Jump to content

Wikipedia:Madasha Danguud

Ka Wikipedia
 “Danta Guud Ayaa Na mideeyso” 

Waa Madal furan oo an eheyn mid Dowli ah Taaso oo uu taagan in danta Guud loogu adeego, Kana Shaqeeynayo sidii looga dhabeeyn lahaa kaalimaha hoos ku xusan Kuwas oo Hirgalintoodu Waxbadan ku soo kordhin doonto horumarinta bulshadeena sarane u qaadaysa wacyiga ummadeena.

Bulshadu iyadoo ka Xor ah Qeybsanaanta si wada Jir ahna u Wajahdo xaaladaha & dhibaatoyinka Bulshada kusoo noqnoqda Sahan wanaagsan, Mustaqbal & Ifaayana u horseedo dalka iyo dadka soomaaliyeed.

Fasirka Fulinta Yoolka Danguud

  • Dood cilmiyeed lagu Ogaanayo Aragtida Bulshada,Siyaasada, Dhaqanka & Dhaqaalaha dalka Herka u Joogo laguna saadaalinayo Hiigsiga horumarinta bulshada.


  • Baraha Bulshadu ku kulanto iyo Aaladaha casriga ah ee internet Golayaashisa oo loo Marin doono Aragtida Danguud ee Ka turjumayso Midnimada Soomaaliyeed & isku tashiga Bulshada qiimaha uu ku dhisan yahay.
  • Tabobaro sare loogu qaadanayo horumarinta xirfadaha shaqooyinka yaryar, isla mar ahantane fursado loo aburayo Bulshada intooda leh HalAbuurka

Sidoo kole waxaa noo Muhiim ah

  • Tayeenta iyo Sare u qaadista Afka, dhaqanka iyo dhiiri gelinta Aqris qorista soomaaliga.

Waxaana Soo dhaweeyneeynaa Qofkasto Soomaaliyeed Ee Qaba Aragtidaan Danguud

Wada Hadalka Bulshada In si toos ah oo furan ay uga dooddan

  • Dhaqaalaha
  • Ganacsiga
  • Degaanka & Beyadda
  • Xuquuqda aadanaha
  • Qawaaninta dalka, Sinaanta & cadaalada
  • Siyaasada, Ammniga & Arimaha Bulshada Guud Ahan dood

Isla mar ahaantasna ay dabo socondoonto in Si qoto dheerna loogu Sameeyo cilmi Baaris, dhan walba ka taabanaysa Baahiyaha bulshada xalna lagu raadindoono si wada jir ah oo cilmiyeesan.

WacyiGelinta

Dhalinyarada, Haweenka,Odayaal dhaqameedka, dhaqan sidayaasha (Abwaanada) Baraarujinta iyo Hanuuninta Aayaha Umadda soomaaliyeed & mideentooda oo laga ciribtiro Qabyaalada naafeysay wadajirkeena misna hortaagan uguntashada Ka dhiidhinta la dagaalanka iyo yareenta saboolnimada, Xasilooni darada siyaasadeed iyo tan Ammni ee jirto iyo Musuqmaasuqa.

Jeheynta Bulshada

“Bulshadadeenu Ma ahan in la baro sida loogu noolado kaalmo shisheeye, Waa kuwo u baahan in la baro sida loo soo saarto waxsoosaarka kala duwan.

Halabuurka Jeheeynta Bulshada Waa mid loogu jeheeynaya bulshada dhanka wax soo saarka dalka sarane loo qaadayo aqoontooda & xirfadooda shaqo si ay u Aminaan dhulka hooyo, wana mid lagu gaari karayo hirgelinta kaalimaha kala ah

  • Shaqo Abuurista
  • WaxBarasha
  • Wax Soo saar ka Qeyraadka dalka, Cuduuda Midnimo iyo Wada Jirku leeyahay oo lagu Baraarujiyo Umadda; waa mida keliya ee Bedeli karto wijiga Baahida Taagan iyo Arimaha Murigsan ee xal u helkoodu dheeraaday.

DhiiriGelinta Aqris Qorista Afka Soomaaliga

Afka Soomaaliga Hidaha iyo dhaqanku Waa Hantida ugu Qaalisan Ee ay Umaddu leedahay,

Waa tan keliya ee an uga duwanahay umaddaha kale ee calamka wana Mid Hodan ah Suugantiisa iyo Naxwihiisuba,

Soo Nooleynta ku xaragoosha Dhaqanka iyo hidaha mudnaan weyn ayuu noo leedahay

Sidoo kole In sare loo Qaado kayd Qoraaledka ku Daabacan afkeena hooyo Lana dhiiri gelsho qoraaga soomaaliyeed,

Farshaxanka Sida dhiirigelinta hal-abuurada sawir Gacmeedyada,Gabayada, Heesaha, Riwaayadaha,cayaaraha dhaqanka ayadoo sare loo qaadi doona in lagu tartamo oo lana barto.

“Danta Guud Ayaa Na Mideeyso”