Wikipedia:Maqaalka Fiican Bogga Hore/10

Cabdirashiid Cali Sharmaarke (8 Juun 1919 – 15 Oktoobar 1969) wuxuu ahaa Ra’iisul Wasaarihii ugu horreeyay ee Jamhuuriyadda Soomaaliya laga bilaabo 12 Luulyo 1960 ilaa 14 Juun 1964, sidoo kale wuxuu ahaa Madaxweynihii labaad ee Soomaaliya laga bilaabo 6 Luulyo 1967 ilaa geeridiisii dilka ahayd 15 Oktoobar 1969. Cabdirashiid Cali Sharmaarke wuxuu ku dhashay sannadkii 1919 magaalada Xarardheere, oo ku taalla waqooyi-bartamaha gobolka Mudug ee Soomaaliya. Aabbihiis wuxuu ka tirsanaa beesha Cismaan Maxamuud ee Majeerteen, oo ka mid ah qabiilka Daarood, halka hooyadiis ay ka soo jeedday beesha Habar Gidir. Waxaa ku soo barbaarisay hooyadiis magaalada Muqdisho, halkaas oo uu ku dhigan jiray dugsiyada Qur’aanka isla markaana uu dhammeystay waxbarashada hoose sannadkii 1936. Kadib wuxuu bilaabay ganacsi, wuxuuna markii dambe noqday shaqaale dowladeed xilligii gumeystaha Talyaaniga. Sannadkii 1943, oo ahaa sanadkii la aasaasay, Cabdirashiid wuxuu ku biiray xisbiga siyaasadeed ee Ururka Dhallinyarada Soomaaliyeed (SYL). Sannadkii ku xigayna wuxuu ka shaqo galay adeegga rayidka ee maamulka Ingiriiska. Intii uu weli ahaa shaqaale dowladeed, Cabdirashiid wuxuu dhammeystay waxbarashada sare sannadkii 1953. Wuxuu helay deeq waxbarasho oo uu ku aaday Jaamacadda Sapienza ee Rome, halkaas oo uu ka qaatay shahaadada koowaad (BA) ee Cilmiga Siyaasadda. Sannadkii 1960, waxaa dhashay wiilkiisa Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, kaas oo markii dambe noqday Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka kumeel gaarka ah ee Soomaaliya. (SII AQRI)