User talk:Banaadiri

Page contents not supported in other languages.
Ka Wikipedia

== BaaMukhtar آل با مختار Waa Qabiil ka mid ah Qabaa'ilada degan deegaanka Hadramout ee dalka Yemen,Baamukhtar wuxuu degaa Hadramout Magaalada Shihr iyo Tarim,BaaMukhtar wuxuu ka mid yahay Qabiilada aadka looga ciseeyo dhulkaas Hadramout sababtoo ah waa dad ku abtirsado Imaamkii weynaa ee Imaam Al Muhajir Imaam Ahmed Bin Issa Alle ha u naxariisto. Qarnigii 9aad waxa ka dhacay Yemen dhulkaasi Hadramout Dagaal qabiili ah oo siyaasadeed waxana qaxay dhamaan dadkii deganaa deegaankaas,ayagoo u kala qaxay Afrika,jamacatul Carab iyo Asia.Baamukhtar dad ka mid ah ayaa usoo xaqay dhulka Afrika ee Xabashida waxana la kala oran jirey Abuubakar Baamukhtar,Maxamed Baamukhtar iyo Abdula Baamukhtar.waxay degeen dhulkan si ay uGu nabad helaan waxana u suuro gashay Maxamed iyo Abubakar Baamukhtar inay usi gudbaan Dhulka Somalia oo waqtigaa ahaa dhul ay ka jirtay Xadaarad ganacsi,halka Abdalla Baamukhtar uu degay dhulkaasi Xabashida oo ilaa hada ay faracaasi joogaan dhulka Eritrea iyo Jabuuti.Maxamed Baamukhtar wuxuu degay Xamar gaar ahaan Xeebaha Shangani iyo Xamarweyne oo ilaa Maanta ay degan yihiin.Abubakar Baamukhtar ayaa asagana degay Magaalada Marko ee shabeelada hoose gaar ahaan xaafada Aabaale iyo Rusiya oo ay ilaa manta yihiin dadka u badan ee deegaan degan.Baamukhtar waa qabiil ku caan ah xirfada Bada iyo sameynta Doomaha waaweyn ee waqtigii hore iskaga goshi jirey xeebaha Indian Ocean.Dadkana oo xirfadas bada ku caan ahaa ayaa waxay ku soo kordhiyeen deeganadi ay degeen inay helaan doomo waaweyn oo ay sameyn jireen kuwaas oo u kala goosha dalalka Carabta iyo India.Doomahaas oo qaadi jirey dharka Aliindiga iyo Canbarta iyo waxyaabo badan oo ay dadka Banaadiriga Caan ku yihiin.Qabiilka Baamukhtar oo manta loo yaqaan Reer Macow ayaa ka mid ah beelaha Banaadiriga. Reer Macow Baamukhtar waxay deegaanada Xamar iyo Marko kusoo kordhiyeen waayo aragnimo iyo in uu kor u kaco ganacsigii Somalidii deganeyd deeganada Konfurta.Beeshan Baamukhtar waxay ahaayeen dadkii maamuli jiray dhamaan Xeebaha Konfurta Somalia Xamar ilaa warshiiq iyo Magalaada Marko Cadeey ayagoo xiriir walaaltinimo la leh beelaha somaliyeed ee deeganadas deganaa. Dadka ugu caansan qabiilka baa muqtaar waa reer loo yaqaano Reer barqash maye oo dagan magaalada marko xaafada sh.caafil

BaaMukhtar[wax ka badal xogta]

