Wikipedia:Maqaalka Fiican Bogga Hore/9

Aadan Cabdulle Cismaan Dacar (9 Diseembar 1908 – 8 Juun 2007), oo si weyn loogu yaqaannay Aadan Cadde, wuxuu ahaa siyaasi Soomaaliyeed oo noqday madaxweynihii ugu horreeyay Jamhuuriyadda Soomaaliya, xilkaas oo uu hayay 1 Luulyo 1960 ilaa 6 Luulyo 1967. Ka hor intaas, wuxuu ka tirsanaa Ururka Dhalinyarada Soomaaliyeed (SYL) tan iyo 1944. Sannadkii 1946, waxaa loo magacaabay Xoghayaha laanta xisbiga ee Beledweyne. Sannadkii 1951, Golaha Gobolka Mudug ayaa u magacaabay xubin ka tirsan Golaha Gobolka, laba sano kadibna wuxuu noqday Madaxweyne Ku-xigeenka Golaha Gobolka. Intii u dhaxaysay 1954 ilaa 1956, Aadan Cadde wuxuu ahaa Guddoomiyaha SYL. Mar kale ayaa dib loo doortay May 1958, wuxuuna xilkaas sii hayay isaga oo isla mar ahaantaana ahaa Guddoomiyaha Golaha Sharci-dejinta ilaa 1960. Aadan Cabdulle Cismaan Dacar wuxuu ku dhashay Beledweyne. Wuxuu wax ku bartay dugsiyada dowladda, wuxuuna ka shaqeeyay abaabul bulsho. Soomaaliya waxaa gumaysanaysay Talyaaniga intii u dhaxaysay 1889 ilaa 1941. Intii u dhexeysay 1929 ilaa 1941, Aadan Cadde wuxuu ka shaqaynayay Maamulka Gumeysiga Talyaaniga, isaga oo u ololeynayay xornimada Soomaaliya. Wuxuu ahaa taageere midnimada dhammaan dadka Soomaaliyeed. Sannadkii 1960, Aadan Cadde wuxuu helay taageero ballaaran oo qaran, wuxuuna kasbaday kalsoonida shacabka Soomaaliyeed. Waxaa si dimoqraadi ah loogu doortay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya 1 Luulyo 1960, maalintaas oo Qaramada Midoobay aqoonsatay xornimada Soomaaliya, isla markaana ay midoobeen Soomaaliyadii Talyaaniga iyo Maxmiyaddii Ingiriiska ee Somaliland, taas oo xornimadeeda qaadatay 26 Juun 1960. Maamulkiisu wuxuu diiradda saaray baabi’inta raadadkii gumeysiga iyo xoojinta midnimada shacabka Soomaaliyeed. (SII AQRI)