Xarardheere

Ka Wikipedia
(Waxaa laga soo toosiyay Xaradheere)
Xarardheere

هرارديري (Carabi)
Xarardheere is located in Somalia
Xarardheere
Xarardheere
Location in Somalia
Wadan Soomaaliya
GobolMudug
DegmoXarardheere
Tirada dadka
(2005 [1].)
 • Dhammaan65,500
Aag saacadeedUTC+3 (EAT)

Xarardheere (Af Carabi : ar‎) waa magaalo taariikhi ah oo ku taal gobolka Mudug ee Soomaaliya.

Taariikh[wax ka badal | wax ka badal xogta]

XarardheereKa

Xarardheere waa degmo ku taala deexda gobolka Mudug.

Maqaalkaan waa gumud (maqaal aad u gaaban.

Xarardheere waa degmo xeebeed kaga taala soomaaliya dhinaca qorox ka soo bax ee [bari], gobalka eey ka tirsantahayna waa gobolka Mudug. Waa degmo barwaaqaysan kana heli kartid waxyaabaha eey naftu u baahantahay, waxayna ku darsatay inay tahay degmo dalxiiseed qaboow xaga nulosha waa degmada maanta ugu qaalisan xaga nolosha degmooyinka Soomaaliya. Siyaasad ahaan waa degmo ka nabadoon dagaalada galaaftay dalka qaybihiisa badan. Degmada waxaa inteeda badan degga oo iska leh beesha Saruur, waxaa sidoo kale la dega oo laakiin aan ku bacneyn beelaha Cayr, Sacad iyo Saleebaan oo ah Beesha Habargidir. Iyo Sidoo Kale Beesha Wacaysle Abgaal Iyo Beesha Xaskul Hawiye iyo axmed farax Oo Iyagana Daga Qeebo Kamid Ah Degmad Xarardheere. Degmadaan oo ah meel Ilaahey ku manneystay qeyraadka sida baddii, xoolihii, beerihii intaba. Waxaa kale oo degmada ku teedsan magaalooyin aan ka dhicin iyo  tuulooyin dhowr ah sida Dhalwo, Dumaaye, Dabagalo, Wadaariq ,Aboorey,Gumur Qosoltire, Ceelhuur Caad Camaara Korordheere , Ilbir, Camaaro iyo Ceelcabdi,Tuulo habarawe . Haddii aannu dib u jalleecno waxaa ku dhashay Xarardheere siyaasiyiin caan ah sida:

1. Cabdirashiid Cali Sharmaarke, madaxweynii hore ee Soomaaliya (1967-69)

2. Maxamed Siciid (Jentelmaan), xildhibaan ka ahaa barlamaankii (1960-69).

3. Maxamed Abshir Muuse, taliyihii ciidanka boliska 1960-68.

4. Nageeye Gacal Kuul(Garxiir)

5- Dr zakaria Ali mohamud( xarbi)

magaca magaalada[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Magaalada magaceeda waxaa la sheegaa in uu ka yimid labo magac oo isku tagtay oo kala ah Xarar iyo dheere Xarardheere oo ah geed dheer oo xarar ah oo magaalada ka bixi jiray.

Magaaladan waxa ay ka midtahay magaalooyinka gobolka Mudug uu ka kooban yahay, isla markaana ku taalla dhinaca deexda.

waxey ku taalaa dhinaca qorax ka soo bax ee bari.

Dhaqaalaha[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Degmadaan waxaa ka jira ganacsi ballaaran oo dhinaca dalagyada beeraha kasoo baxa, xoolaha iyo weliba kalluumeysiga oo ah qeybta ugu weyn ee lacagta adagi kasoo,gasho dadka degaanka.

waxey dagmo noqotay 1972, waxaana ka noqday guddoomiyihii uhu horeeyay Abdi dheere, magaaladan waa magaalada kaliyah ee waxyaabihii danta guud wali ey yihiin dan guud, sidii Isbitaalka, wakaalada biyaha, iskuulka degmada, saldhiga booliska, gurigii martida iyo wax kasta oo dan guud ahaa.

Magaalooyinka gobolka mudug[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Magaaloyinka hoostaga Degmad Xarardheere waxaakamida

gaddoon Waa Tuulo dhacda Gobolka mudug gaar ahaan magaalada Xarardheere. Inkastoo dhawaan la aasaasay haddana waa tuulo dad badan oo oomane ahaa ay ku oon baxeen. Waxaa dagga jufada Habargidir ee Saruur Burjiriqo

  1. https://docs.unocha.org/sites/dms/Somalia/UNDP-POP-RURAL-URBAN%202005.pdf