U bood nuxurka

Webiga Sierra Leone

Ka Wikipedia
Webiga Sierra Leone
Af-gudbada Webiga Sierra Leone
Khariidad
Baasin
Afka WabigaBadweynta Atlaantik
Magac rasmiga ahSierra Leone River Estuary
La magacaabay13 Diseembar 1999
Tixraac no.1014[1]

Webiga Sierra Leone waa af-gudbada webi ku yaal Badweynta Atlaantik dhanka galbeed ee Sierra Leone. Wuxuu ka samaysmaa Webiga Bankasoka iyo Webiga Rokel, ballaciisuna waa inta u dhaxaysa 4 ilaa 10 mayl (6–16 km) dhererkiisuna waa 25 mayl (40 km). Wuxuu leeyahay dekedaha waaweyn ee Queen Elizabeth II Quay iyo Pepel. Af-gudbadani sidoo kale waa muhiim xagga maraakiibta. Waa dekedda dabiiciga ah ee ugu weyn qaaradda Afrika. Jasiirado dhowr ah, oo ay ku jiraan Jasiiradda Tasso (tan ugu weyn), Jasiiradda Tombo, iyo Jasiiradda Bunce oo taariikh ahaan muhiim u ah, ayaa ku yaal af-gudbadka.[2]

Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Lungi

[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Webigu wuxuu kala qaybiyaa Freetown, oo ah caasimadda Sierra Leone, taas oo ku taal dhinaca koonfureed ee dekedda, iyo garoonka diyaaradaha ee dalka, Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Lungi, kaas oo ku yaal dhinaca waqooyi ee dekedda, aag la yiraahdo "Bullom Shore." Habka ugu weyn ee gaadiidka ee ka yimaada garoonka diyaaradaha ee loo tago Freetown waa doonyaha xawaaraha ku socda ama parry-ga (markab yar). Adeegyadii Hovercraft iyo diyaaradaha qumaatiga u kaca hadda ma shaqeeyaan.

2,950 square kilometres (1,140 sq mi) ee af-gudbada webiga Sierra Leone ayaa loo kala saaray dhul-qoyan oo caalami ahaan muhiim u ah Heshiiska Ramsar ee dhanka galbeed ee Sierra Leone.[3] Aaggu inta badan waa dhul-qoyan mangrove ah laakiin sidoo kale waxaa ku jira kaymo-qoyan oo biyo nadiif ah.[4] Goobta waxaa sidoo kale u magacaabay Aagga Shimbiraha ee Muhiimka ah (IBA) ururka BirdLife International sababtoo ah waxay taageertaa dad aad u tiro badan oo ah shimbiraha Eurasian oystercatcher, curlew sandpiper iyo hooded vulture.[5]

  1. "Sierra Leone River Estuary". Ramsar Sites Information Service. Retrieved 25 Abriil 2018.
  2. "Sierra Leone River" britannica.com
  3. UN Environment Programme World Conservation Monitoring Centre (2004), waxaa la helay 10 Noofambar 2007
  4. Ramsar, waxaa la helay 10 Noofambar 2007
  5. "Sierra Leone River Estuary". BirdLife Data Zone. BirdLife International. 2024. Retrieved 2024-11-06.