Jump to content

Wikipedia:Maqaalka Fiican Bogga Hore/16

Ka Wikipedia
Suldaan
Suldaan

Cali Yuusuf Keenadiid dhintay 1927) waxa uu ahaa Suldaan Soomaaliyeed iyo taliyihii labaad ee Saldanadii Hobyo. wuxuu ka mid ahaa hoggaamiyeyaashii taariikhiga ahaa ee Soomaaliyeed ee qarnigii 19-aad iyo bilowgii qarnigii 20-aad. Wuxuu ahaa suldaankii labaad ee Boqortooyadii Hobyo, isagoo xilka kula wareegay aabbihii Suldaan Yuusuf Cali Keenadiid, kaas oo ahaa aasaasaha boqortooyadaas. Boqortooyada Hobyo waxay ka talin jirtay qeybo ka tirsan gobollada Mudug iyo Galgaduud, gaar ahaan magaalooyinka iyo deegaannada xeebaha u dhaw, waxaana maamulkeedu ku dhisnaa nidaam siyaasadeed, dhaqan iyo bulsho oo ka turjumaya garaad hoggaamineed iyo isku dubbarid dawladnimo oo heerkeedu sareeyo wakhtigaas. (SII AQRI)