U bood nuxurka

Webiga Gamka

Laga soo xigtay Wikipedia, Insaykalobeedhiya xorta ah
Webiga Gamka
Gamkarivier
Webiga Gamka is located in South Africa
Webiga Gamka
Goobta uu ku yaal afka Webiga Olifants
Magac kale Gamkarivier
DalkaKoonfur Afrika
GobolkaWestern Cape
Baasin
Ilaha Ugu Muhiimsan1,400 m (4,600 ft)
Afka Wabiga516 m (1,693 ft)

Webiga Gamka (Af Afrikaans: Gamkarivier) waa webi ku yaal gobolka Western Cape, Koonfur Afrika. Magaca 'gamka' wuxuu ka dhigan yahay 'Libaax', waxaana suuragal ah inay saas u bixiyeen dadka San (Bushmen). Webigu wuxuu ka soo bilaawdaa waqooyiga Beaufort West, isagoo guud ahaan u qulqula dhanka koonfur-galbeed ee ku wajahan Biyo-xireenka Gamkapoort.

Laamaha ugu weyn ee Webiga Gamka waa Webiga Dwyka, Webiga Koekemoers iyo Webiga Leeuw kuwaas oo ka soo unkama Great Karoo, kuna kulma ka dibna u qulqula dhanka koonfureed iyagoo dhex mara Buuraha Swartberg. Webiga Olifants wuxuu kula biiraa Webiga Gamka koonfurta Calitzdorp. Markay isku darsamaan waxay noqdaan Webiga Gourits.[1]

Webiga Gamka wuxuu ka soo qulqulaa dhanka Waqooyi-Bari ee Biyo-xireenka Gamka halka Webiga Dwyka uu ka soo qulqulo dhanka Waqooyi-Galbeed. Labada webi waxay ku shubmaan Biyo-xireenka Gamka, halkaasna uu Webiga Gamka ka sii qulqulo dhanka koonfureed wuxuuna noqdaa Webiga Gourits marka uu joogo Calitzdorp, halkaas oo uu ag maro buuraha magaca la wadaaga ee Gamkaberg.

Biyo-xireennada ku yaal Webiga Gamka

[wax ka badal | wax ka badal xogta]