User talk:Xamse afrikan
Hadal ku darIslaamnimo
[wax ka badal xogta]Bulshayahay islaamnimo Ashahaad la qirayoo Allaheen raxmaan iyo Udgoonow rasuulkii Ku astaysan weeyaan Isla tiirka kaa xiga Salaad oogitaaniyo Sakadiyo arsaaqdoo Alleheen dartii iyo Miisaanka aakhiro Lagu sii unko weeyi Af-xidhnaanta soonkiyo Xajka oo la aadoo Adduunyo xalaaluun Loo astaysto weeyaan
Islaamnimadu waar hoy Af ladnaanshahaagiyo Addin suubanaantiyo Asturnaanta weeyaan Edebtiyo xishoodkiyo Asluubtiyo wanaagiyo Iimaanka weeyaan
Rasuulkii ilaahay Fal intuu abbaaruu Idilkeen na farayoo Isagaa hal-dooriyo Ummadeey tusaaleba La innooga dhigayoo Ardaydaydu barbaarshiyo Ilayskaa baxaayee Iftiinkiisu muuqdee Dacallada Adduunyada Laga arkaynu nahayoo Abidkeen nusqaaniyo Ma ogolin inaan dunno
Ka awow illaa ka awow Islaamnimo waa teenna Taan ku ababnay weeyi Diimaha asaasaqee kolba meelo uskagliyo kaniisado oriyaanna La astaanba maahoo karaamiyo udgoonbaa uduggeedu dheeryahay Qafaarka agtiisana Iyadaa la jecelyahay Irkashada muslinnimo Ninkastoo ku adagbaa Abaalmarinteedana Allaheennu siiyaaye Hooyaan uurkeeda Ifka ugala so baxnoo Abidkeen nusqaaniyo Ma ogolin inay dunto
Odhaahyada xumaantiyo Aflagaado tuurliyo Ereyada turxaanta le Haddii diin islaamkiyo Allihiyo rasuulkuun Ku abbaaro maangaab Qaladkiyo addoomaha Lama kala ilaashoo Allihii abuuraa Aayaad ku sheegee Isagaa xumaantiyo Ka nasahan gefoo idil Immisaatan goorbay Iinsaan gafaanuun Haka oodan dhegahoo Haka awdan maankoo Haku deynin eeddaase U ixsaan sameeyoo Ergadiisa hoy noqoo Astaqfurulla u meelmari Ashahaadna usoo qabo Islaamnimo kusoo celi
Ruuxii islaamnimo Asalkiisu yahayoow Allahaa karaamiyo Sharaf kuu idleeyoo Shukrigiyo abaalkiyo mahadnaqa addoonyohow Adigaa laguu diray Addimada wanaagiyo Ku aflixi samaantoo Haka oolin muslimnimo Aayadaha qur'aankiyo Axaadiista nebiguun Haka oomanaanine U aroor dhankoogoo muslimnimada ku adkaw
Xamse afrikan (talk) 09:18, 11 Nofeembar 2015 (UTC)