Nicolas Sarkozy

Ka Wikipedia
Nicolas Sarkozy

Nicolas Sarkozy Nicolas Paul Stéphane Sarközy (de Nagy-Bocsa; 28 January 1955) waxaa u aha Madaxweynaha Faransiiska, waxoona madaxweyne noqday taariikhda marka ee eheed 16 May 2007 ila 15 may 2012.

fadeexadii Nicolas Sarkozy[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Madaxweynaha dalka Faransiiska Nicolas Sarkozy ayey ku soo baxdey fadeexad uu ku kacay oo hanjabaad ah taasi oo uu u jeediyey Tafaftire Wargeys oo qoraal ku soo baxay wargeykaasi si xun loogu aflagaadeeyey Carla Bruni oo ah afada ama xaaskiisa. Sheekadan ayaa waxaa maalinimadii shaley lagu soo qoray jaraa’idka wadanka Faransiiska waxaana la sheegay in Madaxweyne Sarkozy uu telefoon ugu hanjabay nin qoraa ah oo lagu magacaabo Patrick Besson kaasi oo maqaal ka qorey xaaska Sarkozy sanadkii 2008-dii, isagoo ku tilmaamay marwada madaxweynaha “Ra cunto” isagoo ula jeeday Carla Bruni in ay tahay asxaabo nimeed. Mr Sarkozy ayaa markii sheekadaasi laga qoray xaaskiisa wuxuu si toos ah u wacay tifaftiraha wargeyska lagu magacaabo Le Point Mr Franz-Olivier Giesbert wuxuuna telefoon kula hadlayey mudo 40 daqiiqo ah isagoo waliba ugu hanjabay in uu feer wajiga kala dhici doono Buug xusuus qor ah oo uu qoray Giesbert ayuu wuxuu ku xusey wadasheekaysigii dhexmarey isaga iyo madaxweyne Sarkozy kaasi oo ku aadanaa hanjabaada sheekada laga qoray xaaskiisa Carla Bruni. Saxaafada wadanka Faransiiska ayaa maalinimadii shaley ee Jimcaha waxya si weyn uga hadlayeen buugaasi iyadoo sheekadaasi xiiso gaar ah u yeelatey dadka Faransiiska. Ma jiro wax war ah oo ilaa iyo hada ka soo baxay xafiiska madaxtooyada Faransiiska ee Madaxweyne Sarkozy ee ku aadan hanjabaada feerka ee laga soo sheegay. Mr Giesbert wuxuu sheegay in markii ay telefoonka ku wada hadleen Madaxweyne Sarkozy uu aad uga xumaaday warbixinta laga qorey Carla Bruni oo ay