User talk:Salah~sowiki
Hadal ku dar
Taariikh Nololeedkii {Sheekh Maxamuud Khaliil Al-Xusari oo kooban
Taariikh Nololeedkii Sh. Maxamuud Khaliil Al-Xusari oo kooban
Ilaahay ha u naxariisteee wuxuu ku dhashay 17kii Sebtember sanadkii 1917kii tuulo la yidhaahdo Shibra-Annamla oo ah xarunta Dandaa ee gobolka Galbeed ee Masar ,siddeed jirkiisii ayuu xafidka Quraanka Kariimka ah dhammeeyay, markaasuu intaa kaddibna galay Azharka oo uu u jeestay barshada culuumta Quraanka Kariimka ah maadaama uu lahaa cod fiican, waxaanu ku bartay tobanka akhrimood, halkaasoo uu ka qaaaday shahaado ah cilmiga akhrimaha,1944kii ayuu imtixaan u galay idaacadda halkaasoo uu kaalinta koowaad ka galay,kuna biiray akhriyayaashii idaacadda.
Sanadkii 1950 ayaa loo magacaabay inuu Masaajidka Al-Axmadi oo Danda ku yaala ka noqdo akhriye Quraan,sanadkii 1955kiina waxaa loo magacaabay akhriyaha Quraanka ee Masaajidka Al-Xusayni oo Qaahira ku yaala,sanadkii 1957kii ayaa loo magacaabay baadhe guddiga akhriyayaasha Masar, sanad kaddibna wuxuu noqday wakiilkeeda,sanadkii 1958kii ayuu shahaado takhasus ah oo ah culuunta tobanka hab akhrimeed ee waawayn ee Quraanka Kariimka ah iy dariiqyadooda iyo hababkooda ka qaatay Azharka Shariifka ah, sanadkii 1959kiina waxa ay guddiga culimada Azhar u magacaabeen inuu noqdo saxe iyo dib u eege Kutubta Quraanka Kariimka ah.
Sanadkii 1960kii ayuu socdaal ku tagay Pakistan iyo India, taasoo uu noqday qofkii ugu horreeyay ee loo diro muslimiinta wadamadaasi ku dhaqan, isagoo isla markaana shirkii Islaamka ee ugu horreeyay ee Hindiya ha dhacayna noqday sheekhii ugu horreeyay ee Quraan ka akhriya shirkaas. 1961kii ayaa wareegto madaxwayne loogu magacaabay inuu noqdo sheekha guud ee akhriyayaasha Masar, isla sanadkaasna waxa uu noqday sheekhii ugu horreeyay ee duuba Quraanka Muratalka ah ee warintii Xafsa uu Caasim ka soo wariyay, isagoo ay idaacadda muddo toban sanadood ah uu keligii ka bixi jiray codkiisu.1962kii ayaa noqday guddoomiye ku xigeenka guddiga sixitaanka Kitaabka Quraanka Kariimka ah ee Azharka sharafta leh, isagoo markii dambana guddoomiye u noqday guddigaasi, 1963kiina isagoo booqasho ku jooga Kuwayt ayuu helay Kutub ay Yuhuuddu badbadashay, halkaasoo uu uga digay dadka muslimiinta ah dhagaraha Yuhuuddu u maleegayso kitaabka Quraanka ah.Sanadkii 1964kiina wuxuu noqday sheekhii ugu horreeyay ee duuba Quraanka Muratalka ah ee warintii Warash uu Naafic ka wariyay.
Booqasho uu Faransiiska ku tagay sanadkii 1965kii ayay hortiisa ku muslimeen toban qof oo Faransiis ahi kaddib markii ay dhagaysteen Quraan akhrintiisa. 1966kii ayaa ururka akhriyayaasha Quraanka ee dunida Muslinku ugu magacaabay inuu guddoomiye u noqdo shirkii “Iqra” la baxay oo Karachi oo Pakistan ah ka dhacay.Sanadkii 1968kii wuxuu noqday sheekhii ugu horreeyay dhammaan dunida oo dhan ee duuba Quraanka Muratalka ah ee warintii Qaaluun iyo warintii Adduuri iyo warintii Al-Basri, sanad kaddibna wuxuu noqday sheekhii ugu horreeyay ee duuba Musxafka baraha ah oo ah hab wax bariseed.Socdaalo dara badan ayuu sheekhu ku sameeyay daafaha adduunka isagoo meel kasta oo uu tagana hortiisa ku muslimayay tobanaan qof oo diinta Islaamka soo galayay, waxaanu Quraanka Kariimka ah ka akhriyay goobo badan oo siyaasadaha caalamka lagu gorfeeyo sida xarunta Qaramada Midoobay oo sanadkii 1977kii ka akhriyay Quraanka codsi ka yimid wufuuddii muslimiinta ahaa darteed, waxaa kale oo ka akhriyay Quraanka Kariimka ah guriga boqortooyada Ingiriiska.
Baryihii noloshiisa ugu dambaysay waxa aad iskugu taxalujiyay inuu dhiso machadyo iyo Masaajido lagu barto xifdinta iyo culuumta Quraanka, waxaanu u dardaarmay saddex daloolow dalool xoolihiisa in wax looga qabto hawlaha samafaleed ee ka socday laba Masaajid oo uu Qaahira iyo Dandaa ka dhisay, iyo saddex machad oo kala ahaa mid hoose,dhexe iyo sare oo Azharku leeyahay, iyo labo xafiis iyo Quraan xifdinta qaabilsan oo ku yaalay labada Masaajid ee Qaahira iyo Dandaa uu ka dhisay, iyo caawinta iyo gacan qabashada ardayda Quraanka xafidaysa iyo macalimiintoodaba iyo wixii kale ee wajiyo khayr oo samafal ahba. Ilaahay naxariistii Janno ha ka waraabiyee waxa uu geeriyooday maalin Isniin ah 24kii November sanadkii 1980kii, kaddib markii uu ka baxay Salaaddii Cishaa’i. Ilaahayow qabriga u nuuroo u waasici.Aamiin….Aamiin……Aamiin.Italic text
Your account will be renamed
[wax ka badal xogta]Hello,
The developer team at Wikimedia is making some changes to how accounts work, as part of our on-going efforts to provide new and better tools for our users like cross-wiki notifications. These changes will mean you have the same account name everywhere. This will let us give you new features that will help you edit and discuss better, and allow more flexible user permissions for tools. One of the side-effects of this is that user accounts will now have to be unique across all 900 Wikimedia wikis. See the announcement for more information.
Unfortunately, your account clashes with another account also called Salah. To make sure that both of you can use all Wikimedia projects in future, we have reserved the name Salah~sowiki that only you will have. If you like it, you don't have to do anything. If you do not like it, you can pick out a different name. If you think you might own all of the accounts with this name and this message is in error, please visit Special:MergeAccount to check and attach all of your accounts to prevent them from being renamed.
Your account will still work as before, and you will be credited for all your edits made so far, but you will have to use the new account name when you log in.
Sorry for the inconvenience.
Yours,
Keegan Peterzell
Community Liaison, Wikimedia Foundation
08:16, 20 Maarso 2015 (UTC)
Renamed
[wax ka badal xogta]This account has been renamed as part of single-user login finalisation. If you own this account you can log in using your previous username and password for more information. If you do not like this account's new name, you can choose your own using this form after logging in: Special:GlobalRenameRequest. -- Keegan (WMF) (talk)
11:34, 19 Abriil 2015 (UTC)