Calanka Soomaaliya
Calanka Soomaaliya waxaa la alifay 12 Oktoobar 1954tii. Ninkii sameeyay waxaa la dhihi jiray allaha u naxariistee Maxamed Cawaale Liibaan. Calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya waxa uu taagnaan jiray xiligii ee Soomaaaliya gacanta uugu jirtay Gumeystayaashii Ingriiska iyo Talyaaniga.
Qoraalka gudaha oo kooban |
[Wax ka bedel] Taariikh
Calanka Soomaaliya waxaa la sameeyay 1954 xiligii ee Soomaaliya kala qeybsaneyd. Waxaana soo alifay Maxamed Cawaale Liibaan, waa markii ee Soomaaliya u dagaaltami jirtay xoreenteeda iyo midnimada shacabka soomaaliyeed.
[Wax ka bedel] Micnaha Calanka
Calanka Soomaaliya, waa calan loo yaqaano Calan Qoomiyadeed. Calankaan waxaa uu dhaxda ku leeyahay xidig cad oo shan gees leh, xidigtaan waxaa loo yaqaanaa xidigta midnimada shacabka Soomaaliyeed, waxeena mideyneysaa gobolada ay Gumeystayaashii yurub ay kala qeybiyeen, oo kala ah Jabuuti, Soomaali Galbeed oo ay itoobiya hada heysato, Woqooyi bari NFD ee hada ay kenya heysato, Gobolada Waqooyi oo xurnimada ka qaatay Dalka Ingiriiska iyo Gobolada Koonfureed oo xurnimada ka qaatay Dalka Talyaaniga. Calanka Soomaaliya waa calan buluug sida cirka oo kale, xidig cad neh dhaxda uuga taalo. Soomaaliya marka ee xoroowday oo calanka soomaaliya laga taagay gobolada dalka, fanaaniinta soomaaliyeed heeso ee u sameeyeen, heesta uugu caansan oo waqtigaas la qaaday waxaa ka mid ah heestii "Qolobaa Calankeed" waxaana qaaday nin lagu magacaabi jiray Cabdullahi Qarshe. Heestaan ma ahan heesta calanka soomaaliya ee waa mid lagu faaninaayo. kabadalid maleh waa sax.
[Wax ka bedel] Cabdullahi Qarshe heesta oo qaaday oo qoraal ah
- Qolobaa calankeedu waa ceynoo,
- Innaga keenu waa,
- Cirkoo kale e,
- Een caadna lahayn,
- Ee caashaqaye.
- Xidigyahay cadi,
- Waad noo ciidamisee,
- Carradaa kaligaa
- adow curadee
- cadceeda sideedaa
- u caan noqo ee
- sidii culagii
- ciidad marisee
- Alloow haku celin