Wikipedia:Maqaal Xul Ah Bogga Hore/22
Appearance

Meere waa dhul ama duni ka sameysan dhagaxaan, caro iyo hawo oo ku wareegta xidig ama qorax. Labada meere ee neef leh waa Dhul, iyo K2-18b. Sida Cilmi Fallagu sheego waxa jira in ka badan balaayiin meereyaal Koonkan eeynu ku noolnahay. Meerayaasha waxaa guud ahaan loo qeeyniyaa labo: mid xajmi wayn oo cufkiisu yar yahay kana samaysan hawooyin iyo mid xajmi yar oo cufkiisu wayn yahay kana samaysan oogo dhagaxaan ah. Iyadoo la tix raacayo qeexida hay'ada Cilmi Fallaga ee dunida IAU (Midowga Cilmiga Xidigaha), waxa si rasmi ah loo aqoonsan yahay ineey jiraan 8 meere Bahda Midaysay Qoraxdu ama (Solar System) Sideedaas Meere waxay kala yihiin Dusaa (Mercury) oo Qorraxda ugu dhow, Waxaraxir (Venus), Dhulka iyo meeraha Farraare (Mars). (SII AQRI)