Jump to content

Wikipedia:Maqaal Xul Ah Bogga Hore/23

Ka Wikipedia
Islaam
Islaam

Islaam waa Diin Bani-Aadamka iyo Jiniga farta(amarta) inay Allaah Kaligiis caabudaan, wax kalena ayna ula shiriig-yeelin. Islaamka waa diinta ugu fiditaanka badan caalamkaan aan hadda joogno 24.1% dadka caalam waa muslimiin taas oo ah wax badan shucuubta aduunka ku nool ay yihiin dad muslimiin ah. Dadka Soomaalidu waa dad tirakoobkooda muslimiin ah 100%, oo suniyiin (Dadka hiddaha ee nashiran) ah, inta badan madhhabka ay soomaalidu wax ku xukumaan waa madhabka imam shafi'i. Diinta islaamka waa diinta kaliya ee nebiyadii hore Nebi Aadam ilaa iyo Nebi Muxammad Allaah ugu talagalay in Aadamaha isku xukumaan ee ilaahey kaligiis caabudaan, wax kale ula shariig yeelin (ilaahey la wadaajinin). Nebi Muxammad (SCW) wuxuu ahaa nabigii ugu dambeeyay ee uu Allah soo diro ee Nebiyadii iyo Rusushii lagu qatimay, gadaashiisana uu nebi ama Rasuul Dambe imaaneyn. (SII AQRI)