Jump to content

Wikipedia:Maqaalka Fiican Bogga Hore/8

Ka Wikipedia
Ra'isul wasaare
Ra'isul wasaare

Cabdullaahi Ciise wuxuu ahaa siyaasi Soomaaliyeed. Wuxuu ahaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ugu horeeyay xilligii Kormeerka Talyaaniga (Trusteeship-ka), isaga oo xilka hayay laga bilaabo 29-kii Febraayo 1949 ilaa 7-dii Luulyo 1960. Ciise waxa uu ku dhashay sanadkii 1921 magaalada Afgooye ee koonfurta Soomaaliya. Waxaa lagu naanaysi jiray “Bidaar.” Ciise waxa uu waxbarasho hoose ka qaatay dugsi Soomaali ah oo ku yaallay caasimadda, sidoo kale waxa uu dhigan jiray dugsi Qur’aanka Kariimka ah (madraso). Markii uu qarxay Dagaalkii Labaad ee Adduunka, weli arday buu ahaa. Ciise waxa uu markii dambe u guuray magaalada dekedda ah ee Marka isagoo 16 jir ah, halkaas oo uu ka shaqeeyay karraani boosto intii u dhexeysay 1939 ilaa 1941. Kadib waxa uu ku laabtay Muqdisho, isaga oo xil ka qabtay Waaxda Arrimaha Dhaqaalaha. Markii ay ciidamada Ingiriisku la wareegeen Soomaaliya horraantii 1940-meeyadii, Ciise shaqada waa laga eryay. Kadibna waxa uu bilaabay ganacsi. Kadib jahawareerkii sannadihii dagaalka, Ciise waxa uu ku biiray Ururka Dhalinyarada Soomaaliyeed (SYL) markii la aas-aasay. Waxa uu ka mid ahaa siyaasiyiintii Soomaaliyeed ee xilligaas, maadaama uu ahaa nin da’yar (38 jir), caqli badan, inta badan is-baray, kalsooni leh, go’aan adagna leh. Si degdeg ah ayuu uga dhex muuqday ururka, wuxuuna noqday mid ka mid ah hoggaamiyeyaashiisa. Sannadkii 1948, waxa loo magacaabay Guddiga Dhexe ee SYL, ugu dambayna waxa uu noqday Xoghayaha Guud ee ururka. Ciise waxa uu markii dambe u safray Paris iyo New York isaga oo wakiil uga ah SYL, si uu u muujiyo xuquuqda shacabka Soomaaliyeed ee madaxbannaanida. Intii u dhexeysay 1950 ilaa 1954, waxa uu SYL ku matalay Golaha Kormeerka Qaramada Midoobay (UN Trusteeship Council). Kadib markii loo doortay xildhibaan SYL ah doorashadii siyaasadeed ee 1956, isla sannadkaas ayaa loo xilsaaray inuu dhiso dowladdii ugu horreysay ee Soomaaliya, sidaasna waxa uu ku noqday Ra’iisul Wasaarihii ugu horreeyay ee dalka. (SII AQRI)