Jump to content

Xeer ciise

Ka Wikipedia

Xeer ciise waa qaanuun bulsheed oo ay leedahay beelweynta Ciise oo ka mid ah beelaha ugu tunka weyn geeska afrika. Xeer ciise waxa lagu tilmaama in uu yahay midka ugu raadraaca dheer xeerarka bulshooyinka geeska afrika, Waana qaanuun kala hagaya khilaafka ciisaha dhexdiisa iyo bulshooyinka ay oodwadaagta yihiin.

Xeerkan oo ay ka soo Shaqeeyeen Oday Dhaqameedyo Xeerbeegti ah Khibrad sarena u lahaa Xallinta iyo daminta Mushkiladaha Bulsheed ayaa dadaal badan ku bixiyey sidii xeerkan loo hirgelin lahaa. Waana ta Maanta Keentay in Baal Dahaba lagu Qoro Magacyadooda, Bulshaduna u og tahay Wax qabadkooda.

Qaab dhismeedka Xeer ciise oo aan Faahfaahintiisa hoos ku xusi Doono ayaa ah mid ku Dhisan rukuno Aas aas u ah Xeerka.

Waxayna Yihiin sidatan : 1. Lix (6) Kabood. 2. Boqol iyo lixdan Dhagalay (160) 3. Saddex boqol iyo lix iyo Soddon (336) Sarood. 4. Afar boqol iyo Afar iyo Afartan ( 444) Indhal.

A) Lixda Kabood.

Lixda kabood oo ah qaybaha uu xeerku ka hadlay waxay kala yihiin.

  • Dhiig
  • Dhaqan
  • Dhaqaale
  • Dheer
  • Dhul
  • Dhibleh

1) Dhiig Kabta koowaad ee dhiigu waxay u kala baxdaa Dhimasho (dhimashadu waxa ay ka dhigantahay laba reer oo ciise ah oo islaayay) Dhagar (qof qof dilay) Jab iyo Jareexo (Waa wixii dhaawac ah ee la isgaadhsiiyo) Boqolkii Cune. 2) Dhaqan. Doorashada Ugaaska.

  • Gandaha 44 nin
  • Guddi oo ah 12 nin

3) Dhaqaqaal oo ah xeerka qaabilsan dhaqaalaha Dhaqaaluhu wuxuu u kala baxaa Mood iyo Nool. Ciisuhu xeer uma dhigin moodka. Noolku wuxuu ka koobanyahay (Sagaal halaad, Dameer iyo Ey) Sagaalka halaad waxay u kala baxaan (Saddex waa dhaban, Saddexna wa Dhaxal, Saddexna waa Dhibaad)

4) Dheer Dheertu waxay ku saabsantahay xuquuqda iyo dhibta loo gaysto haweenka. Xuquuqda ay Hawenku wax ku helaan 1. Dhaban wax ku hesha 2. Dhaxal wax ku hesha.

Dhibta loo gaysto Haweenku waxy u kala baxdaa sida tan. 1. Bila Cad 2. Baara Cad ( gabadha aad u yar) 3. Gambo Cad 4. Banaanay 5. Gabadh wiilsidatay. 6. Duqdii Saddex goor ka ca. 7. Gorgor 8. Gidir 9. Golo ka bood 10. Sodoh 11. Islaan xigaaleed 12. Gabadh ninkii ay u doonanayd xumeeyey. 13. Xaynkeed wadha ( gabadhani xeer ma leh)

5) Dhul

Dhul ku wuxuu u kala baxaa Bad iyo Berri. Hadaba Ciisuhu Bada xeer uma dhigin. Dhulku wxuu u kala baxaa (Beer,Daaq iyo Ceel) Ciisuhu Xeerkii Siti lagu dejiyey wax Beer ah kamuu hadlin inkasta oo, dad Ciisaha ka mid ahi muddo 70 sano laga joogo ay xeerka Beeraha samayteen. Ciise wuxuu ka hadlay Daaqa iyo Ceelka .

6) Dhibleh

Kabta lixaad oo ah dhibleh oo macnaheedu yahay qofkii dhibaatada loo geystay ciisuhu waxay u kala saareen. Afar dhagaleey. Reerka ciise (Waxa la yidhi Kunna ha ahaadaane waa nin). Waxa kale oo la yidhi (Ciise waa wada ciise ninna nin caaro ma dheera)

  • Ahli (waxaa loo jeedaa Soomaalida kale)
  • Hiirimaad (Wixii Islaam ah ee aan ahayn Soomaali)
  • Dhibleh (waa qofka Gaalka ah)

Lixdaa kabood ayaa aas aas u ah Xeerka ciisaha Waxaana lagu sii faah faahiyey dhagalayda ama Sarta iyo Indhasha la dhigay.