Jump to content

User talk:154.115.222.2

Page contents not supported in other languages.
Hadal ku dar
Ka Wikipedia

MaahMaah

MAAN QABOW MA MARANTIDEE IGA HANO MURTIDA

Saddex saddex lama heshiiso

  • Nin qosol badan iyo qoonsimaad badan
  • Nin quul jecel iyo nin aan u quudhin
  • Nin qab wayn iyo nin aan u qabin

Saddex buu raggu is dher yahay

  • Garashada waxa soo socda
  • Wax ka qabashada waxa jooga
  • Ka samridda waxa tegay

. Saddex baa la yidhi: ·         Lixdan jir lexojeclo ha la wadaagin; ·         Afartan jir ha la garramin; ·         labaatan jirna ha la legdemin.

. Saddex baa rag u liita; ·         Ma toshe, ·         Ma tashade   ·         Ma tashiishe

. Saddex Ilaah waa karaa, mase suurtowdo: ·         Ilaahow guursan maayee wiil i sii; ·         Ilaahow shaqaysan maayee xoolo i sii; ·         Ilaahow ku caabudi maayee jannada i gee.

. Saddex lama arag: ·         Marti nin ka yar, ·         Muddo maalin ka yar, ·         Salaad ragcad ka yar,

. Saddex lama raaco: ·         Ma horreeye, ·         Ma hambeeye ·         Ma haasawshe.

. Saddex looma adkeysto: ·         Gaajo guri og, ·         Gardarro garab og,

. Saddex markaan bartaan ka gaboobay: ·         Dab ollolintiis, ·         Carruur aamusinteed, ·         Awr carraabintiis.

. Saddex wer-werkay kugu kordhiyaan:

  • Faraska xun,
  • naagta xun
  • hoyga xun; haddana.

. Saddex col baa jira, ·         Col cad ,                  [colka cad waa biyaha] ·         Col cas,                   [colka casna waa dabka] ·         Col madaw, ,            [colka madawna waa dadka]

Saddex saddex loogama tago

  • Waad dad yar tahay dirir loogama tago
  • Duunyo ayaad ledahay deeq loogama tago
  • Waad da’wayn tahayna dumar loogama tago

. Saddex la lama dego, ·         doqon fiiro taqaan, ·         fulay daandaansi yaqaan ·         geesi damac yaqaan.

. saddexna la lama saaxiibo, ·         nin aan rabi aqoon, ·         nin aan rag aqoon ·         nin aan run aqoon.

Saddex baa rag u wanagsan

  • Nin tolkii u nacasa
  • Shiisheeyana u nacaba
  • Reerkiisana u naaga.

Saddex saddex kama dheregto

  • Ili daymo kama dheregto
  • Dhulna biyo kama dherego
  • Dhagona war kama dheregto.

Saddex dumar laguma qabo

  • Gasiin xumo
  • Gogal xumo
  • Galmo xumo

Saddex naagtaada kugu nacda

  • Hambo la’aan
  • Hammo la’aan
  • Hammi la’aan

Saddex saddex bay ka tagtaa

  • Roobku rays buu ka tagtaa
  • Raggu rayi buu ka tagtaa
  • Raaliyo haweena raas bay ka tagtaa


Saddex waligaa lama raaco

  • Rag ka faqaya
  • Rafiiq nimaad tihiin oo ku qadshay
  • Rag talo ka reebay

Saddex raga wuu ku cimri deg degga

  • Gogal xumo
  • Gasiin xumo
  • Carrab kulul

Saddex dadka kugu naca

  • Xishood la’aan
  • Xilo la’aan
  • Xoolo la’aan

Saddex tolkabaa kugu naca

  • Hiil la’an
  • Hoo la’aan
  • Hoy la’aan

Saddex saddex baa lagu kabaa

  • Aqalka oo ka yar ardaa ba lagu kabaa
  • Aqoontaada oo yar aamus ba lagu kabaa
  • Aduunkaaga oo yar iimaan ba lagu kabaa

Saddex saddexba lagu cadeeya

  • Hadal run ba lagu cadeeya
  • Ilko caday b alagu cadeeya
  • Mindi saawin ba lagu cadeeya

