Jump to content

User talk:Deeq taraawiil deeq

Page contents not supported in other languages.
Hadal ku dar
Ka Wikipedia

halyeey cabdullaahi shiikh xasan

[wax ka badal xogta]

C/laahi sheekh xasan siyaasi qiimo weyn leh, kana turjumay rabitaanka iyo danaha dadkiisa iyo dalkiisa.


Faraska iyo dameerku waxay isku mid ka yihiin macaga gamaan, laakin waxay ku kala duwan yihiin waxtarka ,xoogga , quruxda , xawaarah oradka iyo tolmoonaata muuqaalka . Raguna waxa uu ka midaysan yahay magta iyo magaca , waxuuna is-dheer yahay k yahay : aqoonta, geesinimada , deeqsinimada, aftahamada iyo xilkasnimada .Sidaa si lamid ah ayey siyaasiyiintu wadaagaan magca siyaasi ayna is dheer yihiin :sumcada ,aqoonta , garashada iyo fahamka marxalda laggu jiro .


Siyaasiga da’yar C/laahi Sh Xasan waa xidig aqoontiisu wanaagsan tahay garashadiisana ay iftiin iyo muuqaal wanaagsan leedahay . C/laahi Sh Xasan waxa uu magaalada moqdisho ku leeyahay oo mu’asis ka yahay in badan todobo school oo isugu jira kuwa hoose dhexe iyo sare waxaa ka mid dugsiyada HOOSE DHEXE SH XASAN BARSAME one, IYO SH XASAN BARSAME two, DUGSIGAHOOSE DHEXE IYO SARE SH C/RAXMAN CELI IYO DUGSIGA MASCAB BIN CUMEYR sida muuqata waa nin kaliya ee siyaasiyiinta somalida sameeyey dugsiyo wax lagu baro ubadka somaliyeed taasoo marag madoonto ka dhigaysa in uu yahay shakhsi ka damqanaya dhibaatada dadkiisa iyo dalkiisa haysat , una gayfan oo u taxaytay wax-baridda ubadka somalyeed iyo ladagaalanka jahliga haysta jiilka soo koraya oo ay dagaaldu facoodi kala hareen .

C/laahi Sh Xasan waa wadani , wadaniyada iyo somlinida ku dhaarta , maraka la eego doodihiisa cadcad oo geesinimada iyo dhiiranaatu ka buuxdo, ugana soo horjeedo gumaysiga xabashida iyo tacbanayaashooda dowlad ku sheeg.
C/laahi SH XASAN waxaa ka mid ahaa gudigii hubka dhigista ee shirkii Eledoret iyo Mbagathi markii uu ogaaday hagardaamooyinkii iyo shir-qoolkii ay iska kaashanayeen itoobiya iyo tageerayaash madexweyne Yuusuf Yeey , ayuu shaaca ka qaaday qorshe iyo shax-dagaal oo moqdisho lagu doonayey in lagu soo weero oo ay wada jir u diyaariyeen Bad-meceeye iyo saraakiil itoobiyaan ah.

maxaa keenay in siyaasiga C/laahi Sh Xasan lagu xiro Garoowe ?

 Waa su’aal mudan in laga jawaabo sababta keentay in lagu garoowe  xiro siyaasi magac weyn leh bulshada somalida  kana mid ahaa wafdi caalami ah oo midawga Africa ay somaaliay usoo direen si usoo eegaan una soo indha-indheeyaan in dadka somaliyeed ay tagerayaan iyo in kale ciidamo nabad ilaalin ah oo Africa ka socdaa yimaadaan dalka somaliya .
 Wafdiga waxaa ka mid ahaa  rag Somali ah oo matalayey ama qeybsanaa habka beelaha somalidu ay baarlamanka ku qeybsadeen 4.5 ,  lagana soo xulay xubnihii gudida hubka dhigista ee shirkii mbagathi .
Markii wafdigu tagay gaalkacyo ayey lakulmeen dadka dagan W/gaalkacyo dabdeedan ay damceen in ay u gudbaan, sidii qorshahoodu ahaa K/gaalkacyo si ay u dhageystaan aragtida dadka K/mudug dagan , arintaas ayaa waxaa ay u cuntami weyday rag ka mida ahaa wafdiga gaar ahaan Ciid Badal  iyo Max’ed Cabdi Xaabsade oo asagu  ka mid ah maamulka puntland oo markii aragtidiisa u gudbiyey quburadii  AFRICA ee figradaha  dadka iyo maamulada ka jira somalia , aruurinaysay ayuu  Xaabsade diiday in wafdigu ay dhageystaan aragtida ay qabaan K/galkacyo , asagoo Xaabsade sheegtay in uu wakiil ka yahay , dhamaan  dadka gaalkacyo dagan waqooyi iyo koonfurba, sidaa dartedna  loo baahnayn wafdigu dhinca koonfurta  u gudbo .

C/laahi Sh Xasan ayaa Xaabsade ku yiri goormaad wakiil ka noqotay oo maalmulkaaga hoos keentay dadka K/gaalkacyo LABO Bil ka hor ayaa gaalkacyo iigu danbeysay waana kala qeybsanayde . ? Dood culus kadib oo waliba Xaabsade ku goodiyey in uusan wafdiga amaankooda mas’uul ka ahayn hadii ay K/gaalkacyo u gudbaan , ayaa wafdigu u gudbeen K/gaalkacyo lana kulmeen dadka deegaankaas dadkaas oo u sheegay aragtid ka duwan tii reer puntland u gudbiyeen, kana soo horjeed wax ciidan shisheeye ah ciida somaliya caga soo dhiga .

Maalin kadib markii uu wafdiga socdaalkiisu ku beegnaa Garoowe C/laahi Yuusuf Garoowe tagey ,  C/laahi yuusuf ayaa loo sheegay ,gaar ahaan  wiilka Ciid Badel la yiraahdo iyo Max’ed Xaabsade gaarsiinyeen aqbaartii shalay ka dhacay Gaalkacy.  

Isla markiiba ,amar ayuu C/laahi Yusuf ku Bixiyey in xabsiga loo taxaabo C/laahi Sh Xasan lagana reebay wafdigii uu uga mid noqday aqoontiisa iyo awood qeybsiga beeshiisa , waayo shanta beelood oo ay somaalidu wax ku qeybsatay beeshii xubin baa ku matalaysay socdaal wafdigaa .

C/laahi Sh Xasan waxaa halyey dhalin-yaro oo kulansaday aftahanimo , xigmad aqoon , geesinomo iyo  codkarnimo .

Hadaba waxa uu mudan yahay in loo hanbalyeeyo lagguna dhiiri galiyo halgankiisa dadaalka somalinimada ah ee muujiyey xili ay xaaladu adag tahay oo ay gumaysi-kalkaalyadu u haystaan in toodu hirgashay . Ttaariikhda ayaa xusin doonta kalana saari doonta ka dhuuntay ee fulayga ah markii xaaladu wanaagsan tahayna qeyl-dhaanta iyo onkodka guuxa ka baxaya , ilmuhu aysan ka seexan Karin iyo ka dhiiran oo libiqsan goor walab iyo walba oo lajoogo sida C/laahi Sh Xasan oo kale