Xarfo

Ka Wikipedia
(Waxaa laga soo toosiyay Xarfo (degmo))
Xarfo

(Carabi) حرفو
Xarfo is located in Earth
Xarfo
Xarfo
Coordinates: 7.350°N 47.622°E
Wadan Soomaaliya
GobolMudug
DegmoXarfo
Dowlada
 • DuqaC/qaadir Cumar maxamed
 • D.KuxigeenDaahir cali maxamed
Tirada dadka
 • Dhammaan50,000
Aag saacadeedUTC+3 (EAT)

Xarfo waa Degmo ka tirsan Gobolka Mudug ee wadanka soomaaliya. Xarfo waxay u dhaxaysa magaalo madaxda dawlad goboleedka Puntland ee Garowe oo ay jirto fogaan dhan 190km Koonfur Galbeed iyo magaalada GALKACYO ee xarunta goboka mudug oo ay u jirto fogaan dhan 70km waqooyi bari. Xarfo waa magaalo ay ku nool yihiin dad gaaraya in ka badan 50,000 {konton kun} oo qof, waana magaalo ku taal dhul buuralay ah. Xarfo waa magaalo aan kulalayn qaboobayna, waxayna leedahay jawi dhex dhexaad ah, xiliyada roobka waxay la wadaagta degaanada Puntland. Xarfo waa degmo ay hoosyimaada in kabadan 40 {afartan} tuulo iyo magaalada Bacaadweyn oo xarfo dhinaca bari ka xigta 27km. Degmada xarfo waxaa degmo ahaan loo aqoonsaday sanadkii 2006dii waxaana aqoonsaday dawladii xiligaas ka talinaysay Puntland ee uu hogaaminayay Mudane Cade Muuse Boqor. Sanadkii 2006di waxaa gudoomiyihii ugu horeeyay noqday Qumbe Ciise Qulaan, waxaana labo sano kadib badalay mudane Bashiir Faarax Bile oo noqday gudoomiyihii 2aad ee degmada, waxaana sidoo kale noqday gudoomiyihii 3aad mudane Cabdulaahi Faarax Bayle {takarooni} isagoo xilka hayay intii u dhaxaysay sanadihii 2009-2014 isla 2014 waxaana badalay oo xilka guddoomiye nimo loo doortay Mudane Cabdifitaax Daahir {GURUU}. sanadku markuu ahaa 2016 waxaa xilka guddoomiye nimo loodoortay Bashiir Daahir Nuur. Sanadku markuu ahaa 2019 waxaa xilka qabtay C/qaadir Cumar maxamed