User talk:Beeldaaje12345

Page contents not supported in other languages.
Ka Wikipedia
  1. Aarkii_Daboole & #Bilowgii_Hayaanka_Ummada_Ee_Qaaradda_Yurub.

" Aarkii Cadceed iyo cadceed laga cabsoonaayey Goortii la wada caageybaan, ceerigaw baxaye Beeshii ciqaabnaa hadday, caano dhamayaane Intuu cunay intii carartay baa, ka cabsi waallayde Calaydh maalintaan dhigay, dadkii inu cisaan sheegtay?

Ku sinnaan Qarnigii 19 aad, waxa geyiga Soomaaliyeed ku dhaqnaa Raxan Libaaxyo ah oo dad-qaadnimo ku astaysnaa. Summada layaan-nimo darteed libaaxyadani waxay kasbadeen magacyo ka gudbay waagaas min bari ilaa galbeed geyiga

Eebe ku uumay ummada Soomaaliyeed.
Aan ku xasuusiyee waxay ila tahay inaad inuun maqaalo ku weelaysatay Aarkii Daboole. oo ahaa libaax geesi oo dhan 

dhameeyay haa Haddaba, sida diwaan-taariikheedku suntayo,

waxa kaydka meertada nololeed ee ummada Soomaaliyeed soo martay ku duugan in Aarkii 

Daboole ahaa sababihii loo sibir-saarayey

bilowgii Hayaankii dheeraa ee qaybo badan oo bulshada ku dhaqan waqooyiga dhulka soomaliyeed 

ugu huleeleen Cariga Qaaradda Yurub, gaar ahaan dadkii ku dhaqnaa deeganada Calaydh iyo Ceelkii Xaraf.

Waxa sidan dhigaya kayd-taariikheedkan oo ay diwaankeeda haysay #Saldanadii_Guuleediya oo waagaas muddo qarniyo ah Caqli,
Cudud iyo Ciidan kaga arimin-jirtay Geyiga Soomaaliyeed.

Marka loo dhabo-galo Dhugashada kayd-taariikheedkan lagu sunti jiray Badweynta Suugaanta sida gabayga oo kale, waxa ay xaqiijinaysaa in Aarkii Daboole ee dad-qaadnimada ku astaysnaa ahaa sababtii bar bilowga u ahayd tahriibta. Wallow haddaba uu libaaxu yahay boqorka kaynta laguna majeerto geesinimo iyo awood aan la loodin, Dhanka kale waxa jira nin foolaad aan waxba

u ogeyn oo dubta sida ugaadha.

Xuseen Xasan Rooble wuxuu ahaa tiirarkii Saldanada Guuleediya ee waagaas, koobsadayna sifo kasta oo ina rag lagu majeerto caynad ay tahayba. sida gabayaa oo xataa ahaa ninkii ugu horeeyay ee ereyga sugaan u adeesada maansada soomalida suldaanka waqti ka ariminayay boqortooyada isaaq waxa naga soo gaadhay oo taariikhda xusaysaa inuu xuseen xasan isagoo amaanaya yidhi kun waa la diriraa kuna waa la deeq kun waa la dooda ilaa uu gaadho inuu 1000 nin ku masaalo

Nin karmeedkan oo summadaha dhacdooyinkiisa taariikheed aynaan halkan isku waydaarsankarin, wuxu ahaa ninkii xarago dilay ee birta ka aslay Aarkii Daboole 

ee dadka askaxooda jaray, cabsidiisuna geyiga cidlaysay. wuxuu ahaa nin lab u hiiliyay ummadii la noolayd cabsida iyo waliba geyigii dadkiisu ka haajirayeen. " Cidiyaha markaan ka guray, Cadownimaan sheegtay." - Xuseen Xasan