Beesha BaaMukhtar oo ah Beel Taariikh fog ku leh deeganada Banaadir iyo Shabeelada Hoose ayaa waxa la sheegaa inay taariikh ahaan soo galeen carada Somaliya Qarnigii 10aad,qaar kalena waxay sheegaan inay soo galeen waqtigii Saldanada Ajuuraan ay ka talin jirtay dhulkan Somalia.Si kastaba ha ahaatee waxan shaki ku jirin in Beesha BaaMukhtar tahay beelahii Banaadiriga uGu horeeyey ee dagay Xamar.Beesha BaaMukhtar waxay xiriir wanaagsan la sameysatay iyo mid walaaltinimo Somalidii kale ee deris wadaaga ahaayeen.Beesha BaaMukhtar Deeganada ay deganaayeen ee Shangaani iyo Xamarweyne waxay Caan ku ahaayeen Talo wadaaga Soo dhaweynta iyo Horumarinta Deegaankas.Beesha BaaMukhtar waxay kaloo xiriir la laheed beelaha kale ee aan Banaadiriga eheen ee ayagana degan dhulalka Xeebaha sida Beesha Majeerteen oo uu ka dhaxeen jiray xiriir Ganacsi.Beesha BaaMukhtar xiligaas waxa Oday dhaqameed u ahaa oo Hogaamin jiray Maxamed Abuukar Afrax oo ka dhaxlay aabahiis Abukar Afrax Maxamuud. Waqtigii Gumeystaha Talyaniga Soo Degay dhulka Konfurta Somaliya 1880 waxay Beesha Baamukhtar difaac xoogan ka gashay sidii ay ku ilaashan laheyd dhaqaalaheeda iyo Dekedii Xamar iyo Marko.Gumeystahii Talyaniga oo isku dayey inuu adeegsado xeelad uu dadka somaliyeed qabiil ahaan ku kala fogeynayo ayaa isku dayey inuu Beelahii kale ee deegaanka daganaa iyo Beesha BaaMukhtar iska horkeeno Taas uma suuro Galin oo Rag ka tirsan Beesha BaaMukhtar ayaa waxay sameyeen Urur Iskaashi ku saleysan oo ay ka koobnaayeen 4 beelood oo waqtigaa deegaan wadaag ay ahaayeen beeshan waxayna la baxeen Magac ay ku mideysan yihiin oo ah Reer Manyo( Marine)(آل بحري) .Gumeystaha Talyaniga oo arintan ka baxsan waayey ayaa markii danbe wuxuu heshiis la galay Beelahan una balan qaaday inuu Horumarin doono Dekeda ExFurdo ee ku taalay Xaafada Shangaani.Dhisitaanka degakada Ex Furdo ayaa waxay fursad weyn u noqotay Beelahan ku midoobay Iskaashiga Reer Maanyo in Ganacsigooda uu gaaro heer aad u sareeyo una sahlanaato Dhoofinta iyo dejinta xamuulka.Gumeystaha Talyaniga ayaa Beelahan wuxuu u sameyey sharciyo aqoonsi ID Card cadeynayo inay yihiin dadka Maamulo dekada ExFurdo, ID Card ayaa wuxuu ahaa Mid shaqsi walba dekadas ka shaqeeyo oo 4tan beelood ah la siiyo una saamaxayo inuu socon karo xiliyada qaarkood iyo inuu qaadan karo hub yar sida Mindi (JAMBIA) oo ay xiran jireen Beeshan Carbeed dhaqan ahaan iyo bistoladaha yaryar.

Beesha BAAMUKHTAR[wax ka badal xogta]

Beesha BaaMukhtar waxay laheed Oday dhaqameedyo ay ka amar qaadan jireen dhamaan dadka beeshan ku abtirsada.Oday dhaqameedyada soo Maray beeshan inta la xusuusto ayaa kala ah:

1=Maxamuud Aweys Idiris 2=Afrax Maxamuud Aweys 3=Abukar Afrax Maxamuud 4=Maxamed Abukar Afrax 5=Sheekh Maxamed Abukar 6=Xaaji Xuseen Xasan Maxamuud. Beeshan BaaMukhtar waxay ahaayeen beel ka muuqato magac iyo maamuusna ku leh deegaanka ay degan yihiin ee Shangani iyo Xamarweyne iyo C/casiis.