Wikipedia talk:Maqaal Cusub

Page contents not supported in other languages.
Ka Wikipedia

Macalin Axmed omaar[wax ka badal xogta]

Kusoo dhawaada boga Macalin Axmed Omaar. Waa boga aqoon korodhsi iyo ardey kaab ee macalin Axmed Omaar, ood ka heli doonto casharo muhiim ah iyo cilimi baadhisyo kor u qaado doona aqoontada iyo heerka waxbarashadada. Macalin ax-omaar (talk) 15:52, 26 Sebteembar 2015 (UTC)[reply]

Asc macalin magacaygu Waa Qaasim Seeraar waxan ka mid ahay ardayda IT ka qalin jabisay waxan sameyay program la yirah ogaal masenger Qaasim Seeraar (talk) 00:11, 28 Luuliyo 2017 (UTC)

AQOONTA IYO QIIMAHA AY LEEDAHAY[wax ka badal xogta]

AQOONTA IYO QIIMAHA AY LEEDAHAY[wax ka badal xogta]

Waxaa hubaal ah oon laga indho saaban Karin in ay Aqoontu sameyn karto ama ay sahli karto wax aaney awoodu ama xoogu sameyn Karin. Waxyigii ugu horeeyey ee Nabi Muxamed (NNBKH), lagu soo dajiyey; waxaa uu Ilaahay ku bilaabey Cilmi, Qalin iyo Akhris. Taasi waxa ay tilmaameysaa Shareecada Islaamiga ahi meesha ay cilmiga dhigeyso. Xataa haddeynu eegno wadamada manta dunida hogaaminaya ee haddana aan lahayn illo dhaqaale oo dabiiciya, tusaale ahaan, Japan waa dal aan lahay illoo dhaqaale oo dabiiya, ayay kamid noqdeen dawladaha addunka ugu awooda badan ee hogaaminaya kawkan aynu ku noolnahay. Runtii shaki kama taagna in heerkooda aqooneed ay u sahashey kaalinta iyo doorka ay ka ciyaarayaa awoodaha dunidan ku loolamaya. Maaha waddanka qanninimo kale oo taala, waa bulshadeeda oo noqdey dad wax labarey. Waxaynu garan karnaa Quraankeenu sida uu aqoonta u weyneeyey; Ilaahayna Nabigiisa (NBKH), markuu u galad sheeganayey wuxu ugu galad sheegtey in uu waxbarey. Nabi Muxamed (NNBKH), Ilaahey waxaa uu ku tilmaamayaa nimcooyinka uu siyey; Allaa ku barrey wax aanad hore uu garaneyn (wacalamaka maa lam takun taclam). Sidoo kale, waxaynu ogsoonahay in uu Ilaahay Nabi Muxamed (NBKH), Quraanka ku farayo, ‘aqoon ilaahaw ii kordhi dheh’, (wa qul rabi sidniii cilmaa). Sidaa awgeed, waa nimco muddan in loo safro, loo daalo, loo lugeeyo, oo loo gaajaado, oo dhib loo galo, (loo dhib muto). Haddaad meeshaad joogto, ka weydo aad u safri karto, si aad aqoon usoo ururiso Ilaahyna waxaa uu Quraanka inoogu tilmaamayaa, Nabiyo u safartey in ay aqoon soo helaan. Nabi Muuse (NNBKH), Ilaahay waxa uu tilmaamayaa inuu safrey isagoo aqoon raadis ah.

Aqoonta manta aynu ka faaidney maaha aqoon sifudud loo ururiyey. Dad baa u gaajoodey, safaro kala duwan u galey, dhib u mutey, u hurdo seegey, wakhti u hurey si ay aqoonta manta dunida taala u suuro galiyaan. Waxay garanayeen, in uu jahligu yahay cimrigii oo kaa baaba’aya, kaa khasaaraya, noloshii oo aad gowraceyso, inuu yahay damiirka qofka bini’adamka oo dhimanaya. Sidaa darted ayuu Ilaahay, Anbiyadiisa uga digayaa; Nabi Nuux (NNBKH), waxaa uu Ilaahay ku yidhi, “waxa aan kaga digayaa inaad kuwa wax magaratada ku biirto” (Inii aciduka an takuuna minal jaahiliin). Ugu danbeyn waxaa xasuusin muddan in Cilmiga Islaamku ina faray ma ahan Diiinta Islaamka kaliya ee waxaa Islaamku ina faray inaan barano wax kasta oo qofkka anfacaya aduunkiisa iyo aakhiradiisa.

Abdifatah dacas[wax ka badal xogta]

Abdifatah ahmed hassan(abdifatah dacas) waxa uu dhashay sanadka markuu aha 5/4/1989 waxa uu ku dhashay magalada soomaaliya gaar ahaan Afmadow ee gobolka jubbada hoose Abdifatah dacas (talk) 21:26, 28 Juun 2018 (UTC)[reply]

Halka uu kuso bar baray[wax ka badal xogta]

Abdifatah waxa uu kuso barbaray waxna kusoobartay dalka kenya gaar ahan magada garissa iyo caasimada kenya ee nairob Abdifatah dacas (talk) 21:38, 28 Juun 2018 (UTC)[reply]