Wikipedia:Maqaalka Fiican Bogga Hore/323

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi waa madaxweynaha Somaliland, waxa uu soo noqday guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland inta badan baarlamaankii ugu horeeyay ee la soo doorto. Waxa uu noqday madaxweynaha Somaliland 2024 asiga oo noqday murashaxa xisbiga Waddani.
Waxa uu soo noqday guddoomiya Hay’adda Horumarinta iyo dib u Dejinta ee loo yaqiin (Dan-wadaagaha) ee Soomaaliya 1981kii, waxa uu ka mid ahaa shaqaalaha arrimaha dibedda ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Soomaaliya. Cabdiraxmaan waxa kale oo uu ka soo shaqeeyay safaaradda Soomaaliya asiga oo noqday qunsuliyadii ugu horreysay ee Moskow, taas oo dabooli jirtay dhammaan Midowga Soofiyeeti. Sannadkii 1990-kii, ayaa mar kale loo magacaabay inuu noqdo ku-simaha Safiirka Soomaaliya ee Midowga Soofiyeeti. C/raxmaan xilkaas oo kale, waxa uu ku caawiyay qurba-joog badan oo Soomaali ah oo ka tagay Soomaaliya ka dib markii uu qarxay dagaalladii sokeeye. Ka dib waxa uu u guuray Finland 1995 si uu ugu biiro qoyskiisa, oo halkaas u guuray dhawr sano ka hor, kadibna wuxuu helay dhalashada Finland.
Cabdiraxmaan ayaa loo doortay madaxweynaha Somaliland doorashada madaxtinimada Somaliland ee 2024-ka oo ah musharaxa xisbiga Waddani. Waxa uu ku guulaystay ku dhawaad 64% codadkii la dhiibtay, halka madaxweynihii ka horreeyay Muuse Biixi Cabdi uu helay 35%. Waxaa la caleema saaray 12-kii Diseembar 2024. (SII AQRI)