Xinlabi-Mudug-Soomaaliya

Ka Wikipedia

Xinlebi/Xinlabi waa magaalo ku taal koofurta gobolka mudug-somaliya. Waa magaalo taariikhi ah waxaana laga heli karaa waxyaabo ku tusinaya facweynaanta magaalada sida ceelal laqoday boqolaal sano kahor kuwaas oo ay qodday boqortooyadii ajuuraan iyo waxyaabo kale oo facweyn.

Waa magaalo rabbi (Subxaanahu Watacaalaa) ku maneystay kheyraad badan Si gaar ah magaaladu waxey caan ku tahay cusbada/milixa. Cusbada xinlebi ayaa ah cusbada ugu tayada badan Africa waana halka laga soo saaro cusbada ugu badan ugu dabiicisan geeska Afrika taasoo il dhaqaale oo muhim u ah dadka deegaanka. Dhanka kale marka laga soo tago cusbada wax soosaarka magaalada ayaa ku saleysan dhaqashada xoolaha, ganacsiga Iyo beerashada.

Xinlebi waxay dhanka galbeed 150km uga beegantahay magaalo xeebeedka Hobyo taasoo ay hoostagto. Magaalada oo laga arki karo raadad qadiimi ah waxaa laga bilabay in laga faa'daysto cusbada horraantii sanadkii 1970kii oo ay dawladii kacaanka usamaysay nidaam dadka deegaanka ay dawlada uga iibsanayso waxsoosaarkooda kadibna u iibgaynaysay dalalka dibada.

Dhanka waxbarashada magaalada waxay leedahay hanaan waxbarasho oo dhamaystiran oo isugu jiro diini iyo maadi inataba. Dugsugii uu horeeyey waxaa ka qabtay macalin cusmaan qoobeey waxayna magaalada leedahay masaajido diinta si aad usareyso looga barto. Culimada magaalada waxaa ugu waawayn shiikh maxamed, shiikh cabdinuur sh.maxamed , shiikh ciise daahir cali iyo shiikh abuukar maxamed cali. Waxaa ka furan laba iskuul oo leh heerarka waxbarashada nidaamiga ah ee Hoose,dhexe iyo sare waxayna kala yihiin :Xinlebi Primary and secondary schol iyo Albirri primary and secondary school. Ardayda ka aflaxda goobaha waxbarashada waxay jaamacadaha u'aadaan magaalooyinka Cadaado iyo Muqdisho si ay usii wataan waxbarashadooda.

Magaalada waxay leedahay nidaam maamul gaar ah oo ay saldhig uyihiin odayaasha magaalada gudoomiyaha degamda waa Nuur Yuusuf Faarax halka ku xigeenkana yahay c/qaadir sh.maxamed. Odaasha dhaqanka ee magaaalada ugu caansan waxaa kamida: Xasan Cali axmed, Maxamed cali xade, c/qaadi sh.maxamed .

Dhaqaalaha maaalada wuxuu ku tiirsanyahay Soosaarista cusbada ama milixda , xoolo dhaqashada iyo ganacsiga .Nidaamka soosaarida cusbada waa midka ugu horreeya oo ay nolosha dadka ku tiirsan tahay waxaana ka faa'idaysta dhalinyarada oo qaab xamaal ahaan ah uga helo dhaqaalo halka qaar kalena ay goobaha ay ka soo baxdo ay soo saartaan kadibna ay ka iibsato ganacsto waxaana lagu daadgureeya gawaari.guudahan nolosha bulshada xinlebi waa mid heerka dhexe oo aysan dadkana waxay ku noolyihiin nolol heer wanaasan ah.