Dagaalkii Qaboobaa

Ka Wikipedia
(Waxaa laga soo toosiyay Dagaalkii qaboobaa)

Dagaalkii qaboobaa waxay ahayd colaad u dhaxaysey Midowgii Sofiyet iyo Mareykanka, taas oo bilaabatay taariikhdu markay ahayd 1945kii ilaa waqtigii midowgi sofiyeti dhacay 1991. Colaadda iyo khilaafka mareykanka iyo sofiyetka waxay markii ugu horeysay dhamaatay, waqtigii la dumiyey Darbigii Barliin 1989, waxay colaaddaasu si sax u usoo idlaatay burburkii midowgi soofiyeeti Dagaalkan waxa uu dhexeeyey labadii quwadood ee adduunka ku loollamaysay muddidii u dhaxaysay 1945-1991. Waxaa loollamayay MIdowgii Soviyetiga (xulufadii Warso) iyo NATO (ee uu Maraykanku horkacayey). sababta keenatay in dagaalkaa lagu magacaabo "dagaalkii qaboobaa" waxa aan dhicin mid kulul oo dagaalka si toos ah labada awoodood iskama horimaan. hase ahaatee marar badan ayey si dadban isaga horyimaadeen (sida Vietnam, Korea, Afghanistan)sida tusaalaha ka muuqata waxay isu adeegsadeen dadyowgii labada siyaasadood laka safnaa isla markaana xilliyadaa dabku ka shidnaa dalalkooda.