User talk:Bayaan Waddani

Page contents not supported in other languages.
Ka Wikipedia

Caqabadaha Heesta Dadka Soomaaliyeed[wax ka badal xogta]

somaliya waa dal ku taal geeska africa, darisna la'ah ethopia iyo kenya, soomaaliya waa dal muslim ah sunni ah, isku af ah, isku dhaqan ah, isku midab ah, is jacel, isku naxariista, balse hore waxaa loo yiri "horumar qof dad bey dhibeysaa", soomaaliya waxaa u tashaday caddow kaaso uu hor kacayo ethopia, caalamkuna ku eeganayaan caddowtinimadaas ethopia waxa ay somali u geysatay baab'a iyo qasaaro badan, naf iyo maalba leh, caalamkuna ku eeganayaan haddaan intaa kaga gudbo hordhacayga, aan u soo daadago dulucda qormadeyda sare ku xusan soomaaliya waxa haysta waxaa kow ka ah 1. ethopia oo rabta in ay gabi'ahaanba baabi'iso jiritaanka soomaaliya, sababtuna waxa ay tahay in ay la wareegto dhulka soomaaliya oo ah mid barwaaqeysan 2. beesha caalamka oo ay ugu horreeyaan UK, USA and UAE, oo gabi ahaantooda raba in aynan soomaaliya soo hana qaadin geeska africa, sababtu waxa weeye danahooda ayeysan ka dhax arag in loo fulinayo 3. soomaalida dhexdeeda, oo sababtu waxa weeye hogaamiye walba oo yimaado qabtana xilka hogaamineed in uu daba dhilif u noqdo una sacab tumo cadowga soomaaliyeed, hajirto sababo balse waa damiir xumo aan loo dul qaadan karin 4. soomaaliya oo marwalba raadisa wixii aan la isku raacin, halka ummadaha kale raadiyaan wixii lagu heshiiyay, guntii iyo gabagabadii waxaan kusoo afmeerayaa qoraalkeygan gaaban soomaaliyey dareen yeesha oo muujiyo waddaniyad dhab ah, aqoonyahannada soomaaliyedna waxaan leeyahay qoraalo ku saabsan asalka soomaaliya iyo taariikhdeeda diyaariya oo raadiya raadadka ummadi tarikhdeeda ayey wax ku tahay, iskana daaya wixii ay reer galbeedku inagu aqriyeen ee ah in soomaaliya asalkeeda lagu wareersan yahay ma "CArab baa mise waa Afrikan"?