Jump to content

User talk:Shukri Jaamac Diiriye (Taakulo)

Page contents not supported in other languages.
Hadal ku dar
Ka Wikipedia

EEEQA-BEERSI Dulmiga dunida ka jira waa mid qolo kasta ku dhaqmaan oo ay qaybteeda hore dhaxal ahan loo siiyay, soomaaliya marka lajoogo waxaa jira qabiilo la takooro, oo aysan jirin wax danbiya oo lagu haysto.

Maansadan EEQA_BEERSi: waxay ka hadlaysaa dulmigaas qayb ka mida, waxaan curiyay 1/10/2019 dhugasho milgaysan:

1. Adduunyadan aad arkayso 2. Arlaa’igan wada samaysan 3. Anfaacina uu dhex yaalo 4. Rabbaa abyeyoo adkeeyay 5. Aadami ku abuuray uunka 6. Islaamkana diin ka yeelay 7. Dulmiga uumiyuhu sameeyo 8. Ummad walba saamigeeda 9. Ayaa loo oogay qaybsi 10. Dadkatgoow uurxumaale 11. Aabiyo gardarada u heelan 12. Afyuun iyo geed kharaara 13. Tol iyo af-lahoratadiisa 14. Dhaqaniyo alabkoodu saasa 15. Agoon baan nahay agtiina 16. Arxaniyo dugaal ku haysan 17. Haddaad gobonimo adeecday 18. Ku faantoo aad adkaysay 19. Aburiyo doobi keentay 20. Afyaalnimo guudka saartay 21. Abaaldari maan filayne 22. Abtiris kala aabayeelka 23. Awoodaa kala saraynta 24. Anaaniyad goobxun jooga 25. Midkii go’ay aad irdhaysay 26. Ubbadkiis sumad u yeeshay 27. Gunna addinmaal kusheegtay 28. Qabkiyo aayaha naseegay 29. Aqoontiyo horumarkeeda 30. Gayaan iyo aqalgalkiisa 31. Arimo siyaasadeedka 32. Halgan u abqaadidiisa 33. Ilbaxnimadoo dhamaysa 34. Iridahaad naga dabooshay 35. Ardaalnimadaad samaysay 36. Andaqaadkaa noo sokeeya 37. Sharaftaad aawilaysid 38. Intuu ka imaan wanaagu 39. Kumaan amban eeri go’ane 40. Adduunyada qaali weeye 41. Addinmaalkuna ka sheega 42. Arliga ka sadcaalimayno 43. Waxaan sugaynaa iftiinka 44. Xaqaad aastaa dilaaci


Curiska: Shukri Taakulo Shukritaakulo2525@gmail.com

Start a discussion with Shukri Jaamac Diiriye (Taakulo)

Start a discussion