhabe
      • Baadicade
      • Jijeele
        • Reer Faqay
    • Gorgate
  • Maxamuud
      • Hiraab
        • Mudulood
          • Abgaal
            • Maxamuud Hiraab
              • Angonyar
              • Abokor
            • Wabudhan
              • Da'oud
              • Rer Mattan
              • Mohamed Muse
            • Wa'esli
          • Wacdaan
          • Moobleen
          • Ujajeen
        • Duduble
        • Habar Gidir
          • Sacad
          • Saleebaan
          • Cayr
          • Saruur

3 sadex Gardheere Samaan,Leh ama AMa *Garwayne Tanaade* Boqortooyooyinkii Garwayne Tanaade Ee Reer Saransoor Ee Dagoodi ay hogaaminayeen Qaybo kamida dhulka NFD maanta loo yaqaan EE ingiriiskii ay kenya raacsheen Iyo qaybo kamid ah Deegaanka somali Galbeed Ee guamaystihii Ethopiaya ku daray ayeey ka talinayeen

waxaa ka farcamay qabiilada soo socda.

  • Garjante
    • Riyaale
      • Mataan
        • Saransor
          • Gaalje'el
          • Degodia
          • Massare
          • isse
          • Coowramale



  • 4 Beelwaynta Boqor Ciise Waxaa xusid mudan in beeshu Laba jeer ka guurtay Gobalka Bari Oo waagii hore tanade xoogiisu daganaa ama ka fiday Sadexdii hortagtay iyo sadexdii kadaba tagtay weeye waa 6 da wiil Ee ilama Boqor Ciise Oo boqortooyo lahaa Reer ciise waxay dagi jireen deegaanka ceelaanyo Ee gobalka bari oo wiilasha ciise midkood loogu magac daray waxaa kaloo xusid ,muda in beeshu markii dambe Gobalka sitti sal dhigatay Waa Reer Ciise Tanade Oo halkaas axdigii Xeer ciise ku qorotay kadib mudo ay kala dhunsanaayeen si mardambe aysan ukala dhumin Beesha Eelaay Ee Raxanwaynta ku jirta inkastoo Raaxanwayn Oo dhan ay tahay qabaail kala duwan Oo Reer Tanade ah hadana asalak beesha Eelaay waa qayb kamid ah Eeleeye Oo magaca Eelaay Xarafkii E da dambe ayaa laga jaray Ciise Tanade Daarood wuxuu ukala baxaa sida soo socota.
    • Ceeleeye (Musse & Mamasan)
    • Walaldoon (Idleh & Youssouf)
    • Holle (Mahadle & Saaib)
    • Hooroone (Habar Walaal & Geele Walaal)
    • Uurwayne (Cabdelle & Siciid)
    • Wardiiq (Wakhtishiil & Rumawaaq)


5; beelwaynta Akisho waxay kamid ahay beelihii Reer Tanade Ee Beel waliba boqortooyada samaysatay waxayna beeshu Halgan ugu jirtay xoraynta dhulka maanta somalidu dagantahay waa sababta ay koonaha udagantahay ama galbeedka fog sida soo socota ayeey ukala baxa beelwaynta Akisho

  • Akisho
      • Miyo
        • Reer Warfaa
        • Reer Dalal
        • Reer Robleh
        • Reer Gadiid
        • Reer Hawadee
        • Reer Buuke
        • Reer Agal
    • Reer-Bito
    • Reer-Dayo
    • Reer-Luujo
        • Reer Geedi
        • Ali Idoora
        • Ali Libaan
        • Ali Ibrahim
      • -Reer-Ito
            • Ree Rooble
            • Ree cadaawe
            • Ree Tukale
            • Ree kibriidle
      • Kiyo
      • Reer Adeele
      • Reer Cadow
      • Reer Geele
      • Reer Allaale
      • Reer Xildiid
      • Reer-Heebaan (Curad Akisho)
      • -Reer-Kurto
    • Obo
      • Liban
        • Jire
          • Reer Biiqe
          • Rear Abayu
        • Warimani
      • Suubo
    • Igo
      • Reer Ismaacil
      • Reer Wadhowr
    • Asaabo
    • Gurre
        • Eejo


beelaha kale Taariikhdooda Oo faah faahsan waan idiin soo wadnaa naga suga walaalayaal

  1. huseen cabdiraxmaan ismaaciil jaberti ama sida kale
  1. Tanade Daarood ismaaciil jaberti