Saddex waa loo gudaa

  • Gabadh waa loo gudaa
  • Geedi waa loo gudaa
  • Ciyaar waa loo gudaa

Saddex saddex looma tilmaamo

  • Cuulimo cad looma tilmaamo
  • Carmal guur looma tilmaamo
  • Carrab lo’ad caws looma tilmaamo

Saddex waa la raacaa

  • Nin ka caqli badan
  • Nin ka cilmi badan
  • Nin ka cuud badan

Saddex saddex lagama dayo

  • Ragg shir lagama dayo
  • Dumar sheeko lagama dayo
  • Xoolana hees lagama dayo

Saddex wad ku degtaa

  • Guri barwaqo
  • Gaari naageed
  • Gar cadaaladeed

Taajirnimadu waa saddex

  • Cuud ka taajir
  • Caqli ka taajir
  • Cilmi ka taajir

Saddex ma nabadgasho

  • Nin madax la saaxiibay
  • Nin sun la waraabshay
  • Nin sirtiisa haween u sheegay

Dumarku waa saddex

  • Naag gogal wacan
  • Naag gasiin wacan
  • Naag galmo wacan

Saddex lama badsado

  • Fadhi xidid
  • Soor fagaare
  • Ficil sokeeye

Saddex ba horimar lagu gaadha

  • Hadal yar
  • Hawl badan
  • Hogaan wanagsan

Saddex ba dib u gocosho leh

  • Gabadh gayaankeed ku gacan saydhay
  • Gallad aad baran weyday
  • Garaad garasho waayay

Saddex baa suldaanka lagu eega

  • Garta
  • Guntiga
  • Gacanta

Saddex dumarku way neceb yihiin

  • Aamuska
  • Kelinimada
  • La xisabtanka

Saddex bay naagi kugu disha

  • Dhal la’aan
  • Dhaqaale xumo
  • Dhego adayg

Saddex nin midna la lama haasawe tago

  • Nin ka qurux badan
  • Nin ka hadal badan
  • Nin ka dheereeya

Saddex waa lagu jabaa

  • Jaar xun
  • Jikaar waalid
  • Jacayl aan lagula ogayn

Saddex daacad ha-moodin

  • Dagaal ooge qabiil
  • Deeq shiisheeye
  • Dumar dhoole cadayntood

Saddex ayaa dumarka ugu fiican

  • Hambo kugu celisa
  • Hadal kaa maqla
  • Hanti kuu dhaqa

Saddex reer ma tarmaan

  • Reer habaar waalid qaba
  • Reer dhiig qarsoon qaba
  • Reer timo dheer u taliso

Saddex dumarku kuma wanagsan

  • Fudayd
  • Feejig la’aan
  • Fadhi weyni

Saddex daymo badanaa

  • Nin walaashii doqon tahay
  • Nin dameer safar u diray
  • Nin yar oo dakano galay

Saddex ilaahay ba laga magan gala

  • Guluf dagaal oon tol badan lahayn
  • Gabadh aan xishood lahayn
  • Geeri aan ubad lahayn

Saddex looma dhawaado

  • Dharaarin sabool
  • Dhuuni nin buka
  • Dhaxdin reer xun

Saddex ba madaxnimo ka qaada

  • Guddoon jilicsan
  • Gar weecsan
  • Gacan gudhan

Saddex lama arag

  • Bakeyle talaabsanaya
  • Badhi ciyi ah
  • Balaayo laba qad ah

Saddex laguma galo

  • Bilaad aan boqor lahayn
  • Ban aan faras lahayn
  • Barqo aan caano lahayn

Saddex lama dago

  • Wado lama dago
  • Geed wahdiya lama seexdo
  • War la hayana lama dhaafo

Saddex saddex loogama maarmo

  • Oday arrin loogama maarmo
  • Aqalna afaaf loogama maarmo
  • Ubadna deeq loogama maarmo

Saddex waa laga tagaa

  • Tub aan ceel hayayn
  • Taran aan wiilal lahayn
  • Talo aan caadil lahayn


Saddex waa laga ducaytaa

  • Talo aan tawfiiq lahayn
  • Taws aan ka bogsi lahayn
  • Tigaad aan biyo lahayn

