Wikipedia:Maqaal Xul Ah Bogga Hore/21
Appearance

Afrika waa qaarada labaad ee ugu weyn qaaradaha aduunka kadib qaarada Aasiya dhanka baaxada iyo dhanka dadkaba. Baaxada Afrika waxay la'egtahay c. 30,244,050 km² (11,677,240 mi²) tiradaas waxaa ku jira dhamaan jasiiradaha lagu xisaabo Afrika. Afrika baaxadeeda waxay dabooshaa 20.3% baaxada dhulka oo dhan. Sida lagu xusay tirokoob caalami ah oo la sameeyay sanadkii 2013ka waxaa ku nool qaarada Afrika dad tiradooda ay dhantahay 1.3 bilyan taasi oo ah tiro u dhiganta todobo qeyboodoo qayb dadka dunida ku noolo maanta.
Qarnigii 19aad ayaa wadamada reer Yurub go'aan ku gaadhay gumeysashada Afrika. Dawladda kaliya ee xor ahaa waqtiga halgankaas waa dawladda Diiriye Guure ee abaanduulkii guud ka ahaa Ismaaciil Mire. (SII AQRI)