Wikipedia:Ma Ogtahay/Liiska/3
Appearance

- ... in Shaax (Sawirka) uu yahay cabitaanka labaad ee dunida ugu isticmaalka badan, kadib biyaha?
- ... in saxafiga Hugh Aynesworth uu goob-joog u ahaa dilkii John F. Kennedy ee Dealey Plaza, xariggii Lee Harvey Oswald, iyo toogashadii Oswald ee uu geystay Jack Ruby bishii Nofeembar 1963?
- ... in hal qof oo keliya dunida oo dhan uu ka badbaaday cudurka rabies isaga oo aan helin tallaal?
- ... in Napoleon markii uu dib u soo celiyay addoonsiga gumeysigii Faransiiska ay sababtay in Haiti ay madax-bannaanideeda qaadato sannadkii 1804?
- ... in jasiiradda Dominica ay hoy u tahay Harada Karkaraysa (Boiling Lake), oo ah il-kululeedka labaad ee ugu weyn dunida?
- ... in Ra’iisul-wasaaraha Pakistan Benazir Bhutto ay ahayd haweeneydii ugu horreysay ee hoggaamisa dowlad dimuqraadi ah oo ku taalla waddan Muslimiintu u badan yihiin?