Saddex waa lagu tarmaa

  • Hoo waalid
  • Hayn cibaado
  • Hagar la’aan tol

Saddex waa xarago adduunyo

  • Qabiil wanagsani
  • Hadal karnimo
  • Hanti badni

Inkaarta dadku waa saddex

  • Af-ku leeble
  • Il-ku leeble
  • Uur ku leeble

Saddex waa lagu hoogaa

  • Ka tagid cibaado
  • Ku tumasho waalid
  • Ka tegid sokeeye

Saddex laguma deg-dego

  • Masalo guur
  • Maqrib roobabow
  • Madi dhaxalkii

Saddex kama hadho

  • Nabsi kama hadho
  • Nasiib kama hadho
  • Nasab kama hadoho

Saddex ba aabaha laga dhaxlaa

  • Magaciisa
  • Maalkiisa
  • Murtidiisa

Taladu waa saddex

  • Mar aad gaadhi weydiid
  • Mar ay kula gudboon tahay
  • Mar aad garan eydiid

Saddax waa lagu xamdiyaa

  • Cafimaad qab
  • Cimri dheeri
  • Cuud xalaala

Nin saddex buu nin u yahay

  • Nin naagtiisuu nin u yahay
  • Ninna afkiisa u nin yahay
  • Ninna maalkiisu yahay

Saddex weligaa haysku deyin

  • Labaatan jir la oradkii
  • Afartan jir lagdankii
  • Lixdan jir la gartankii

Saddex rajo male

  • Caalin xishood lagu waaniyey
  • Ciroole cibaado lagu waaniyey
  • Cadrad xishood lagu waaniyey
  •  

Saddex haysku dayin, saddexna haba ku darin, saddex haw daymo la’aan. ·         Socod haysku dayin ·         Mid habeenimona haba ku darin ·         Dantaadu meeshay ku jirtana haw daymo la’aan

·         Dagaal ha’isku dayin ·         Mid sokeeyana haba ku darin ·         Jihaadna haw daymo la’aan

·         Dumar haysku dayin ·         Habarna haba ku darin ·         Inan yarna haw daymo la’aan

Saddex waa gar, saddexna waa gardarro, saddexna waa galabsigeed. ·         Reerku ha guuro waa gar ·         Sahan la’aan inuu guuraana waa gardarro ·         Guri xun inuu degaana waa galabsigeed

·         In tolkaa wax ku siiyaa waa gar ·         Nin bakhayl ah barina waa gardarro ·         Inuu ku qadiyaana waa galabsigeed

·         Gabadh halagu weydiisto waa gar ·         Gayaankeed inaad u diidaana waa gardarro ·         Inay kugu guumowdaana waa galabsigeed

Saddex waa mugdi, saddex waa u miciin, saddex baa ka macaan, saddexna waxba uga dan ma’aha. ·         Abaar waa mugdi ·         Caws waa u miciin ·         Doog baa ka macaan ·         Nimaan xoolo lahayna waxba uga dan ma’aha.

·         Colaadi waa mugdi ·         Ergo waa u miciin ·         Nabad baa ka macaan ·         Nin dhintayna waxba uga dan ma’aha.

·         Habeen waa mugdi ·         Caddo waa u miciin ·         Maalin baa ka macaan ·         Indhoolana waxba uga dan ma’aha.

Welcome to this talk page

Start a discussion

Kani waa bogga wada hadalka ee isticmaalaha qarsoon ee aan wali akoon abuurin, ama aan isticmaalin Sidaa darteed waa inaan isticmaalnaa cinwaanka IP nambarada si loo aqoonsado. Cinwaanka IP-ga noocaas ah waxaa wadaagi kara dhowr isticmaale. Haddii aad tahay isticmaale qarsoon oo aad dareemeesid in faallooyinka aan muhiimka ahayn adiga laguula taliyay, fadlan abuur akoon ama Soo gal si looga fogaado jahwareerka mustaqbalka lala galo isticmaaleyaasha kale ee aan lagaran.