Jump to content

Xashiish

Ka Wikipedia

Xashiish waa mid ka mid ah maandooriyada mamnuuca ka ah soomaaliya, waxaana lagu xusay qaanuunka ciqaabta ee Soomaaliya 1971.[1] Warbixinadii 1970 iyo 1971 waxay xuseysaa inay tahay mid ka mid ah maandooriyeyaasha yar ee lagu arkay soomaaliya, ee aan ahayn caleenta qaadka.[2][1]:381 sidoo kale 2015 waxaa deegaanka Bacaadle oo dhinaca Koofureed kaga yaal magaalada Jowhar lagu arkay Xashiishka maandooriyaha oo laga soo guray beer halkaas ka baxdo, ninkii beertaas lahaa neh lagu xukumay 4 sano oo xarig ah.[3]


Dagaalkii Sokeeye ee Soomaaliya

[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Ilaa horraantii 1996, Jaangooyooyinka Nairobi ayaa soo sheegay in qabqablayaasha dagaalka Soomaaliya ay beerayeen xashiishad si ay u taageeraan hawlgallada millateriga, taas oo u dhiganta goosashada sanadlaha ah ee 160 tan una dhiganta US $ 272 milyan.[4]

Daraasad la sameeyay 2007dii ee ku saabsan isticmaalka daroogada dagaalyahanada dagaalkii Soomaaliya ayaa xustay in daroogada ugu caansan ay ahayd qaadka.

ka dib markii ay arkagixisada la wareegtay magaalada dekeda leh ee Kismaayo, Warbixinta Al Jazeera 2008 waxay xustay in sedex nin oo maxali ah loo qabtay haysashada xashiishka, sahaydooduna ay gubeen, meel fagaare ah neh ay ku garaacaen.[5]


  1. 1 2 Martin R. Ganzglass; Somalia (1971). The Penal code of the Somali Democratic Republic: with cases, commentary, and examples. Rutgers University Press. ISBN 978-0-8135-0667-8.
  2. New Era. Ministry of Information and National Guidance. 1970. p. 18.
  3. "beeraha xashiishka ee soomaaliya".
  4. Mohamed Haji Mukhtar (25 February 2003). Historical Dictionary of Somalia. Scarecrow Press. pp. 43–. ISBN 978-0-8108-6604-1.
  5. "Somali fighters destroying shrines". Al Jazeera English. 2008-12-20. Retrieved 2017-01-26.