Jump to content

Weerarkii Qaahira hotel

Ka Wikipedia

Kooxda Al-Shabaab ayaa Weerar ku bilowday qaraxyo ku qaaday Hotel ku yaala magaalada Baladweyne ee Caasumadda gobolka Hiiraan, Hoteelka qaraxa iyo weerarka lagu ekeeyay ayaa lagu magacaabaa Hotel Qaahira, waxaana la sheegay iney daganayeen Odayaal dhaqameed iyo saraakiil ciidan oo waday abaabulka dagaal ka dhan ah Al-shabaabka oo ku sugan Galbeedka gobolka Hiiraan.[1]

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya qaraxa iyo weerarka isxigay ee wali ka socda Hotelka iyo nawaaxigiisa iney geysteen khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, in ka badan Toban qofood ayaa ku dhintay weerarada.[2]

Xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa wali ka dagaalamaya hotelka iyo nawaaxigiisa, waxaana la maqlayaa mararka qaar dhawaqa qaraxyo ay sameynayaan xubnaha kooxda.[3]

In ka badan 17 qof ayaa ku dhimatay weerarka oo ay ku jiraan lix kamid ah dableyda al-shabaab.[4]

  1. https://www.hiiraan.com/news/2025/Mar/wararka_maanta11-189587.htm?utm_source=hiiraan&utm_medium=WararkaMaantaFront
  2. https://www.voasomali.com/a/al-shabaab-oo-weeraray-hotel-ku-yaalla-beledweyne-/8006512.html
  3. https://www.voasomali.com/a/ciidamada-amniga-oo-soo-afjaray-weerarkii-al-shabaab-ee-hotel-qaahira/8007989.html
  4. https://www.voasomali.com/a/8006945.html