Wikipedia:Geedi ilmi/Bacaadka
Raaxoole waa degmo qadiimi ah oo ku taalla Koonfura Soomaaliya waxayna ka tirsan tahay gobolka Baay ee dhaca koonfurta Soomaaliya
Degmada Raaxoole Juquraafi ahaan waa degaan Istaraatiiji ah waxa uuna isku xiraaa magaalooyinka Diinsoor Saakow iyo Baardheere oo wada dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya.
Raaxoole dadkeedu waxay caan ku yihiin dhaqashada Xoolaha sida Geela Lo'da iyo ariga waxayna u badanyihiin Geela iyo ariga kuwaas oo qaarkood loo iibgeeyo wadamada Dibadda ah sida Kenya iyo Itoobiya.
Degmada Raaxoole Qabiilka degaan ahaan dagan waa beesha Cawramale ' 'Cismaan Ibraahim' ' oo ka mida beelaha Warsangali ee Daarood waxaana ay beeshu degaankan soo degtay muddo haatan laga joogo inka badan 600 oo Qarni ka dib markii ay beeshu kasoo guurtay degaankeedii oo ahaa gobol Sanaag sababo la xiriira colaad iyo abaare wakhtigaa jiray aawgeed hadana ku dhaqan gobollada Koonfurta Soomaaliya.
Degaankan waxa ka dhacay dagaal taariikhi ah oo u dhaxeeyay beesha Cawramale ee Warsangali iyo beelaha Raxanwayn gaar ahaan beesha Laysaan oo markaasi is mooday in iyadu ay degaanka leedahay maadaama degaanku ahaa baadiye aan cidi deganayn oo umada soomaaliyeed markaa ka dhaxeeyay, waxaana dagaalladan oo ahaa kuwa qaraar laga dheehan karaa Taariikhda fog ee degmada Raaxoole , ayaa hadana waxay socdeen Todobaadyo xiriir ah ilaa ugu dambayntii ay beesha Cawramale la wareegtay deegaanka oo markaasi ahaa dhul baadiye ah oo aysan cidi deganayn.
Degmada Raaxoole marka taariikh ahaan laga hadlayo waa degmo facwayn waxaana tan iyo markii la aasaasay 500 sano ka hor ay caan ku tahay Xoolaha iyo Beeraha oo ah nolosha aasaasiga ee bani'aadamka maadaama dadka deegaankan ay yihiin reer guuraa.
Raaxoole waxay magaalo ahaan hoos timaadaa magaalada Diinsoor ee gobolka Baay oo ay dhanka waqooyi bari kaga beegantahay 45/50 Km waxayna degmadani leedahay tuulooyin badan oo hoos yimaada.
Tuulooyinka hoos yimaada degmada Raaxoole
Buula-gaduud
Kurmaan
Buulabilay
Garasmakaay
Shoodaa
Sharab
Buula-farow
Dawacaalay
Dibkaa-feed
Karak
Oonleey
Labicaanow
Karoow
Jameecada
Buula-kashiid
Korkorka
=============================================
Wax soo saarka degmada Raaxoole
Degmada Raaxoole waxa uu ganacsigeedu ku tiirsan yahay wax soo saraka beeraha iyo xoolaha dalgyada la beerana waxaa ka mida Masagada [moordida] iyo sisinta iyo waxoogaa aan sidaa u badnayn oo Gallay ah, waxaana dalagyada kasoo go,a beeraha Raaxoole loo iibgeeyaa dhammaan magaalooyinka dalka sida Muqdisho iyo magaalooyin badan oo dalka ka tirsan.
=============================================
Waxbarashada Raaxoole
Magaalada waxa ku yaalla school hoose iyo dhexe oo ay wax ku bartaan bulshada deegaanka inkastoo uu Schoolkan u ubaahan yahay ballaarin iyo dib u dhis hadana waa sidaas oo ay tahay daraasaadka school ka si maalinle ah ayay u baxaan.